Kaafi News

Gobolka Saraar looma Magacaabin Masuuliyin Wax ka badal qaabkii hore Ee Maamul Qoraa…Cabdifataax Bile Goohe

gobolka saraar loma magacaabin masuuliyin wax ka badal qaabki hore Maamul wayo bashisaab ka iyo taliye qabeedka waa lama qof oo ka soo jeeda beelah dagan gobolka saraar hase yeeshe waa masuuliyi gabarka saara beesha aya ka soo jeedan waxa taas ka siidar isku dilka bulshada dagan gobolka saraar Waxaa kale Oo badhisabka iyo Taliye qeebedka oo ka soo wada jeeda sigu beel ay gacan siiyan gacan ku dhiig lah oo ay fakiyan Haduu noqod qabiilka ay ka soo jeedan Taaso sababaysa dadka deeganka ku wada nool oo isku dhaca taaso ku keeyesa gobolka dibudhac balaadhan oo saamanay gobolka saraar iyo magaalo madaxdiis caynabo oo ah Magaalaada caynabo waxay kutaalaa badhtamaha gayiga ja mhuuriyada Somaliland gaar ahaan goboalada bariga Somaliland waa magaalo madaxda gobolka saraar Waa maagalo can ka aha giyiga soomalidu dagto waxay can kutahay ceelka caanka ee loo yaqaano ceelwayne wee ceel aad ubiyo badan kaasoo u ahaa deen kastoo ay somalidu dagto mid ay kusoo eertaan ama gabood ay ku cararaan marka ay dareemaan biyo la”aan baahsan gayagan wax kale oo uu caanku yahay dooxooyin faro iyo tayo badan kuwaa waa deegaan ku haboon xoolo dhaqasho waxa kutaala sisilad golis ee aadaka udheer inteeda badan Xukumadihi ina soo maray oo wax waxqaba ah ka fulin oo muuda, Taas nah waxaa sabaday wasiirad udhashay degaan ah oo waxba aan u qaban xukumad wax uga soo qaadin mashaaric ah, Hadii ay tahay wax wadooyin ah ama mashaaricad kale duwan ee laga fuliya gobolad kale, xukumada cusub nah waxaa ka muuqata kalkii ay kuwii hore maree inay marayso wayo masuulka lomagacaabo gobolkas waxuu ka qabto iska daayo dadka deeganka ayuu kala qeebiya……

Xildhibaanada Barlamaanka JSL: Way U Xaadiraane Xaalka Ma Ogyihiin?

Xildhibaanada gollaha guurtida iyo wakiillada Somaliland oo laysku yidhaahdo aqalka Baarlaamaanka Somaliland ayaa golle walba waxa fadhiya 82 muddane oo midkiiba mushaharkiisu yahay lacag lagu qadarro 1, 3000$ oo lacagta Mareykanka ah.  Haddaba haddii aynu u soo daadegno si aynu u ogaano xildhibaan kastaaba tirada  mushaharka uu qaato iyo guud ahaanba qarash-mushahareedka ku baxa gollaha baarlamaanka Somaliland waxa uu noqonayaa sidan;

Marka uu xildhibaan walba uu qaato 13000 dollar tirada xildhibaanada labada gollena ay yihiin 164 xildhibaan oo aanay ku jirin xildhibaanada loo yaqaano xubin sharafeedka waxa uu noqonayaa mushaharka bishi ay qaataan marka lagu dhufto 1,300 dollar 164 =  213, 200 (Laba boqol oo kun saddex iyo toban kun iyo laba boqol oo dollar),  Taas macnaheedu waxa weeye mar haddii ay bishii tirada intaasi leeg ay qaataan in qadarka lacageed ee ay sannadkii qaataan uu noqonaayo 2, 558, 400 (Laba milyan, shan boqol siddeed iyo kontan kun iyo afar boqon oo dollar).

Tirada lacagta intaasi leeg iyo lacago kale oo fara badan oo ku baxa habeen dhaxooda, caafimaadkooda, kal-fadhiyadooda aan caadiga ahayn, gunnooyinka  guddiyada gollaha, iyo dhammaanba kharashaaddada kale ee dheeraadka ah haddii laysku geeyo waxa uu u dhigmayaa; mushaharka ciidamada iyo shaqaalluhu ay qaataan saddex meeloodow laba. Taas macnadeehedu waxa weeye aqalka baarlamaanka Somaliland waxa uu yahay ha’yadda ugu miisaaniyada badan ha’yaddaha ka jira Somaliland.

Shacabka Somaliland ma salluugsana awoodahooda shaqo iyo doorka ay ka ciyaaraan u adeeggista waajibaadka xileed ee ay hayaan. Bal se waxa ay dhalliilsan yihiin mushaharka xad-dhaafka ah ee ay qaataan muddanayaashani.

Haddaba ma habboon tahay in wax ka beddel lagu sameeyo mushaharka aqalka Baarlaamka Somaliland?

 

Jawaabtu waxay noqoneysaa hadba heerka dhaqaale ee waddanku taagan yahay. Maanta Somaliland waxaad arkeysaa muwaadiin camal la’aan iyo gaajo gaaf wareegaya. Muddanayaasha gollahani inta badan wax ay sheegtaan in ay tudhaalayaasha waddanka yihiin bal se looma diidana muhiimadu se waxay tahay in ay iyagu waddankooda u tudhaan. Tusaale yar;

Xildhibaan  bal qiyaas masaakiin maalintii ku nool 1 dollar ama wax ka yar. Bal qiyaas, Cali Mataan masjidka makhribka oo kaliya inta masaakiin leh; cashada naga soo bixiya. Bal baadh mushaharka guurtida, madax-weynaha iyo wasiiradda. Madaxda maanta masuuliyad ayaa bulshadan ka saaran, masiirkooda iyaga ayaa madaxaku sita, haddii ay maanta.

Xildhibaan ma og tahay in samaha waddanku yahay  xoriyad, cadaalad, sinnaan, wadajir iyo wax wada qabsi. Maxaad diidan maanta in aad mushaharkaaga dastuuriga ah ee ka fog cadaaladda aad dib u eegisa ku sameyso?. Xildhibaanada labadan aqal xoggo-gaal ayey u yihiin xaaladda rasmiga ah ee waddanku maraayo, bal se shacabka Somaliland waxay uga fadhiyaan inta aanay isbeddel kale sameynin in ay iyagu mushaharka ay u xaadiraan bishii wax ka beddel ku sameeyaan oo dhimaan.

