Kaafi News

Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Shaacinayay Murashaxnimada Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Maanta Hargaysa Ka Dhacday.

Hargaysa(kaafinews) Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Shaacinayay Murashaxnimada Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax Oo Maanta Hargaysa Ka Dhacday.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha & Kaluumaysiga Ayaa Kahadlay Markab Xoolo siday oo Lasoo Celiyay

Hargaysa(kaafinews)

Wasiirka Xanaanada Xoolaha & Kaluumaysiga Ayaa Kahadlay Markab Xoolo siday oo Lasoo Celiyay

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Baaqay In Shir La Isugu Yimaado Magaalada Garoowe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay in 15-ka bisha Febraayo ee aan ku jirno shir la isugu yimaado magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland.

Shirkaan ayaa la sheegay in uu dhammaystir u noqonayo heshiiskii doorashooyinka ee 17-September 2020 lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Goor sii horraysayna waxaa madaxtooyada Villa Somalia kulan ku yeeshay maxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, si ay uga arrin sadaan doorashooyinka dalka.

xigasho bbc somali

Dowladda Ingiriiska iyo dalalka kale ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ku caawin doonaan Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Hargaysa(kaafinews) Warsaxafadeed Wadajir ah oo ay soo saareen Dowladaha Sweden, Norway, Maraykanka , Germany iyo UK oo ay maanta baahisay wasaaradda arrimaha Dibadda UK ayaa lagu boggaadiyay Hannaanka ay u socdaan Doorashooyinka Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka iyo sidii ay ku dhammaatay Diiwaangalintii codbixiyaasha.
Waddamadan ayaa sidoo kale ugu baaqay saddexda xisbi ee Somaliland in la ilaaliyo heshiiskii ay hore Saddexda xisbi uga gaadheen Qoondada Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco.
Bayaankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay madaxweynaha Somaliland sheegay in ay Somaliland iska bixinayso guud ahaan kharashka Doorashada.

Xukumada Somaliland Oo Saldhig Cusub Ka Hirgalinaysa Deegaanka Caashacado.

Hargaysa(kaafinews) Xukumada Somaliland Oo Saldhig Cusub Ka Hirgalinaysa Deegaanka Caashacado.

Madaxwaynaha Deegaanka Somalida Oo Furay Tartanka Kubada Cagta Ee Goboladda Iyo Maamul Magaalooyinka.

Jigjiga(kaafinews) Madaxwaynaha Deegaanka Somalida Oo Furay Tartanka Kubada Cagta Ee Goboladda Iyo Maamul Magaalooyinka.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Iyo Maayarada Dalka.

Hargaysa(kaafinews) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Iyo Maayarada Dalka.

Budhcad Isku Dayday In Ay Sumeeyaan Biyaha Magaalo Ku Taalla Mareykanka.

Qof ka mid ah burcadda kumbuyuutarrada wax ku kharriba ah ayey u suurtagashay in uu gacanta ku dhigo qalabka lagu maamulo adeegga biyaha ee la siiyo magaalo ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, kaddibna wuxuu isku dayay in uu kiimiko “khatar ah” ku daro biyaha shacabka loo sii daayo, sida ay saraakiisha dalkaas sheegeen.

Burcadka ayaa xoogaa ku kordhiyay saddiga kiimikada loo yaqaanno “sodium hydroxide (lye)” ee lagu daro biyaha la siiyo magaalada Oldsmar, isagoo isticmaalaya qalabka lagu daweeyo biyaha, si loo nadiifiyo.

Laakiin, nasiib wanaag waxaa arkay mid ka mid ah shaqaalaha, kaasoo durbadiiba ka hor tagay falkaas halista ah.

Kiimikada Lye ayaa loogu talo galay in xaddi aad u yar laga isticmaalo si loogu ilaaliyo fayoqabka biyaha, balse haddii wax badan lagu daro biyaha waxaa ka dhalan kara dhibaato weyn.

Duqa magaalada Oldsmar, Eric Seidel ayaa yidhi: “Qof xun ayaa falkaas ku kacay.”

Ma jirto cid ilaa hadda loo xiray arrintaas, lamana oga in qofka falkaas sameeyay uu ku sugan yahay gudaha Mareykanka iyo in uu dibadda ka joogo toona.

XIGASHO BBC SOMALI

Dowladda Federaalka Somaliya Oo Sharci Daro Ku Tilmaantay Go’aankii Mucaaradka.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadallo ka soo yeeray xubnaha mucaraadka oo sheegay in aysan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in mar haddii uu dhamaaday muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah aanay aqoonsaneyn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimu, ayaa sharci darro ku tilmaamay hadallada ka soo yeeray xubnaha mucaaradka.

