Kaafi News

FAHANKA FIICANI WAA BADBAADO! KADIGTOONOW OO BADBAADI SOMAALIDA BAADIYOWDAY EE KU DHACDAY SHEBEKADIHII BAADILKA IYO GAALNIMADA,CARUURTAADA BAR OO KU BAR-BAARI DARIIQA TOOSAN.

Waxaa muddoyinka dambe isa soo taraya fikrado lid ku ah islaamka, kuwo cusub iyo kuwo hore u jiray oo soo laba kacleeyey,duulaankii maskaxduna weli waa socdaa iyadoo loo helay isgaadhsiin gurigaaga laguugu keenayo shar iyo khayrba.

Marka la eego soomaalida waxaa laga helay ugbaad iyo u nuglaan maadaama bur-bur ku dhacay,meelo cidlo ahna laga helay iyadoo ay u dheer tahay aqoonyari diimeed intooda badan,way jiraan soomaali door fiican ka qaatay dacwadda iyo diinta meelo badan oo dunida ka midana  saamayn weyna ku yeeshay laakin muddooyinkii dambe gaabis ku yimi caruurtoodiina ay halis ku jiraan

Fikradaha baadilka ah ee la rabo in laga digtoonaado waxaa ugu sahlan tan kooxda TAKFIIRKA ee maalmahan dhawaaqayey,haddee culimada ayaa wax badan ka tidhi intasaana ku filan mana sii shaqayn doonto insha Allaah,waana khalad in la xidho ama cunfi lagu sameeyo taasi waa siday ku dhasheenba.

Fikradaha kale ee soomalida debeda qaar ka mida la gelyey waxaa ka mida AXMADIYA ama QAADIYAANI kuwani waxay ku xidhan yihiin nin dawladda ingiriisku ka dhigtay nebi  xiligii kacdoonku kaga socday koonfurta asia(1900) xilligaas oo dadka ugu badan ee kaso horjeeday ay ahaayen muslimiin waxaa loo sameeyey doonayey in lagu khal-khaliyo diinta ,sheekadiina weli waa socotaa.

fikradda SHIICADA oo iyadu soo bilaabantay xiligii khaliifkii ugu dambeeyey ee cali binu-abii Daalib (R.C.H)la dilay,waxay ahayd fikrad dhagaraysan,oo muslimka loo samayeey,waxay aaminsan yihiin in cali mooyee saddexda khulafo ee kale gaalo yihiin,saxaabadu gaalo tahay dhawr qof ayey kasoo reebaan.

waxaa iyaguna muddooyinkii dambe soo baxay kuwo la dhaho QUR’AANINYIIN oo ku doodaya in aan xadiith la isticmaalin,kuwaana jawaab kooban ayaa culimadu siisaay oo ah salaadahu inta rakcadood ee ay yihiin xagaad ka keenteen haddii qur’aan keliya aad lasoo hadhaan yaa idiinku mucalim ah oo idiin fasiraya diinta haddii aad rasuulka raaciweydaan.

intaas oo qudha kuma koobna duufaanada iyo fikradaha lidka ku ah islaamka ee lagula dagaalamayo,waxaana inala gudboon in aan fahan fiican u yeelano diinkeena,caruurteena intay yar-yaryihiin ku ababino diin toosan,waan in aan is weydiino maxaa diin ah maxaanse ahayn? Diin waxaa ah wixii ah Qu’aanka iyo sunaha saxiixa ah (axaadiith la hubo inay ka sugnaadeen Rasuulka oo ay so weriyeenn dad thiqo ahn lagu kasoon yahay) kitaabka qur’aanka ah Allaah ayaa ilaliya waxba lagama bedeli karo,axaadiithta iyagana waxa lagu qoray kutub(Bukhaari,muslim,sunanka afarta ah iyo kuwo kale)  ayaa lagu habeeyey kuwa saxiixa ah iyo daciifka ah waa la cadeeyey meelna lagama soo geli karo,waxa la isku dayaa in macnaha tafsiirka la leexiyo taana waxaa horyaala sidii salafkii iyo quruuntii hore u fasireen una fahmeen ayaa loo raacayaa iyaga cid uga ogaal badnayd ma jirto.

waxaynu maqalnaa madaahibta (afarta ah xanafi,maaliki,shaafici iyo xanbali) maxay yihiin?  waa su’aal loo baahan yahay in jawaabteeda qof waliba haysto caruurtiisa uga jawaabi karo,waa culimadii qarnigii labaad ee islaamku aad u fiday wadamo badan oo cajabi ah  gaadhay,dad badani u baahdeen in diinta la fahamsiiyo.

xiligaas ayey Axkaamu shariica(waajib/nadbi,mubaax,makruuh/maxdthuur)  si fiican ugu bayaamiyeen dadka,kutubna ka qoreen,keligoodna maa hayn laakin afartan ayaa kutubtoodii lasii isticmaalay wadamadana way ku kalam badan yihiin.

Miyey kala duwan yihiin madaahibtu? maya,waxa jira masaa’il yar yar oo aan la ictibaarin taasoo ay keentay sida naska(aayadda ama xadiith-ka) loo fahmay ama xadiith mid kamid ahi saxiix u haystay ayaa daciif ahaa ama kaba maqnaa isaga( xiligaa kutubta xadiith-ka lama ururin).

waxaa iyana xusid mudan mad-habta aan raaco miyaan ku qasban ahay?maya,waayo afarta imaam waxay ku dar-daarmeen in aan la raacin ee meeshii raajax(xoog-badan) ah la raaco,adigana waxaa lagu faray in aad Rasuulka(SCW) raacdid hadaad meel iskaga dhegtid qiyaamaha xujo heli maysid,culimadana lagama horimanayo waa mucalimiintii ummadda ee waxaa la diidayaa in aad gar iyo gardarroba raacdid way qaldami karaan.

waxaynu iyadana maqalnaa WAHAABIYA maxay tahay? mad-hab miyaa?maya,mad-hab maaha,sh.maxamed C/wahaab wuxuu ka mid ahaaba xanbaliyada,kutub badana ma qorin waxaa lagu haystaa Tawxiid-ka ayuu ka hadlay dabadeed qolyihii khuraafadka iyo baadilka ku jiray ayaa ka qayliyey

waxaa iyana xusid mudan,qolyaha gaalada ee dagaalka kula jira islaamka waxay soo ciyaarsiiyaan shiicada iyo wax la mida oo dhahaan waa mad-hab,waxaa ka horraysa horta muslim ma yihiin?