Qadarka lacageed ee maanta ku baxa aqalkaasi baarlamaanka Somaliland haddii si wanaagsan oo cadaaladdi ku jirto loo maamuli lahaa waxa hubaal ah in baahiyaad badan uu dabooli lahaa.

Waxani maaha  dhalanteed iyo medadaalo ee waa xaqiiqo jirta. Fadlan waxay shacabku idinka codsanyaan maanta in isbeddelka koobaad ee qabataan in uu noqdo wax ka beddelista mushaharkaasi cadaaladda ka fog ee aad bil walba u xaadirtaan idinka oo eegaya baahiyaadka jira.

Mohmoud O Osmaan
Freelance journalist & Photographer
Hargeysa, Somaliland.

Email: mohoomer@gmail.com

Facebook: Mohmoud Osmaan
Mobile: +252634129326

ALLAYLEHE WASIIRADII DHIIG MIIRATADA AHAA MADAXWAYNE WAAD KASAARTAY XUKUUMADAADA,By cabdifatax bile goohe

Ugu horrayn, waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa la doortay Muuse Biixi Cabdi Iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdilaahi

xilka ay bulshadu idiin soo xulatay in aad hoggaamisaan shanta sanno ee soo socda. Inaad ku hoggaamisan kana  yeelatan siyaas cad,

mudane madaxwayne waxaa  muuqaata in wasiirada aad soo magacawday ay yihiin wasiiro xilka qaranka hanan kara waxana ka qaban kara Dalka iyo dadka una dhaamidoonaan,

wasiiradii dhiig miiratada ahaa Ee xukumadii axmed siilanyo inkasto ay ka maqane iminka bah laga helaayo qaar kamid ahaa golihii wasiirad ee xukumadii wakhtigeedi dhamaaday hasayeeshe mudden madaxweyna intoodi badanay waad ka tuurtay jaranjarta xukumadada cusub,

Xukumadii xiligeedu dhamaaday goleheeda wasiiradu ama dhamaan shaqale heedu ku salaysnaa sidan, Waa nin dantiisa wax walba ka hormariya, dantiisuna waa sideed xukun ku heshaa.

Dhaqaalaha uu helo wuxuu u leexiyaa inuu xukun ku helo. Cadowgiisu waa ninka markasta dantiisa ka soo horjeesta. Saaxiibkiisa dhabta ahi waa kan dantiisa wada,

Waa Kuma Siyaasiga Dhabta Ahi + Waa Sidee Xaalka Siyaasiyiinta Somaliland {Maxad Ka Ogtahay Xaqiiqadooda Dhabta Ah}

Hargaysa(Kaafinews);- Siyaasada Dalka Somaliland runtii waxaad moodaa mid qalafsan oo cakiran waxa jirta oo aad inoo naafaysay siyaada lagag dhaqmo dalkeena Somaliland oo mar marka ka sii dayn baysa sii daciifaysa
Waxa runtii ayaan daro wayn ku ah siyasiinta qaranka gaar ahaan sadaxda xisbi ee u loolamaya gurisaga looga arimo qaranka Somaliland in ay hadba halka ay joogaan amaan dusha uga tuuraan ka aaanay markaa joogina ay aflagaado iyo cay u adeegsadaan taasna waxa sharciga waafaqsan aan ahayn iyo dastuurka qaranka Somaliland waxana taasi sii raacda marka uu iska casilo siyaasigu xisbigii uu markii hore ka tirsanaa ee u amaanta dusha uga tuuryaay ayuu yimaado kii uu af lagdaynaay isla markiibana u amaan dusha kala daalo waayeelkeena iyo waxgaradkeena qushaana wasiiradeena iyo waliba masuuliyiinteenu markay sidaasi qaawan u adegsadaan EREYGA SIYAASAD EE SIDA QALAFSAN AY U FAHMEEN Maxay dhalinteena soo kacaysa ee dalka beri ka noqonaya gadhdeenka ay samayn doonan?
Waxana taasi inoo sii raacda qaranka Somaliland waxa naafo in badan soo jiitan tay oo naafo qaranka ka dhigtay inoogu lamaan qabyaalad qaawan oo aan biyo la marin oo ay adeegsanayaan aqoon yahanadeena dalka hogaanka ka ha iyo kuwa doonaya in ay hogaanka noqdaan,
Waxay kala qaybiyeen oo kala rareen dhalinyaratii ahayd ubaxa wadanka ee loo baahnaa in ay is kaa shadaan oo ay qayr kood dhafaan higsi dheer iyo himlilo dheer yeelan lahaa ayay ragaadiyeen waxaana hogaan u ah madaxda dalkeena
SADAXDA XISBI EE LOLANKA ADAG KU JIRA
Waxa ay sii nooleeyeen oo soo ifsaareen qayb yalad aan sal iyo raad ku dhex lahayn bulshada
Sadaxda xisbi marka aan eegay ee ka dhalinyatad ahaan iyo mastaqbal ahaan waxa iiga iftiintay in aanay dhalinyarada iyo shacabka dalkaba ay ka doorbideen waxay jadiidka mariyaan iyo kursiga ay u hamuum qabaan
W/Q:Suxufi Cabdisamed Giirre
Raygal55@gmail.com

Ogaysiis Ogaysiis Madaxda Ugu Saraysa Xisbiga Kulmiye Oo Ku Soo Fooleh Dalka UK Maalinta Iniinta Ah 17 July

Hargaysa(kaafinews) Masuuliyiinta Sarsare Ee Xisbiga Kulmiye Ee Dalka UK Waxay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ee UK Ogaysiinayaaan Inay Siwayn Uga Qayb Qaataan Soo Dhawynta Qaar kamida Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Dalka Uk Safar Ugu Soo Jeeda

NAQDIGA DIBLOMAASIYADDA: YULQANKA WAR-MURTIYEEDKA WADDANI MA MOODID MID WAA’ SAMI U BARYEY! W.Q Mohamed Hagi

NAQDIGA DIBLOMAASIYADDA: YULQANKA WAR-MURTIYEEDKA WADDANI MA MOODID MID WAA’ SAMI U BARYEY!