Macallimu ayaa intaa ku daray in uu jiro qaraar iyo xeer ay horrey u soo saareen golaha shacabka, kaasi oo dhigaya in hay’adaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan illaa kuwa kale laga soo doorto.

“Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababta oo ah waxaa la og yahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horrey baarlamaanka hadda jooga ee 10-aad ay u ansixiyeen labadiisa aqal, taasi oo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa bedalaya oo keli ah baarlamaan la soo doortay , hay’adaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid,” ayuu yiri afhayeenka xukuumadda.

Macallimu ayaa farta ku fiiqay in illaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.

“Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqeynaya baarlamaanka hadda jira,” ayuu intaa ku daray Macallimu.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimu, ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wadahadallo lagu xalinayo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

“Wixii kale ee wadahadal ah dowladda diyaar ayay u tahay inay wadahadal la gasho cid waliba, tanaasulaad badan oo is xig-xiga ayay madaxdu sameysay, Soomaalida waxay dhahdaa xujo ma falantee xaajo ayaa falanta, marka meeshaas xaajo ma oolin laakiin had iyo jeer dowladdu diyaar ayay u tahay,” ayuu yiri Macallimu.

Macallimu ayaa dhanka kale ka digay in shacabka qalqal iyo cabsi lagu abuuro.

“Waxaan rajeynaynaa in wax waliba dhammaan doonaan, laakiin cabsida iyo qalqalka shacabka lagu abuurayo ma aha mid meesha taalla,” ayuu yiri.

Waxaa jira dedaallo ay beesha caalamka waddo kuwaasi oo lagu doonayo in wadaxaajoodyada doorashada dib loo furo.

Muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaaday isla markaana ma jiro heshiis siyaasadeed oo illaa iyo iminka laga gaaray oo arrimaha doorashada.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay wadamada taageera Soomaaliya iyo waliba shacabka Soomaliyeed.

xigasho bbc somali

“WAXAAN GO,AANSADAY INAAN BULSHADDAYDA U ADEEGO, UNA TARTAMO XUBIN KA MID GOLAHA DEEGAANKA CAASIMADA HARGEYSA”.MUSHARAX SICIID JAAMAC,

HARGAYSA(KAAFI NEWS)- Musharax Siciid Jaamac Cali oo kamid ah Dhalinyarada casimada hargaysa kuwooga ugu cad cad ayaa shaaciyay in uu utartamayo golaha deegaanka caasimada hargaysa si uu bulshadiisa ugu adeego isagoo ka sharaxan Xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye.

Musharax siciid jaamac ayaa qoraal  uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada oo uu kaga hadlayo waxyaabaha ku kalifay in uu isa soo sharaxo ayaa wuxu udhignaa Sidan;

“Waxaan Go,aansaday Inaan Bulshaddayda U Adeego, Una Tartamo Xubin Ka Mid Golaha Deegaanka Ee Caasimadda Hargeysa”

Walaalayaal, waxaan dareensanahay, si wanaagsana u fahamsanahay masuuliyadda iyo waajibaadka saaran qofkasta oo xambaara xil umadeed. Sidaas oo kale, waxaan xogogaal u ahay nolosha iyo duruufaha dhaqan dhaqaale ee bulshadda ku nool caasimadda Hargeysa.

Waxaan muddo badan ka soo shaqeeyay hay’addaha dawladda iyo ururadda bulshadda rayidka ah. Waxaan leehay waayo aragnimo dheer oo dhinacyo badan ah. Sidaas darteed, waxaan goaansaday inaan bulshaddayda u adeego, una tartamo xubin ka mid golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa doorashadda qorshaynsan bisha May 2021-ka.

Arrimaha ugu muhiimsan ee aan xooga saari doono waxaa ka mid ah kobcinta iyo tayeynta arrimaha bulshadda ay dawladda hoose u xilsaaran tahay, iyo horumararinta kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyinka.

Bulshadda Hargeysa ku nooli waxay u baahan tahay inay hesho hogaan iyo metelaad dhab ah, waana sababta aan u goaansaday inaan bulshadeyda ugu shaqeeyo.

Haddii aad ii doorataan xilkaas, waxaan bulshadayda ugu adeegi doonaa daacadnimo, hufnaan iyo karti aniga oo kaashaqanaya qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo xubnaha kale ee golaha deegaanka caasimadda Hargeysa.

Waxaa inoo balan ah midnimo, isku duubni iyo dedaal dheer.

Mahadsanidiin.

Musharax Siciid Jaamac Cali