ADAM NOKIA

MUSUQ MAASUQA DUL HOGANAY WAKAALADA BIYAHA EE HARGEISA/WQ ABDIRASK HASSAN ALI [IRGIN]

guud ahaan nooluhu waa mid aan kamaarmin biyha,  waa xaqiiq in uu kawkan  aynu kunoolnahay marka  afar meelood loo qaybiyo  hal meel uu dhul yahay inta soo hadhayna ay tahay biyo kasakow tan waa kuwa kaxeeya  biyuhu ama dhaqaajiya dhamaan  technolojiyada casriga  ee  leh baabuur gaadiid ,iyo warshadaba . isticmaalka  saa idka ah ee biyuhu waxay keeneen ina ay yaraadaan  ama ay unuglaadaan wasakhow , keeni kara cuduro iyo aafooyin  aan lamahadin. Wadamada horumaray waa kuwo  xakameeyay ama udajiyay qawaaniin iyo xeerar ay kaga hortagayaan wasakhowga biyaha lacabo iyo kor uqaadida   baahida loo qabo biyo nadiifa oo gaadha muwaadin kasta , waana mid lagu asteeyay  xajiinta  inuu helo qof

kastaa oo muwaadini biyo nadiifa ‘’ horumar ‘’  hargeisa waa caasimada dalka jamuuriyada soomaaliland , tirade dadka kunool waxaa lagu qiyaasaa 500000 ilaa 700000 kun oo qof  ,  marka laga yimaado korodhka dadka  dhibaatada ugu weyn ee sababtay  biyo yaraanta  caasimada hargeisa  waa musuq maasuq iyo qabyaalad , iyo masuuliyiin iyagu marwalba ka horumarinay danahooga gaarka  ta dadka shacabka  ee leh faqiir iyo maskiinba tana waa ta sababtay in xaafadaha qaar ay cabaan  qaarna aanay cabin . ugu yaraan tobankii xaafadood ee meel kuwada nool  hal xaafad  ayaa laga helayaa oo sifiican u cabta , hadaynu dib ugu noqono taariikhda  maareeyayaashii soo maray  mid waliba waxaa uu ahaa mid dantiisa markuu kadhamaysto laga qaado  xilka  ama  laga casilo ,  hadaynu eegno masuuliyiinta soomaray iyo wax qabadkooda  waxaa kamida :                                                                                                               1. Ahmed ali dable : waxaaa uu ahaa maareeyihii ugu  mudada dheeraa uguna musuqmaasuqa badnaa, waxaa xusid mudan in markii xilka laga qaaday uu ugu baanay  madaxweyne Riyaale , inuu ku wareejiyay lacag ummadu ay wada leedahay blasé uu kadoorbiday  sharaftii iyo masuulnimadii qaran inuu kufushado danihiisa gaarka  , runtii masuulkan wax uu kusoo kordhiyay oo lataabankaro  oo uu kusoo kordhiyay wali lama arag, waxaa taa sii dheer in uu  manta aanu wali katagin isla markaana uu  isagu yahay  ka kudulfadhiya kana dhaqaaaqi la yahay mashruuca biyo balaadhinta  ee caasimada hargeisa2.mahamed ali daarood : mahamed ali daarood  Runtii waa masuul loo hanwaynaa , lana filaayay inuu wax kabdalo  musuqmaasuqa balaadhan ee kataagan  wakaalada biyaha ee hargeisa , nasiib xumo waxaa uu halkiisa kasii waday  musuq maasuqii, ay bilaabeen kuwii kasii horeeyay  isagoon joogin hal bil ayaa waxaa uu  lunsaday lacag aad ubadan, hadaba maamul xumada iyo musuqa baahsan ee kajira  wakaaladu waxaa uu sababay oo uu dhibaato ukeenay  dadka faqiirinta ah ee kunool magaalada hargeisa , kuna keenay inay tahli waayan  helida biyo nadiifa oo caafimad qaba  wakaalada biyaha oo ah wakaalada kaliya ee kadhisan ayaa waxay tahay miday aad utaageeraan  hayada farabadan oo siiya lacago maal galineed  oo ay ugu talo galeen inay ku kaabaan  baahiyaha adeegyada biyaha ee caasimada hargeisa  ayaa hadana waxaay kubaxaaan meelo aan  lagaranayn oo ubadan  gacma hoose ……………………………lasoco qaybta danbe

 

Abdirask Hassan ali

Facebook: abdirasaq  h. ali

0634675486

Wixii cadayn loo baahdo waad iigusoo hagaagaysan

SOMALILAND: CORRUPTION AND MISMANAGEMENT AT WORLD BANK FUNDED PUBLIC FINANCE REFORM (PFM) OFFICE BY:ABDI DAAKIR.

Somaliland is in dire need of various public sector reforms to fight corruption and enhance transparency, however the efforts of the international community is being tainted by wide scale corruption and mismanagement, especially in the office of public finance reform(PFM) funded by the World bank.

A gentleman called Mr.Samater is in charge of the Somaliland PFM with the blessing and backing of her cousin, the Minister of finance Zamzam abdi Aden. Together they have placed their cousins and daughters at the PFM office and used for the PFM World Bank fund eared for the PFM for ghost workshops, trainings and consultants, who actually never happened in Somaliland, with no record and audit trail.