War-murtiyeed amma ‘Political Statement’ waa go’aan xisbi oo ujeedadiisu tahay kaabis iyo wax ka beddel siyaasi ah; ku talo-galkuna yahay in lagu saameeyo go’aan siyaasadeed oo cid kale qaadatay (dawlad amma xisbi) amma la qaadan doono. Nasiib-darro-se war-murtiyeedka uu xisbiga Waddani shalay soosaaray oo ahaa mid nuxur ahaan aad u gaaban waxa ka muuqda karti-darro, ogaal yari, yulqan iyo is-burin aan loo aabo yeelin.

War-murtiyeedka Waddani oo ka kooban afar cutub oo aad u gaagaaban, bal ila fiiri inta mawduuc ee isku lidka ah ee ku jirta iyo inta mawduuc ee kala duwan ee mid waliba mudnaa in gaarkiisa loo ga hadlo ayaan-darradu se gadhka isku galisay:-

1.Cutubka hore waxa uu ka hadlayaa in la wanaajiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee aynnu la wadaagno dalalka jaarka, Jaamacadda Carabta, dalalka Islaamka iyo adduunka intiisa kale. Ma xumo oo waa war wanaagsan, laakiin halkaa ma ka sii socday oo ma galay sidii loo wanaajin lahaa, ahmiyadda ay leedahay in la wanaajiyo iyo dalalka gaarka ah ee mihimka ah in aad loo sii wanaajiyo?

Maya! warkaa meel kale ayuu xisbigu uga gudbay. War-murtiyeedkiina waa uu doc faruuray. War-murtiyeedkii ahaa in xidhiidhka dalalka jaarka, Jaamacadda Carabta, dunida Islaamka ah iyo guud ahaan caalamka la wanaajiyo dhan kale ayuu haddana ka fad-kudiyey! Bal eeg cutubka labaad iyo xagashan 390 ka wareegtay!

2. Cutubka labaad waxa uu war-murtiyeedku ka hadlay xaaladda cakiran ee dalalka khaliijka! Xaaladdan cakiran oo ah ta adduunka maanta loo gu hadal haynta badan yahay haddii uu xisbigu rabo in uu ka hadlo ma ahayn in uu ammuur kale dhexda u dhigo. Waxa se ay ahayd in uu iyada u khaas yeelo sida dawladdaha iyo urur-siyaasaddeedyada caalamku ay u keli yeeleen ka hadalkeeda. Sidaa ma yeelin se ku darso oo Waddani isaga oo sii faahfaahinaya waxa uu yidhi:-

Somaliland waxa ay dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga la leedahay xidhiidh ganacsi. Waa runtii oo xidhiidh ganacsi ayeynu labada dal la leenahay, waxa se uu ku daray in dalalka kale ee Carabta ahna isla xidhiidhkaa ganacsi mid la mid ah Somaliland ay la leedahay; ma se xusin ka uu yahay. Waxa se uu qoraalku laga dheehan karaa in maadaamo oo uu khilaaf cakiran ka hadlayo cutubkani uu ujeedo dalka Qatar oo Sucuudiga iyo Imaraadka ay is hayaan!

Iswaydiintu waa; Qatar iyo Somaliland ma xidhiidh ganacsi ayaa ka dhexeeya? Mooyi ee ammuurtaa Waddani ayaa la waydiin! Dhanka kale waxa uu Waddani ugu baaqay dawladdaha khaliijka in aaney colaaddu xal u ahayn. Halkaa xisbiga iyo go’aanka xukuumaddu si weyn ayey iskugu khilaafayaan. Waana in Waddani go’aankii dawladda ee la saftay Sucuudiga iyo Imaaraadka uu ka hor yimi la na mid yahay go’aanka dhexda ah ee dalal Soomaaliya ay ka mid tahay hore u qaateen! Waa se yaab e, bal cutubka saddexaadna ee cakiska kan ku ahna ila eeg!

3. Cutubka saddexaad war-murtiyeedka Waddani waxa uu ku sheegay in uu xukuumadda iyo Madaxweynuhu u xil-saaran yihiin go’aanka masiiriga ah ee ammuuraha noocan ah; umaddana iyagu masuul ka yihiin!. Ha se yeeshee cutubkii hore waa uu kaga soo horjeeday! Waxa muuqata in labada cutub ee isku hoos qorani ay aad isku khilaafayaan oo yulqan badani ka muuqdo!

Intaa kuma uu san joogin Waddani! Ammuur kale iyo dalka Ethiopia ayuu haddana isku qaaday oo waliba dawlad deegaanka Soomaalida iyo Faysal Cali Waraabe uu kula kala saftay. Bal ila eeg cutubka afraad:-

4. Cutubka afraad war-murtiyeedku waxa uu ku baaqay in deelqaafka laga daayo dawlad deegaanka Soomaalida! Hadalkan oo u dhacaya in uu daba socdo lidna ku yahay weedhihii Guddoomiyaha UCID dhawaan ku ganay Kililka Shanaad. Waxa kale oo war-murtiyeedku tilmaamay in wixii madmadow ah lagu dhammeeyo wadahadal taas oo ka dhigan in wakhtigan Itoobiya iyo Somaliland aaney heshiis ahayn!

Marka ay arrini sida tan tahay, maxaa la odhan karaa war-murtiyeedka noocan ah ee ujeedo badanka ah. War-murtiyeed macnihiisu waa in uu hal ujeedo keliya leeyahay oo hal mawduuc siyaasaddeed ku saabsan yahay. Waxa se muuqata in war-murtiyeedkan Waddani qallaafo iyo wadgo badna leeyahay.

Xisbiyada qaran ee siyaasaddu waa hagayaashii qarankan u horseedi lahaa jid iyo himilooyin lagu badbaado, ma se aha kuwii tahli kari waayi lahaa qoraal saxan oo taabo gal ah. Waayo qoraalka Waddani iyo kuwa la midka ahi waxa akhrisanaya dhammaan cidda uu ku socdo ee uu ka hadlayo. In uu sida tan u yulqamo oo uu mawaadiic kala duwan ka war bixiyo, is khilaafo oo lagu margado waxa ay ceeb ku tahay diblomaasiyadda iyo dawladnimada. Soon Wanaagsan.

Mohamed Hagi Mohamoud

Xeeldheere ka faalooda arimaha siyaasada

Nasiib Usoo Baxay Bulshadii Beeyada Lahayd Ee Reer Sanaag Qalinkii : Maxamed Cali Bakeeri

Nasiib Usoo Baxay Bulshadii Beeyada Lahayd Ee Reer Sanaag Qalinkii : Maxamed Cali Bakeeri

Gobolka Sanaag Waxa Uu Ka Mid Yahay Gobolada Dalka Kuwo Ugu Khayraadka Badan Baaxad Ahaan Waa Gobol Balaadhan Oo Leh Degaano badan Oo Isugu Jira Buuralay Iyo Banaan Degto Oo Ay Ku Uuman Yihiin Dadka Xoolo Dhaqato Ah Beeralay Iyo Dadka Yagu Ka Ganacsada Geedka Beeyada Oo Gobolkaasi Caan Ku Yahay
Gobolkani Wuxuu Caan Ku Yahay Khayraad Badan Oo Ay Beeyadu Kaw Ka Tahay
Hadaba Maadaama Beeyadu Tahay Geed Ay Dadka Reer Sanaag Si Weyn Uga Ganacsadaan Waxa Jiray Ganacsato Badan Oo Ka Awoow Ka Awoow Ka Ganacsan Jiray Oo Dhoofin Jiray Geedkan Beeyada
Balse Mudo Hada Laga Joogo Sanado Kooban Waxa Degaanada Beeyada Ee Gobolka Sanaag Yimi Oo Keenay Mashaariico Lagu Harumarinayo Beeyada Ganacsadaha Shirkada Iibsata Beeyada Asli Maydi Barkhad Jibriil Xasan
Baahi Badan Oo Ku Wehel U Ahayd Daka Quudarta Geedkaa Ka Dib Wuxuu Hirgaliyay Nidaam Lagu Maalgalinayo Geedkan Iyo Dadka Leh Oo Uu Si Siman Uga Hirgaliayay Harumarintan Guud Ahaan Degaanada Gobolka Sanaag Ee Beeyadu Ka Baxdo
Sidoo Kale Wuxuu Sare Uqaaday Qiimaha Kiilooga Beeyada Ah Oo Markii Hore Joogay Lacag Ahaan 1 Dolar Hadana Taagan 10 Dolar Oo Ah Lacagta Maraykanka
Waxyaabaha Ay Bulshada Gobolka Sanaag Sida Weyn Ugu Qushuuceen Waxa Ka Mida Qorshayaal Harumarineed Oo Mulkiilaha Shirkada Asli Maydi Ka Hirgaliyay Degaanada Gobolka Kuwaasoo Isugu Jira Iskuulo Ceelal Biyood Iyo Arimo Badan Oo Badankood Arimaha Bulshada Ah Sidoo Kale Wuxuu KaaliN Muhiima Ka Qaatay Wakhti Xaadirkan Gurmadka Abaaraha Oo Si Weyn Isu Barbartaagay Dadka Ay Ka Dhamaadeen Xooluhu Ee Ku Uuman Degaanada Baaxada Weyn Ee Gobolka Sanaag
Qalinkii Maxamed Cali Bakeeri
Bakeeri2020@gmail.com
0634707051

Waa Imisa Noocyada Musuqmaauqa Ka Jira Somaliland?

Noocyada Musuqsaamusuq Ee Laga Isticmaalo Somalilaland

Somaliland waxay ka mid tahay dalalka safka hore kaga jira isticmaalka noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa , inkasta oo dadka reer Somaliland yihiin bulsho 100% muslim ah haddana bulshadeenu kama madhna isticmaalka musuqmaasuqa , kaasi oo  lagu micneeeyo cadawga horumarka (enemy of development) , bilawgii xukuumada siilaanyo ee 2010 ayuu madaxweyne siilaanyo unkay hay’ad madax banaan oo ku magacaaban hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalkanka musuqmaasuqa , haseyeeshe waxay noqotay hay’ad fashiil ah oo aan gudan waajibaadkeedii shaqo ee horyaaley , maney jirin wakhtigaasi dheer ee ay hayadaasi magacawneyd wasaarada ama hayada dawli ah oo madax banaan oo lagu soo oogey kiis mususmaasuq iyada oo loo marayo sifaha sharciga ah , sidaas daraadeed waxaan qoraalkaygan ku eegi doonaa noocyada musuqmaasuq ee ka jira Somaliland iyo saameynta ay ku keeni karaan horumarka bulshada reer Somaliland , waxaanan ku soo koobey shan qodob oo muhiim ah oo dalkeena saameyn ba’an ku haya

1.     Musuqmaasuqa Wakhtiga

Wakhtigu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha ugu qaalisan ee Ilaahay Ku maneysay Aadamaha ; iyada oo ummad kasta ama shaqsi kasta oo ku nool adduunka guudkiisa la siiyey saami wakhti oo isku mid ah , oo aanu Dalna Dal wax dheereyn sidoo kalana aanu shaqsina shaqsi dheereyn daqiiqad kaliya , balse ay ku xidhan tahay sida dalkasta u maamusho saacadahiisa shaqo  , Somaliland waxa inta badan madaxdu shaqeysaa wakhti kooban oo ka yar inta dastuurka dalku u jiheeyey shaqada qaranka waxaana sida caadiga wasiiraddu shaqada soo galaan sagaalka subaxnimo (9) iyaga oo xafiisyada ka rawaxa 11: 00 Duhurnimo , taasi oo wadarta shaqada saacadaha ka dhigeysa laba saacadood 2 saacadood oo kaliya , sidoo kala noqoneysa todobaadkii in wasiirku uu xafiiskiiisa fadhiyo lix saacadood (6×2)  Laba iyo toban saacdood usbuuca dhan  , waxaana halkaasi ka muuqanaya dayac shaqo oo badan , iyada oo uu halkaasi ku lumayo tacab iyo wax soo saar badan oo loogu hiilin lahaa qaranka

2.     Mususmaasuqa Is Dhaafsiga Shaqaleysiinta

Somaliland wakhti badan bay kugu qaadan doontaa hadii aad tahay , arday sita shahaado jaamacadeed , ama mid dugsi sare ka baxay , waxaana taasi sabab u ah arrinta cadaalad darada ah ee lagu xusho shaqaalaha dawladda iyo kuwa shirkaddaha gaarka loo leeyahay iyada oo lagu base-gareeyo , nidaamka qabiilka iyo shaqsi jeclaysiga , waxaana iyada oo arrintaasi eexashada qorista shaqaaluhu ay jirto iyana aan meesha ka maqney arrin kale oo inagu cusub oo ah in labada wasiir ama laba agaamise guud ay is dhaafsadaan shaqsiyaad ay iyagu dano gaar ah ka wataan , iyada oo midba mid u fududeynayo shaqada ka kale