The same program expected to fight corruption and bad governance became the lead office in corruption and embezzlement in Somaliland. Mr.Samatar a corrupted and outdated officer, who hails from the Ahmed Nuh sub tribe of Minister Zamzam is totally inept to hold such important portfolio for the Somaliland public. To save its face and comply with its integrity rules, the World Bank needs to keep a distance in dealing with the likes of Samatar,otherwise we are assuming that the World Bank Nairobi staff is in the same boat with him embezzling world banks earmarked for anti corruption and transparency measures in Somaliland.

To salt to an injury, she further allocated a budget of $400,000,000 to this crooky office from the Somaliland government, just splitting between her and Samatar.Minister Zamzam is killing the donor confidence in Somaliland by defending and colluding with corrupted individuals from her sub tribe.

Here in Somaliland, all the World Bank funded consultants are recruited in shady and corrupted procedures. The consultant hired for the local government in Hargeisa,is from the Mayor’s sub clan of Gadeed Nuh and the one recruited for the Ministry of planning is a close cousin for the Director General of the Ministry of planning and both hails from Warsangali sub tribe. All this further erodes public confidence in World Bank operations in Somaliland.

We urge the World Bank team in Nairobi to independently and objectively recruit all consultants in the local offices and should not leave it alone for the presiding officers in such offices.

If the public perceives the World Bank program as the mother of all corruptions, the PFM and all other anti corruption program will not make any headway. Already Somaliland intellectuals believe that all World Bank job opportunities are awarded in unfair,corrupted,and clan biased system.

By:Abdi Daakir

Abdi holds masters in finance, banking and regulation

XALKA SICIR BARARKU WAA… QAYBTII 1AAD QALINKII CABDI CAWIYE

Markaan in badan oo todobaado ah aan dhex mushaaxay suuqyada fiidkii anigoo u kuur galaaya

Waxa sababay sicir bararka xadhkaha goostay waxaan ka diyaariyey tusmo yar oo aan

aqoontayda gaaban iyo xogta aan soo ururiyey oo isku daray ayaa waxaan isku qanciyey

fikirkayga yar ee gaaban in ay sicir bararka sababayaan sadexda waxyaabood oo hadii wax laga

qabto aan is idhi waxbaa is badali sadexda qodob waa:-

1. GANACSATADA QAADKA.

Iyadoo aynu ognahay somaliland Waxa faqriga iyo dhibaato weyn ku hayaa inuu yahay qaadka

oo 25kaa sanadood ay inaga baxeen aduun gaadhaya 480,000,000 marka ay ugu yartahay

Iyadoo sidaasa ayaa Waxa ay Ethiopia soo saartay xeer ah in qaadka lagu soo badalo lacag

cadaana ama DOLLARS $ ah taasoo yaraysay dolarkii suuqyada dhex wareegaayey oo kor u

kiciyey dolarkii markii uu yaraaday.

Sicir bararka somaliland Waxa uu dhacaa marka ay yaraato lacagta CAD ama DOLLARKU

waxaana kiciyey hadda Waxa yaraaday dolarkii waxaana batay lacagtii somaliga ahayd waxaana

kow ka ah lacagta jaadka oo lagu bixiyo dollar waana caqabada koowaad ee ina haysata.

Ganacsatada qaadka Waxa ay soo saareen iyaga iyo dawada itobiya inay lacagta ku gudbiyaan

Iyadoo ah nodhadh CAD ama DOLLARA.

Hadaba hadii la doonaaya in dhinacaa wax laga qabto Waa in la yareeyo qaadka ama lacagta

qaadka lagu badalo lacagta eithopia ee BIRTA ah si ay u yaraato lacagta cadaanka ah ee

baxaysa.

2. LACAGTA ELECTRONIGA AH ZAAD AMA E DAHAB

Dhinaca kale Dhibaatada sicir bararka uu saameynta weyn ku keenay kor u kaca doolarka iyo

sixir bararka ku yimi suuqyada sarifka iyo Badeecadaha. ayaa waxaa ka midda : Adeega Zaadka

oo si weyn looga isticmaalo dalka , Shirkada Telesom ayaa iyadu hore iyo iminkaba u urursan

jirtay lacagta dollarka, isla-markaana waxay sababtay qaybaha sixirka bararka oo cirka isku

shareeray, taasi oo keentay in Wasaradda Maaliyada iyo Bangiga dhexe ay qayladda sixir

bararka ku toosaan , ayna xal ka baadhaan ama ay ka codsadaan shirkadda Teleson iyo

Dababshiil (shirkadda dahab oo iyaduna ku soo biirtay). in ay sameyaan “Zaad-SL- Shilling”.

Waxaana xalkeedu yahay in dhamaan adeegyada yaryar lagu isticmaalo lacagta somaliga ah.

Hadii lagu isticmaalo lacagta electroniga ah SOMALI SHILLING si ay u yaraato lacagta ay

shirkadahani ku shubanayaan bangiyada caalmaka Iyadoo laga ururiyey bulshada rayidka ah

ugu badnaan.

La soco..

Qalinkii cabdi caawiye

+252634115877

MAGACYO KALA FOG IYO MAWQIFYO MIDAYSAN; MAXAY TAHAY KOOX-DIINEEDDAN CUSUB EE LAGU DHAWAAQAY? (AL-SAADICUUNA BIL-XAQ)

“Waa maxay xaqan markii hore dadka ka qarsoonaa ee ay kooxdani kaligeed soo ogaatay!”