3.     Musmusuqmaasuqa Xatooyada Hantidda Ummada

Musuqmasuqa xatooyadda hantida qaranka oo ah musuqa ugu badan ee ka dhex jira Somaliland waxa uu  noqday mid xadhkaha goostay , waxaana dhacda xatooyo isugu jirta boob lacageed iyo hanta ma guurto ah , iyadoo badan qaar ka mida wasiiradaa Somaliland ay si qarsoodi ah , macdanta dalka ugu dhoofiyaan dalalka dibada iyada oo taasi kuu cadeyneyso  xadhigii lagula kacay wargeyska HAATUF MEDIA  oo arrintaasi dabagal ku sameeyey , sidoo kalana dhinaca musuqa dhinaca is dhaafsiga lacagaha ayaa ah mid aan qiyaas laheyn , iyada oo la iskugu gudbiyo habka casriga ah ee electronic money-ga loo yaqaano (ZAAD service) iyo E-Dahab , taasi oo sababta in shaqsiyaad gaar ah ay  gacanta ku dhigaan lacagtii adkeyd ee ummada dhexda u ahayd

4.     Musuqmaasiqa Sharciga Iyo Eexashada Kiisaska

Inkasta oo badhtamihii muddo xileedka madaxweyne siilaanyo uu magacaabey masuul ku suntay shaqo wanaag iyo la dagaalanka dacaalad darada , mudane Aadan xaaji cali , Haddana waxa uu garsoorka Somaliland ka noqday shaqsi kaliya , taasi oo ka dhigeysa dhibic roob ah oo bad ku dhacday , arrinta kale ee caqabada ku ah in mudane aadan uu gudo hawlgaladiisa uu ku saxayo cadaalada Somaliland ayaa ah isaga oo aan awood u laheyn in masuulka uu ku arko cadaalada darro aanu lahayen awood uuu xilka kaga qaado  , waana arrinta ugu badan ee dalka u keeni karta roob la’aan , isku dhac beelood ama shaqsiyeed oo sababa dhiig daata

5.     Musuqmaasuqa qandaraasyada dawladda

Somaliland waxa ka jira guddi ku magaacaban Guddida qaraasyada qaranka , taas oo uu soo magacaabo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland , guddidaas oo ka kooban 7 xubnood oo leh Gudoomiye iyo kuxigeen , waxay qaranka ugu magacaaban yihiin bixinta iyo baahinta qardaraasyada dawladda  , iyada oo dadkuna dhex u yahay , haseyeeshee guddidaasi waxay noqotay guddi garab ka raran oo aan gudan Karin waajibaadkeeda shaqo iyada oo guddidu cida ay la jeclaato ay siiso qandaraaska kasta oo soo mara guddidaasi

Isku soo wada duuboo dhamaan musuqmaasuqyada aan kor ku soo xusey waxay sababi kartaa , Dhiig ummadeed oo daata , roob la’aan ka dhalata ,, dib u dhac ku yimaada horumarka dalka , qabyaalada oo sii korodha iyo is nacayb ka dhex dhaca dadka dhexdooda , waana arrin lagaga bixi karo in dadku isku tashado oo marka hore laga fiirsado cida lagu aaminayo masiirka Ummada iyo masuuliyadda qaranka

Diyaarintii iyo xog ururintii

Axmed Max’ed Cisman Caalin

Email: Caalin178@gmail.com

Akhri :Taariikh Nololeedkii Uu Soo Marey Halyeygii ReerSomaliland Alle Godka Ha U Nuuree Marxuum Maxamed X.Ibraahin Cigaal