Labadii bishan Abriil ayeynu shaashadaha ka daawannay oday gadh cad, oo sunnayaal cadcad

leh, oo muraayad iyo koofiyad xidhan, isla markaana ay hareeraha ka fadhiyaan 22 nin oo

saddex ka mid ahi ay Soomaali yihiin, inta kalena ay carab yihiin, marka isaga lagu darana,

dadka isha kamaraddu ay qabanaysay tiradoodu 23 ayey ahayd. Ninkan waxa lagu sheegay in

uu Amiir u yahay Koox-diineed cusub oo isku sheegtay Al-saadicuuna Bil-xaq

(Caddeeyayaasha xaqa), magaciisana waxa lagu sheegay Mustafe Kaamil Maxammed, waana

nin Masaari ah. Ragga meesha fadhiya laba nin iyo Amiirkooga hadlaya marka laga reebo, inta

kale waxay xidhnaayeen dharka Suudhka loo yaqaanno, badankooguna waxay ku darsadeen

marada taayga (Tie) loo yaqaanno ee qoorta laga soo laad-laadiyo. Raggan da’dooda haddii la

qiyaaso, ka ugu yari waxa uu kor u dhaafay da’da 45 jirka, waxaanay u badnaayeen odayaal

madaxu boosaystay (cirraystay). Marka laga reebo Amiirka kooxdan ee jeedinayey hadalkii ay

baaqa ku sheegeen, badankoogu wax gadh ah ma ay lahayn, haddii aan qiyaasana meesha ma

uu fadhiyin hal nin oo gadhkiisu ka dheer yahay 1 sentimitir (1cm), waxaaba la arkayey qaar ay

ku taallo astaamo muujinaya inay gadhka murxiyeen oo aanay wax xushmayn ah u hayn

gadhka. Waxay u ekaayeen rag murugaysan oo khushuucsan, dhaqdhaqaaq badan

xubnahoogu ma ay samaynayn, kaliya indhahooga ayuun buu wiilku dhex wareegayey, marar

kooban ayaana la arkayey iyaga oo dhaqaaq samaynaya intii ay khudbaddu socotay. Waxa ay u

fadhiyeen laba qaybood oo ay qiyaastii tallaabo u dhaxayso, kuwaasi oo ku kala beegnaa

midigta iyo bidixda sheekhan bayaanka wixii ay ku sheegeen jeedinayey.

Isla maalintaas uu Amiirkooga Masaariga ah ee Mustafe Kaamil ku dhawaaqay bayaankaas,

waxa iyadana shaashadaha laga daawaday nin kale oo Soomaali ah, kaasi oo ku jiray saddexdii

nin ee Soomaalida ahaa ee taagnaa goobtii uu Amiirka Jamaacadani baaqa ka akhrinayey,

waxaana uu xidhnaa markii uu Amiirka gadaashiisa taagnaa dhar safaari ah. Ninkan

Soomaaliga ahi wax uu akhiryey khudbaddii Amiirka oo af-soomaali ah, markan waxa uu

xidhan yahay koodh suudh ah iyo shaadh cad oo aan taay lahayn, gadaashiisana waxa fadhiya

labaatan nin oo Soomaali ah oo ka ugu yar qiyaastii da’diisu ay kor u dhaafayso 45 jir. Ragga

meesha ku sugan marka laga reebo laba nin, dhammaantood waxay xidhan yihiin dhar suudh

ah oo qaarkood aanu taay la socon, waxaanay sidii kuwii hore u eg yihiin rag murugaysan,

dhaqdhaqaaqooguna aad ayaa uu u kooban yahay. Labada goobood ee ay Amiirka Jamaacada

iyo ninkan Soomaaliga ahi ku kala qabteen Baaqyada si aad ah ayey iskugu eg yihiin, mararka

qaarna waxaad u malaynaysaaba in ay isku meel kaliya yihiin, inkasta oo baaqan Soomaaliga

ah sida aan u fahmay ay ka dhigayeen in ay Soomaaliya ku qabteen. Sidii kuwii hore oo kalena,

raggani gadh badan ma laha, marka laga reebo timo yaryar oo aad u gaa-gaaban. Ninkan af-
soomaaliga innoogu akhriyey baaqii uu jeediyey Amiirka Jamaacadani, waa nin uu hadalkiisa

taxaddir badani ka muuqdo, khudbaddana warqad ayuu ka akhrinayaa, magiciisana waxa la

yidhaahdaa Cismaan Cabdillaahi Rooble, xasuusnow magacaas!

Intaas wixii ka dambeeyey, labaatankii nin ee Soomaalida ahaa ee fadhiyey goobtii laga

akhriyey baaqii af-soomaaliga ahaa, waxa ay isku qaybiyeen kooxo iyagoo iska soo duubay

muuqaallo gaar-gaar ah oo ay dhowr ninba mar ka soo duubeen, iyagoo koox walba oo

muuqaal iska soo duubtana ka dhigaya in ay joogaan magaalooyinka Soomaalida, weliba ay

laba magaalo yihiin kuwa ugu waaweyn waa Muqdisho iyo Hargeysa’e, iyagoo Garoowena

koox kale sheegtay inay ka taageereen baaqii Amiirka. Raggan muuqaallada gaar-gaarka ah soo

saaray, waxay u muuqatay in ay isku sheegayaan in ay uga wakiil yihiin kooxdan Al-
Saadicuuna Bil-xaqi magaalooyinkan ay muuqaalka ku soo duubeen. Nuxurka muuqaalladaasi

waxa uu ahaa in ay taageero u muujiyaan baaqii uu jeediyey Amiirka Jamaacadani. Intaasi

markii ay dhammaatay, haddana waxaa bilaabmay muuqaallo kale oo mid walba laga soo

duubay nin, loona dhiibay mawduuc gaar ah (inta badanna caqiidada ku saabsan), waxaabad

moodday in iyaga diin cusub lagu soo dajiyey oo ay maanta dadka barayaan! Kuwaasi waa

qaar ka mid ah dhacdooyinkii aynu kala kulannay kooxdan la baxday Al-Saadicuuna Bil-xaq,

balse aan hoos ugu dego nuxurka qoraalkan.

Marka ay muuqaalladoodu sidaas ahaayeen, su’aasha koowaad waxay ka imanaysaa magacan

ay sheegteen ee ah Caddeeyayaasha Xaqa, waxa la is weydiinayaa; Xaqan hore u qarsoonaa ee

ay kooxdani kaligeed soo heshay ee ay dadka u caddaynayaan waa maxay? Su’aalaha kale ee

soo raacayaa waxay noqonayaan; Maxay ahayd kooxdani? Yaa aasaasay? Maxaa loo aasaasay?

Waa maxay xaqiiqadeedu? Maxaa keenay in wakhtigan lagu dhawaaqo? Halkee ayaa uu ka soo

burqanayaa fikirka ay ku dhisan tahay? Taariikhdooda dhabta ah iyo fikraddii ay ku curteen

maxay ahayd? Maxaa ka dhab ahaa baaqyadii kala duwanaa ee ay jeediyeen? Isla baaqaas

maxaa laga dhadhansan karayey? Ugu dambayn, goorma ayey ahayd markii ugu horraysay ee

dhulka Soomaalida lagu arko kooxdan?

Dunidu haddii aanay kaa yaabin duni ma’aha! Markii hore waxa aynu la yaabbanayn kooxaha

diinta ee magacyada badan la baxa ee masaajiddadana iska dhalleeceeya iyada oo ay koox

waliba sheeganayso in ay iyadu dariiqii saxda ahaa ku taagan tahay, kooxaha kale oo dhanina

ay hallaysan yihiin. Si kastaba ha noqotee, markii hore kooxahaasi waxay isku haysteen

mas’alooyin dhowr ah, marka si guud loo eegana wax badan ma ay kala fogayn, kooxina

kooxda kale gaalo kuma ay sheegi jirin. Maanta waxa soo baxday koox intiiba ka daran, warkii

horeba war soo dhaaf, waa koox iyada oo aan kala reebin dadka oo dhan u haysata gaalo, inta

iyada raacday mooyaane!

1. Waa maxay xaqan aanay cidina la ogayn ee ay kaligood soo ogaadeen, isla markaana

ay doonayaan inay maanta inoo caddeeyaan?

Jawaabta waxa lagu fahmi karaa uun marka dib loogu noqdo taariikhda ay kooxdani leedahay.

Sida ay iyaguba afkooga ka yidhaahdeen, 40 sannadood ayaa qarsoodi lagu waday dacwadda

ay kooxdani la shir timid (kuma raacsani in uu qarsoodi ahaa jiritaankoogu, balse waan ku

raacsanahay in ay dacwaddoodu qarsoodi ahayd, qoraalka dhanka dambe ayaanan ku caddayn

insha allah), taasi waxa ay inoo caddaynaysaa in aanay kooxdani ahayn mid cusub, waxa kaliya

ee maanta innagu cusubina uu yahay uun dardarta xooggan iyo dariiqa cusub ee ay u jeexeen

faafinta afkaartooda. Sida caanka ah, kooxdani waxa ay markii koowaad ka soo bilaabmatay

xabsiyada dalka Masar, waxa aanay ahaayeen raggii ka tirsanaa kooxda “Ikhwaanul

Muslimiinka” loo yaqaanno ee ciqaabta badan kala kulmay xukuumadihii Masar.

Dhammaadkii lixdanaadkii iyo bilowgii toddobaatanaadkii, xukuumadihii Masar, gaar ahaan

xukuumaddii Jamaal Cabdinaasir waxa ay si arxan-darri ah iyada oo aan u aabbo-yeelin

xabsiyada uga buuxisay dhallin-yartii ku jirtay dhaqdhaqaaqyada diinta, gaar ahaan ururkii

“Ikhwaanul Muslimiinka” iyada oo xabsiyada loogu dhex geystay nooc kasta oo tacaddi iyo

jidh-dil ahba. Dhallin-yartii xabsiyada Masar lagu ciqaabay waxa sii fogaysay deldelaaddii

culumidoodii waaweynayd lagu hor deldelay, oo uu ka mid ahaa Sayid Qudbi. Kaddib

tacaddigaa adag ee ay xukuumaddu u geysatay kaadirkii Ikhwaanul Muslimiinka, waxa

xabsiyada ka soo shaac-baxday aragti cabsi leh oo saan-saan u noqotay dhalashadii Takfiirka.

Haddaba markii ikhwaanka xabsiyada laga sii daayey waxay u kala baxeen laba kooxood; qaar

iska aamusay iyo qaar yidhi Jamaal Cabdinasir waa gaal, iyagoo sabab uga dhigaya inuu

Muslimiinta tacaddi badan u geystay, una haysta tacaddigaasi inuu yahay mid diinta Islaamka

lagula dagaallamayo. Xubnaha fikirkaas dambe qabay ayaa noqday Takfiirka.

Takfiirka waxa aasaasay Shukri Sacad Mustafa Axmed (Abu Sacad) oo ku dhashay Xawaatik,

Gobolka Asyuut oo ka tirsan Masar, sannadkii 1942-kii. Isagoo dhallin-yar ah ayuu

dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka ku biiray, kadib sannadkii 1965-kii ayaa xabsiga loo

taxaabay. Sannadkii 1971-kii markii uu muddo lix sannadood ah xabsiga ku jiray, ayaa la sii

daayey. Kadib sii dayntiisii, Shukri Mustafa wuxuu isku dubbariday xubnihii Takfiirka oo la

baxay magaca “Jamaacatul Muslimiin” isaga oo u sameeyey qaab goonni ah. Sannadkii 1973kii

wuxuu ku amray kooxdiisii inay ka dhex baxaan bulshada islaamka sheeganaysa ee gaalo-raaca

ah. Intaas kadib, Sir-doonkii Masar ayaa ka shakiyey dhaqdhaqaaqa ay kooxdan cusubi waddo,

Oktoobar 1974-kii ayuu mar kale sirdoonka Masar xabsiga u taxaabay Shukri Mustafa, balse

Anwar Saadaat ayaa cafis ku soo daayey. Kooxdani kama ay hadhin afkaartoodii, waa ay

koreen, qofkii ka baxana waa la dili jiray iyagoo u haysta inuu qofkaasi gaaloobay.