waxayna ku aadantahay 15-sano guuradii kasoo wareegtay,
maalin dadweynaha Somaliland iyo inta kale ee
taageerta qaranimada Somaliland-ba ugu
suntahy maalin madaw, maadaama uu alle
oofsaday nin miisaanweyn ku lahaa dhismaha
wadankan Somaliland.
Waa maalintii uu geeriyooday alle godka ha u
nuuree madaxweyneheenii, aasaasihii
Somaliland, Marxuum Maxamed Ibraahin
Cigaal.
Waxan maqaal yar oo kooban oo xus aan ula
jeedo kusoo koobi doona taariikh nololeedkii
marxuumka.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Qaasaalli,
waxaa lagu tilmaami karaa siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ee xilalkiisa oo kale qabtay kii
ugu wakhtiga dheeraa nolosha siyaasadda.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu ku
dhashay sanadkii 1929- kii degmada Odweyne
ee gobolka Togdheer.
Yaraantiisii wuxuu ku barbaaray magaalooyinka
Burco, Berbera iyo Sheekh, oo uu ku
dhameystay waxbarashadiisii malcaamadda
qur’aanka ilaa iyo dugsiga Sheekh.
Wax barasha sare ayuu u tegay oo la xidhiidha
xagga ganacsiga magaalada London, ee
waddanka Britain, waxaana uu dalka dib ugu
laabtay, horaantii sanadihii kontomeeyadii oo
xilligaasi ay aloosnayd dabeyshii xornima-
doonka xisbigii SNL.
Xaaji Cabdkariim Xuseen (CabdiWaraabe) oo ka
hadlayay bilowgii siyaasadda eee marxuum
Maxamed Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi
“Maxamed Ibrahim Cigaal, inanyar buu ahaa oo
anigu aabihiibaan saaxiib ahayn, 1953, waxa
uu ahaa aqoonyahanno aan u shaqaynin
maamulka Ingiriiska, oo waxbarasho ugu
maqnaa dalka Ingiriiska, markii uu Maxamed
yimi Somaliland, waxaanu dalka yimi axsaabta
oo dhisan, waxaanu ku tartamay jagadii
xoghayaha Xisbiga SNL ee Berbera, oo uu hayn
jiray Faarax Jire, waanu ku guulaystay jagadaas,
markii dambena waxa loo doortay hoggaankii
ururka SNL, isaga oo bilaabay in si xooggan
horumar uga sameeyo dhinaca siyaasadda.
Maxamed waxa u si weyn u dhaqaajiyay
abaabulkii iyo dhismihii ururkii SNL”
Sanadkii 1956-dii Allaha U Naxariistee
Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal waxaa loo
doortay in uu noqdo xooghayihii guud ee
xisbiga SNL, ee u halgamaayey xornimadii
Soomaali-Land.
Bishii may 12 dii, sanadkii 1960-kii, Allaha U
Naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, wuxuu
gacantiisa ku soo saxiixay, in Soomaali-Land ay
xornimadeeda ka qaadato Dowladda Ingriiska
taariikhdu markii ay ahayd 26-ka Juun ee
sanadka 1960-ka.
Markaasi waxaa Cigaal ku wehliyay heshiiskaas,
rag ay ka mid ahaayeen Cali Garaad Jaamac,
Xaaji Ibraahim Nuur, Axmed Keyse Ducaale, iyo
Maxamuud Cabdi Carraale.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Alaha U
naxariistee wuxuu noqday hogaamiyihii u
horeeyey ee Soomaali-land, kadib markey
xornimadeeda gaadhay 26-kii Juun sanadkii
1960-kii.
Khudbad dheer oo taariikhda ku xusan oo
Cigaal u jeediyey golihii wakiilada ee
Somaliland 1960, markii xornimada Somaliland
uu soo sexeexey waxa kamid ah ahaa
ereyadeedii “
“Waxay ila tahay in la wada maqlay koloneel
secretary-ga waxa ay jawaabtiisi noqotay,
arinkii sidii aynu doonaynay inuu u dhacay
inaad kulligiin ka wada dharagsan tihiin baan u
malaynayaa. Maalintii aanu nimi ee Isniintii
ayaanu hadalkii istaadhnay markaa waxaa
weeyaan in Dawladda Ingiriska ay awalba usii
go’onayd waxa ay doonayaan inay ina
yidhaahdaan, hasa ahaatee midbaa meesha ku
jirtoo waxaa la hubinaayay, waxan la doonayo
ee dawladnimadan la doonayaa in ay tahay mid
dadku wada doonayaan, dad uqalmana
gacantooda ay galayso inay tahay ina kale ayaa
la hubsanaayay.
Labadii casho ee hore ee aanu is-aragnayba
baadhniin uun arrinku la baadhay in dadka
meesha joooga iyo sida dadku siday wax
udoonayaan uun inuu arrinku inaga wada dhab
yahay iyo in uu jibbo uun arinku inaga yahay
ayaa la baadhayay bay ahayd.
Markii taasi caddaatay maalintii Arbacadii
galinkii danbe shalayto ayuu noo yimi koleneel
secretraygii Markaa dabadeetan qudbaddan
imika la sheegayo ayuu akhriyay, hadalka waxa
weeye guntiisi bishaa Jully kowdeeda, inaynu
dawlad ahaanno si aynu walaaladeenn
Soomaaliya isu raaci karno ayuu guntiisi
noqday.
Markaa maanta waddo dheer oo aynu soo
maray ayaynu maanta maxay haydeey joognaa
madaxeedii, hasa ahaate mid tii ka dheer kana
adag ayaynu imika galaynaa dawladnimo loo
qayliyaa dawlidnimaannu doonaynaa la yidhaa
waa ay suurta gashaa oo maanta helnay
dawladnimadeenni, hase ahaate halka kasii
adag, ee aynu maanta madaxa la galay waa dee
helay dawladnimadii lakiin masuuliyad badan
iyo dhib badan ayay la imanaysaa, markaa
maanta dagaalka kii u horeeyay ayaynu helay
oo aynu ku najaxnay ka maanta inagu hadhayna
waa kii ka waynaa .
Markaas inagii maanta ajanabi aynu dibadda
usaarno, ama aynu wada keena ka kaxayno
dhammaynay kaas, waa inaga tagayaa bisha
Julaay ayaynu walaaladeen is raacaynaa
inaguna dalkeeni dadkeeni iyo diinteeniiba
aynu u talinaynaa.
Markaa nimay ku hadhay bay hawli haysaaye,
taladaa maatna talo wayn weeyaan wax badan
baynu indhi ajaanib inoo talinmaayee anagaa
talada qabsanayna ,laynaga bax imika inaga
imika laynoo kala tagay inaynu isu talin
karayno iyo in kale ayaa caalamku ina eegayaa,
Ilaahay wax ha inagula qabtee” .
1-dii July 1960-kii markii gobollaada koofureed
ee Soomaaliya ay iyana xornimadoodii ka
qaateen dowladda Talyaaniga ee ay dhalatay
jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal oo hogaaminaayey wafdigii ka
socday Soomaali-land wuxuu noqday wasiirkii
gaashaandhigga ee ugu horeeyey Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa kale oo
uu noqday wasiirka gaashaandhiga ee
Soomaaliya july, kadibna C/rashiid oo ra’iisal
wasaare ahaa ayaa isku shaandheeyay golihii
wasiirada,ka dibna Cigaal waxa uu noqday
wasiirkii waxbarashada,badhtamihii 1962 kii
ayuu iska casilay jagadaa kadibna isaga iyo
Sheekh Cali Ismaaciil Yacquub iyo Sheekh Cali
Jimcaale ayaa waxay aasaaseen xusbigii
SNC,markii danbena wuxuu ku biiray xusbigii
SYL..
10-kii July 1967-dii, wuxuu noqday Cigaal
ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, markii
Cabdirashiid Cali Sharma’arke loo doortay
xiligaasi madaxweynihii Soomaaliya.
Cigaal mar kale ayaa loo doortay jagadaasi
ra’iisul-wasaaraha doorashooyinkii 1969-kii .
21 Oktoobar 1969-kii markii inqilaabka
milatari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyad
Barre, uu ka dhacay Soomaaliya, Maxamed
Ibraahim Cigaal wuxuu ahaa Ra’iisul wasaarihii
ugu dambeeyey ee dowlad soomaaliyeed oo la
doorto, waana la xidhay, wuxuuna Cigaal
Xabsiga ku jiray ilaa iyo 1981-dii bishii
February, marka laga reebo muddo sanad ka
yarayd oo ahayd 1975-tii ilaa iyo 1976-dii, oo
mar loo magacaabay Danjiraha Soomaliya u
fadhiya New-Delhi ee dalka Hindiya, kadibna
islamarkiiba xabsiga ayaa lagu celiyey.
1985-tii waxaa jirtay mar loo magacaabay
Cigaal guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, laakiin
kumuu raagin jagadaasi, ee wuu iska casilay
markiiba.
Burburkii dowladdii Soomaaliya ka dib, Cigaal
wuxuu ka qayb galay sanadkii 1991-dii, shirkii
dib-u-heshiisiinta ee Soomaaliya ee Jabuuti,
1993-dii bishii May 5-teedii Cigaal waxaa loo
doortay Madaxweynaha Soomaali-land, iyadoo
jagadaasi dib haddana loogu doortay sanadkii
1997-dii.
Cigaal oo hadal duco iyo dardaaran iskugu jira
ka jeediyey Hargeisa Stadium oo hubkadhigistu
ka dhacaysay 1994kii ayaa waxa ducadiisii ka
mid ahayd
“Maanta halkii uu joogay Nabi Maxamed
calayhi salaatu waa salaam maalintii aad
udirtay Yasrab halkii uu joogay anaga oo
joogna, dadkana adigu aad ii qadartay inaan
madax u noqdo ,waxaan kaaga baryayaaa
ilaahayoow dadkan waxaan kaaga baryayaa:
ALAAHUMA ALIF BAYNA QULUUBIHIM KAMAA
ALAFTA BAYNAA ASXAABI SAYIDINAA
MUHAMED, ALAAHUMA ALIF BAYNA
QULUUBIHIM, WA AYIDHUM BI RUUXIN MIN
CINDIKA, WA ARSIQ MIN RAXMATAN WA
RIDWAANA, RAXMATAN WA RIDWAANA ,
RAXMATAN WA RIDWAANA, AAMINA, AAMIIN
WAL FAATAXA”.
Waa duco turjunkeedu yahay “Alloow isu soo
dhawee quluubta dadkayga, sidii asxaabta, ku
xooji ruux agtaada ka timi, kuna arsaaq
naxariistaada iyo raalli ahaanshaaga”
Marxuum Cigaal waxa bulshada Somaliland iyo
dadka kale ee wadanka daneeyaaba siwayn isku
raacsanyhiin inuu yahay maskaxda ka
danbaysay inay Somaliland noqoto dal
madaxbanaan, isla markaana gaadho halka ay
maanta joogto.
Markii wadanka loo soo doortey inuu
hogaamiyo 1993, dalka kama jirin habayaraate
wax hannaan dawladeed ah oo shaqaynay,
waxana uu wadanka u allifey dhammaan
shuruudaha dawladnimo sida, calanka,
lacagta,passport, DASTUURKA QARANKA iyo
weliba kan ugu muhiimsan oo ah Hannaanka
dawladnimo.
Mudadii ugu adkayd ayuu Cigaal wadanka
kasoo badbaadiyey, waana xilligii jabhadaysiga
oo wadanka ay ku badnaayeen day dayga iyo
isdhaca. Waxa si wayn loogu xasuustaa sidii uu
wadanka ugu sameeeyey hubka dhigista iyo
qaramaynta ciidama beeleedkii daydayga ahaa.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu
28.4.2002 daweeyn u tagay dalka Koonfurta
Afrika iyadoo ay wehliso marwadiisa Kaltuun
Xaaji Daahir iyo xubno ka tirsan golaha
wasiirada ee Soomaali-Land. Waxana uu ku
geeriyooday magaalada Pretoria 03.05.2002,
waxana aas qaran oo ahaa kii ugu wayn abide e
ka dhaca Somaliland loogu sameeyey galbeedka
magaalada Berbera, oo uu marxuumku
dardaarmay intuu noolaa in lagu aaso aabihiis
agtiisa.
Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal Allaha U
Naxariistee, wuxuu guursaday intii uu noolaa
shan dumar ah, wuxuuna dhalay shan caruur
ah oo kala ah saddex wiil iyo laba gabdhood,
oo intaba ay u dhashay Marwo Caasha Saciid
Caabi