Sababtan awgeed, waxa ay isku haystaan in ay iyagu kaligood dariiqii saxda ahaa, aan

idhaahdo Islaamnimadii ay ku taagan yihiin oo anaay cid kale oo ka baxsan kooxdoodu ku

wehelin, xaqa ay maanta inoo caddaynayaanna waa kaas, kaliya waa kooxdayada ku soo biira,

si aad Islaam u noqotaan! Waxaabad mooddaa in ay iyagu gaadh ka hayaan albaabka laga galo

diinta Islaamka, qof aanay u sexeexinna aanu diinta geli karin.

2. Sidee ayuu fikirka Takfiirku ku yimi dhulka Soomaalida?

Waxa jiray urur diineed Soomaaliya laga aasaasay horraantii toddobaatanaadkii qarnigii tegay.

Ururkaas waxa la odhan jiray Al-Ahli. Ururkani waxa uu ka dab-qaadanayey aragtida ururka

Ikhwaanul Muslimiinka Masar. Ururkaas Al-Ahli waxa guddoomiye ka ahaa Cabdiqaaddir Sh.

Maxamuud oo isaga lagu doortay kulankii ugu horreeyey ee ay xubnaha ururku ku yeesheen

magaalada Muqdisho, iyada oo aan lagu dooran aqoon uu dheeraa dhallin-yartii ururka

aasaastay, balse lagu doortay isaga oo ahaa ka ugu da’da weyn wakhtigaas xubnihii ku sugnaa

goobtii uu kulanku ka dhacay. Al-Ahli in badan waxa uu ku guulaystay in uu dad badan ka

dhaadhaciyo aragtida ururkooga, waxaana uu laamo ku yeeshay gobollo badan oo dalka ku

yaalla. Kadib xukuumaddii kacaanku, inkasta oo aanay ogaan jiritaanka ururkan, haddana

waxa ay xabsiyada ku gurtay badanka culimadii waaweynayd ee ururkaas maskaxda u ahayd,

oo uu ka mid ahaa Sheekh Maxammed Macallin iyo culimo kale oo ahayd kuwii mus-
dambeedka (marjaca) u ahaa urukaas Al-Ahli. Waxa kale oo dalka iskaga baxay guddoomiyihii

ururka Al-Ahli Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud isaga oo tegay boqortooyada Sucuudiga, waxaana

xubnihii gudaha dalka joogay wakiil looga dhigay Cismaan Cabdillaahi Rooble (la soco oo

ninkani waa ninkii af-soomaaliga ku akhrinayey bayaankii uu soo saaray Amiirka kooxda Al-
Saadicuuna Bil-xaq). Iyadoo ay sidaas tahay, ayaa haddana xukuumaddii kacaanku xabsiga u

taxaabtay Cismaan Cabdillaahi Rooble oo wakiil u ahaa xubnihii gudaha dalka ku noolaa, intii

xabsiga ku jirayna waxa kaalintiisii si ku-meel-gaadh ah u sii buuxiyey Xuseen Cali Xaaji.

Iyadoo ay xaaladdu sidaas tahay, kooxdi Al-Ahli Culimadadoodii xabsiyada ku jiraan, ayaa

khilaaf ba’ani soo kala dhex galay xubnihii Al-Ahli ee dalka dibaddiisa ku sugnaa, gaar ahaan

xubnihii joogay boqortooyada Sucuudiga oo uu ku jiray guddoomiyihii ururka Al-Ahli

Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud. Meelaha ugu waaweyn ee sida aadka ah la iskugu maan-
dhaafsanaa waxa ugu weynayd fikradda lagu hagayo ururka Al-Ahli. Inkasta oo ay jireen

sababo kale oo siyaasadeed oo khilaafka sii huriyey, haddana waxa ugu weyn ayaa ahaa dariiqa

lagu hagayo ururka Al-Ahli. Khilaafkii jiray waxa uu meesha ka saaray dhaqdhaqaaqii Al-ahli

oo isagu shaqaynayey intii u dhexaysay 1973 – 1978kii

. Al-Ahli ma lahayn istaraatajiyad ay kaga

baaraan-degaan waxyaabaha iyo xaaladaha soo kordha, aragtiyo shakhsiyeed oo aan tanaasul

lahayn isla markaana mid waliba dhankiisa ku adkaysanayo ayaa soo dedajisay burburkii Al-

ahli. Waxa la iska illoobay fikirkii weynaa ee ay ku midaysnaayeen xubnaha ururku, waxaana

isku muuqday shakhsiyaad. Ugu dambayn, khilaafkaas xididdada u saaray ururkii Al-Ahli

kadib, Al-ahli waxa ay u kala jabtay saddex garab oo kala ahaa Al-Islaax, Salafiyiin iyo

Takfiiriyiin (Gaalaysiiyeyaal). Halkaas ayaanay ka soo unkantay taariikhda Takfiirka

Soomaaliya, maalintaas ayaanay kow u noqotay umadda Soomaaliyeed in lagu dhex arko dad

aaminsan fikirka Takfiirka. Xubnihii aragtida Takfiirka qaatay waxa ay la baxeen magaca

“Jamaacatul Muslimiin” oo ay ka soo dheegteen magicii ay la baxeen Takfiirkii Masar, xubnihii

ugu muhiimsanaa ee qaatay aragtidaas Takfiirkana waxa ugu horreeyey guddoomiyihii Al-Ahli

Cabdiqaadir Sh. Maxamuud. Kadib mar kale, guddoomiyihii Al-Ahli waxa uu beddashay

shaadhkiisii hore, waxa aanu soo qaatay shaadhka Takfiiriyiinta. Waxa la aasaasay kooxdii

Takfiiriyiinta Soomaaliya dhammaadkii toddobaatanaadkii, waxa guddoomiye ka noqday isla

guddoomiyihii hore ee Al-Ahli Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud, waxaana ku xigeen ka noqday

Cismaan Cabdille Rooble (waa ninkii akhrinayey bayaankii af-soomaaliga ahaa ee kooxda Al-
Saadicuuna Bil-xaq uu Amiirkoogu soo saaray). Inta ugu badan xubnihii Al-Ahli ee ku sugnaa

dalka gudihiisu waxa ay qaateen fikirka Takfiirnimada, balse qaar badani dib ayey uga soo

noqdeen markii loo caqli celiyey. Cidda u caqli celisayna waxa ay ahaayeen culimadoodu

markii ay xabsiyada ka soo baxday. Dhacdooyinkani waxa ay ahaayeen dhammaadkii

toddobaatanaadkii (1978-kii). Guddoomiyihii hore ee Al-Ahli, Cabdiqaaddir Sh. Maxamuud

cidda ku qancisay fikirka Takfiirnimadu waxa uu ahaa macallinkiisii oo Masaari ahaa.

Waxa jiray duruufo Soomaaliya ka jiray oo ku dhowaa ama la mid ahaa duruufihii Masar ka

jiray oo bisleeyey curashada aragtida Takfiirimada. Duruufahaas waxa ka mid ahaa tacaddigii

ay dowladda Soomaaliya ku haysay dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta, maalmaha ugu madow ee

soo maray taariikhda Soomaalida waxa ka mid ah, maalintii tobanka wadaad ay xukuumaddii

Kacaanku dilka ku fulisay oo ahayd 23.jeenawari.1975-kii. Waxa kale oo aynu soo aragnay in

fikirka Takfiirku ka soo dhex baxay kooxdii Ikhwaanul Muslimiinka, halka ururkii Al-Ahli ee

Soomaaliya joogayna uu ka dab-qaadanayey isla aragtidaas Ikhwaanul Muslimiinka. Waxa la

xidhxidhay culimadii Jaan-gooynta u ahayd fikirka iyo aqoonta dhallin-yartii degdegaysay.

Dhallin-yartu waxay isku darsadeen aqoontooda oo aad u koobnayd iyo culimadoodii oo la

xidhxidhay, taasi oo keentay in ay fikir walba u nuglaadaan, wixii la hor keenana iska qaataan

maadaama oo aanay lahayn cilmi ay isku difaacaan amaba ay ku kala shaandheeyaan

aragtiyaha is-hirdinaya, culimadii dariiqa tusi lahaydna agtooda way ka maqnayd oo xabsiyada

ayey ka buuxeen, duruufaha noocaas ah ayaa keenay in fikirka Takfiirku ka curto dhulka

Soomaalida.

Geba-gabadii, kooxdii qaadatay aragtida Takfiirka oo la baxday magaca “Jamaacatul

Muslimiin” iyo dadkii ku raacayba waa ay ka dhex baxeen dadkii, waxa aanay degeen meesha

Daafeed la yidhaahdo ama Wanla-weyn. Waxa ay bilaabeen in ay beeraha qotaan, xoolana

dhaqdaan. Waxaanay aaminsanaayeen in dadka oo dhani gaalo yihiin, waajibna ay tahay in

laga baxo ummaddan aan caqiidada lahayn, oo laga go’doonsanaado.

3. Sidee ayey u noolaayeen Takfiirkii Soomaaliya joogi jiray?

Takfiirkii Soomaaliya joogi jiray waxay ku noolaayeen xaalad murugo ah, waxaanay isku

haysteen in ay ku jiraan wakhtigii Nebiga la soo saaray oo kale. Waxaanay dhisayeen aragtidii

Sayid Qudbi ee ahayd in diinta mar kale eber laga soo bilaabo, xaaladahana loo qaybiyo markii

Makka la joogay oo kale, markii Madiina la joogay oo kale iyo in Marka hore sir laga dhigo

dacwadda, marka dambena la shaaciyo. Amiirkooga waxa ay u haysteen in uu magan u yahay

Nebi muxammed scw isla markaana inuu Ilaahay daacad u yahay. Qofka khilaafa waxa loogu

digi jiray aayadda ah: “Mu’min iyo mu’minad midna uma sugnaan inuu ikhtiyaar yeesho

marka ay Ilaahay iyo rasuulkiisu arrin go’aamiyaan”, Suuratul Axzaab, aayadda 36aad. Intii ay

bilaabmeenna wax koritaan ah ma ay samayn maadaama oo aanay dad badani ku soo biirin

jamaacadan. Inta badan aabbuhu ilmihiisa ayuu u gudbin jiray dacwaddan Takrfiirnimad ah,

maadaama oo ay aaminsanaayeen inay dacwaddu ku jirto wakhtigii ay sirta ahayd.

Dhaqannada la yaabka leh ee kooxdan waxa ka mid ah in ay guursadaan kaliya dumarka

Takfiirka ah, in ay gabadha ku soo biirta dib u meheriyaan iyagoo aaminsan in lagu meheriyey

markii hore gaalnimo, dhinaca kalena, ninka dhallin-yarta ah looma ogola in uu guursado

gabadh aan ku jirin kooxdan, Waxaa gabadha u soo xulaysa jamaacada, hadduu diido waxa

lagu qorayaa mid ku madax adaygay jamaacada. Ilaahay raga Muslimiinta ah waxa uu u

banneeyey in ay guursadaan dumarka muslinka ah iska dhaaf’e kuwii kutubta hore lagu soo

dajiyey (ehlul kitaabka), iyagu miyaanay khilaafinba xaqa ay sheegayaan inay caddaynayaan.