MAAYERKA BURCO OO SHIR QARSOODIYA OO UU KU IIBINAYO DHULKII GURYAHA BOOLISKA BURCO LA YEESHAY GANACSATADA BACADLAYAASHA BURCO IYO MOOGANANTA XUKUUMADDA EE MUSUQ-MAASUQA MAAYER MURAAD MAAYERKA BURCO OO XISAAB WAAYEY,

Dhamaantiin Saaxibayal waa idin salamaya  xogta warkaasi iyo shirarkasi  waa run soo dabaca idinko mahadsan/

 

 

 

 

Maayerka Burco Oo Shir Qarsoodiya Oo Uu Ku Iibinayo Dhulkii Guryaha  Booliska Burco La Yeeshay Ganacsatada Bacadlayaasha  Burco Iyo Moogananta Xukuumadda Ee Musuq-Maasuqa Maayer Muraad Maayerka Burco Oo Xisaab Waayey,

 

 

 

Ganacsatadii Bacadlayaasha galbeedka burco iyo Xildhibaanadii Golaha Deegaanka Oo Laga Xanqarsadey Badelkoodii Oo Lagu Badeshay Dilal U Dhago Nugul Wararka ka imanaya magaalada Burco Ayaa tibaaxaya in Maayerka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad ) uu shir qarsoodiya la galay Ganacsatada bacadlayaasha burco kuwaas uu si qarsoodiya uga iibinayo dhulkii booliska degmada burco. Shirkan ay isku jilba dhigteen maayer muraad iyo ganacsatada bacadlayaasha bariga burco ayaa ah mid xogtiila la ilaaliyey si aan loo fashilin damac muraad ee xatooyada dhulka danta guud ee ummada maayer muraad ayaa ganacsatada ka hor shirka kula dar-daarmay inanay bixin xogta wadahadalka dhex mara si aaney ugadoodin ganacsatada bacadlayaasha galbeedka burco,

 

 

Ilo xogagala oo dhaq-dhaqaaqoda diiradda ku hayey ayaa shabakada wararka ee qorilugudnews usheegay in maayerka oo kaa shanaya dilaalin ay isku hayb yihiin uu iibinayo dhulkii booliska burco. Ganacsatadan uu la shiray maayer muraad ayaa magacyadoodu kala yihiin. Jaamac oogle,Farax jaqle., Siicid kalil, sacad iyo saalax bulayax kuwaas oo dhamaantood ah ganacsato ka soo jeeda bariga burco ayaa maayer muraad ka iibinayaa dhulkii booliska burco isagoo ka qarinaya dhamaan xildhibaanadii golaha deegaanka degmada burco oo ah mudanayaal la,la doortay isagoona badalka xildhibaanada ka dhigtay nin dilal u ah oo iskaga dabqaadaya ganacsatada iyo maayer muraadka burco kaas oo lagu magacaaboSiicid  Dagamsade oo ay isku reer yihiin maayer muraad.

 

Dhulka qarsoodiga lagu iibinayo ayaa la siinayaa lacag dhan tobon malyan oo dollar .shirka oo ahaa mid aan cid kale taraxin ayaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee lacagta loo kala qaadanayo maayerka oo luuqad uu ku doonayey inuu dhulka ku fasaxo ku beerlaxawsadey ganacsatada ayaa usheegay in dhulku muhiimad ugu fadhiyo ganacsigooda isla markaana ay ka faa,idayaan istaraajiyada uu ulee yahay wuxuuna maayer muraad usheegay in ganacsadihiiba bixiyo lacag dhan 50,000 kun oo dollar meeshana ay la wareegaan wixii isaga ku xidhana uu deg-deg ugu dhameeyo sidoo kale maayerka ayaa ganacsatada usheegay in ay lacagta ugu dhiibaan dilal Siicid dagamsade oo ah ninka iskaga dabqaadayey ganacsatada iyo maayerka isla markaana ay lacagta deg-deg u bixiyaan talaabada qarsoodiga ayaa ah mid ka shiftay musuq-maasuga xadhkaha goostay ee maayer muraad ku xaraashayo dhulkii danta guud ee magaalada burco isla markaana uu qasnad qarsoodiya ku jaxaasanayo lacagaha uga soo xerooda boobka hantida danta guud ah isla markaana aan dib ugu celinayn magaaladii burco ee baylahdu isqabsatay.

 

 

Musuqa muraad ayaa ah mid waayey xisaabin iyo dabagal hayadihii ku shaqada lahaa iyadoo hanti dhawrkii guud ee qaranku indhaha ka xidhay in uu maruun xisaabiyo xoolaha shacabka ee maayerka burco ku tagri falayo waxaana hore u jiray dhulkii danta guud ee sheekh bashiir oo maayerku siiyey laba malyen oo dollar isla markaana qasnado uqarsoon ku shubtay ilaa hadana aan lahayn meeshii mariyey.

 

 

Sidoo kale waxaa jirta 500,000 kun oo dollar taas oo madaxweynaha Somaliland siiyey degmada burco si loogu dhiso wadooyin 10km oo wadada xaafada agtoobar waxaa qabyo ah 1 km oo lacagtiisii uu cunay maayer muraad ilaa hadana bur-bur la kawsatay iyadoo dhawaan madaxweyne siilaanyona xadhiga ka jaray.

 

Dhulkan uu qarsoodiga u iibinayo ayaa maayerku si aan gabasho lahayn ugu tagri falayaa digreetadii dhawaan lagu fasaxay qaybo ka mid ah dhulka danta guud ee dalka taas oo uxilsaaran tahay wasaarada hawlaha guud balse ay ilaa imika aaney ka warhayn damaca aduun doonka ah ee maayer muraad ku mijoxaabinayo qaar ka mid ah meelaha istaraajiga ah ee dhulka danta guud.

 

Sidoo kale wuxuu maayer muraad hore u iibiyey dhul kala duwan oo magaalada burco ku yaala cidina aaney xisaabin. Waxaana ka mid ah 1-Xero Xashiishkii ay yaaleen Haamaha Qashinka Lagu Qubo Ee Suuqa Xanaanada Faarax Oomaar Dhinaceeda oo uu ka Iibiyay Dad ganacsato ah Haamihii qashinka meesha laga qaaday 2- Xero Xashiishtii Haamaha Qashinku Yaaleen ee Baarsiigo ama garoonka Kubada Cagta Dhinaceeda oo uu Maayerku ka iibiyay dad ganacsato ah haamihii qashinkana meesha laga qaaday 3- Xer xashiishta. Suuqa Weyn ee Badhtamaha Burco. ee ay yaaliin haamaha Qashinka lagu rido. ee caanka ku ahayd Wadhac wadhacdii oo laga iibiyay dad ganacsato ah haamihii qashinkana meesha laga qaaday 4- Wadada Dhinaca Bari ka marta Hotel New Burco oo laga iibiyay dad ganacsato ah dhulkaas oo isu gayn oo noqanayo. 60 Baloodh qeybo ka mid ahna la Seesay. sida wajahadii laamida eegaysay oo kale. 5- Wadada Dhinaca waqooyiga kaga soo jeeda Hoteel Blaza oo laga iibiyay dad shicib ah guryona laga dhistay dhul ahaana noqonaysa 65 Baloodh. 6- Xera dhiigtii hore ee magaalada Burco. oo. dhawaan laga raraayo Qalista xoolaha. oo loo rarayo Xera dhiigta Cusub. isla markaana Xero dhiigta hore loogu tala galay in laga dhiso xanaano iyo dugsi sare oo iyana. dad shacaba Qeyb ka mid ah la siiyay qeybta kalana Maayerku ka iibiyay dad shacaba 7- Wajahadii ka Horeeysay Hoteelka Indho-deero illaa laamida oo maayarku ka iibiyay Ilma indha deero. kana siiyay lacag aad u badan Dhismihiina ku socdo. 8-Garoonkii Kubada Cagta ee Burco Darbigiisa dambe ee dhinaca Jaranjarada ka sii jeeda. oo dhawaan dadkii yaalay laga raray oo uu maayar muraad ka iibiyay dad ganacsato ah Sekadaa dhan ee darbigaasi – Wajahada Soo eegaysa. Saldhiga Dhexe ee Burco Oo sandaqado ahaan jirtay.” Kuwaas oo dhamaantoodba uu lacagtii uu ku iibiyey jaxaastay isla markaana aaney ku dhicin qasnada dawladda. Waxaana shirkan qarsoodiga ah ee maayerku ku iibinayo dhulka booliska magaalada burco isla markaana uu la galay ganacsatada bacadlayaasha bariga burco iyo dilalkiisa khaaska ah ee Dagamsade oo ay isku ardaa yihiin ayaa ku soo beegmaysa xili uu maanta Madaxweyne siilaanyo uu hanti dhawrka qaranka ugu yeedhay inanay maciisa ahayn dadka musuq-maasuqa sameeya sidoo kalena ay diiradda ku hayaan xiliga kala guurka oo ay dhacdo xatooyada xoolaha ummadda oo la xalaashado waxaana la sugayaa in hanti dhawrku shacarkii ugu horeyeey ku bixiyo maayer muraadka musuqu is qabsaday ee xisaabta waayey.