Mise waxay ka dhigayaan in wixii ka soo hadhay kooxdani ay Mushrikiin yihiin. Ma raacaan

baabuurta dad-weynaha sida basaska, ma cunaan xoolo aanu gowricin nin aan Takfiir ahayni,

nalalka waddooyinka ee baabuurta kala haga (ishaarooyinka) dan kama galaan ee way iska

dhaafaan, uma istaagaan salaanta calanka waxaana ay leeyihiin dhaqaanno la yaab leh oo

badan. Waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay kooxdani leedahay waxaa ka mid ah in ay

aaminsan tahay dabaqado kala sarreeya oo midba si gaar ah loola dhaqmo.

4. Maxay ahayd kooxdan Al-Saadicuuna Bil-xaq?

Sida uu yidhi Amiirka kooxdani Mustafe Kaamil Muxammed, waxa uu sheegay in ay 40

sannadood indho-indhaynayeen xaaladaha ay ku sugan tahay dunida Muslimka sheegataa

(waa sida uu hadalka u dhigay). Haddii aynu dib ugu noqonno dhalashadii aragtida

Takfiirnimadu, waxa ay ahayd toddobaatanaadkii oo laga joogo afatameeyo sannadood, sidaas

awgeed kooxdani waa Takfiirkii oo shaadh kale inoo soo xidhay, mana qarsanayaan

aragtidooda ah in dadku ay dib u soo Muslimaan, oo mar labaad ay diinta soo galaan, taasi oo

shaki la’aan ah Takfiir mutuxan. Aragtidani waxa ay ka soo maaxanaysaa buugaagtii uu qoray

Sayid Qudbi oo aragtidoodu ay ahayd in aanay Jaahiliyaddu ahayn wakhti la soo maray, balse

ay tahay dhaqan iyo anshax uu banii-aadamku la yimaaddo, taasi oo maanta lagu jiro

Jaahiliyad Casri ah, khasabna ay tahay in dacwadda laga soo bilaabo wakhtigii uu Nebi

Muxammed Makka joogay oo kale (waa markii ay dacwaddu bilowga ahayd) iyo markii uu

Madiina joogay (waa markii dowladda Islaamka la dhisay). Aragtida ah in dacwadda laga soo

bilaabo wakhtigii Makka, Takfiiriyiintu waxa ay ka dhigteen in ay dadku wada gaalo yihiin

illaa iyo ay dib u soo Islaamayaan, dibna loo ashahaadinayo.

Gebo-gebadii, kooxdani waa Takfiirkii oo magac kale la soo baxay, waana sababta aan

ciwaanka uga dhigtay “Magacyo kala fog iyo mowqifyo midaysan”, Takfiirka iyo Kooxdani

isku magac ma’aha, balse waa isku mawqif.

5. Yaa aasaasay?

Kooxdan waxa aasaasay xubno ka kala socda dhowr dal oo kala duwan oo ay ugu horrayso

Masar, Liibiya, Soomaaliya, iyo Kuweyt. Marka la eegana, Amiirkooga Mustafe Kaamil waxa

uu ku jiraa dhallin-yartii xabsiyada Masar ay ku xidhay xukuumaddii Jamaal Cabdinaasir,

halka wakiilka ay Soomaaliya u soo direenna uu yahay sida aan soo sheegay guddoomiye ku-
xigeenkii hore ee kooxdii Takfiirka Soomaaliya. Ninka la yidhaahdo Xassan Cabdillaahi

Cosoble oo ka soo muuqday muuqaalkii lagu soo saaray baaqii Af-soomaaliga ahaa waxa uu ka

tirsanaan jiray xubnihii ugu muhiimsanaa ee ururkii Al-Ahli, ma caddayn karo isagu inuu

xilligaas qaatay aragtida Takfiirnimada, balse maanta aynu arkayno inuu isaguna kooxdan ka

mid noqday. Kooxdan waxa lagaga dhawaaqay dhammaan dalalka ay ka soo kala jeedaan

xubnaha bud-dhigayaasha u ah aasaaskeega oo kala ah Masar, Soomaaliya, Liibiya iyo Kuweyt.

Astaanna waxa ay ka dhigteen aayadda qur’aanka ah ee ah ee leh: “Ilaahay caabuda ma lihidin

Ilaah aan isaga ahayne”.

Xarunta ugu weyn ee kooxdani waa Masar, waxa aanay durba laamo ku yeelatay dalalka kale

ee ay ka soo kala jeedaan aasaaseyaasha kooxdani.

6. Maxaa loo aasaasay? Waa maxay se xaqiiqadoodu?

Sida ay iyagu sheegeen, waxay yidhaahdeen: “Annagu adduunyo doon ma nihin, xukun

doonna ma nihin, waayo haddaanu labadaas mid uun doonayno waxa aanu u mari lahayn

waddo kale”. Waxa ay inoo sheegeen in ay u aasaaseen kooxdan Ilaahay dartii iyo kor yeelidda

kalmadda Ilaahay, balse marka aynu iska dhaafno af-macaanida iyo diinta lagu soo gabbanayo,

maxaa ka dhab ah intaas ay sheegteen. Inkasta oo ay weli kooban tahay xogta laga hayo

kooxdan, haddana waxa hubaal ah in ay jiraan waxyaabo u qarsoon oo aanay weli muujin,

balse baaqyadooda laga dhex dheehan karayey. Tusaale ahaan, waxa ay ina yidhaahdeen:

“Waanu raacaynaa cid kasta oo Ilaahay kitaabkiisa dadka ku xukumaysa”, iyagoo isla

markaasna daba-dhigay shuruudo dhowr ah. Waxa is-weydiin leh, haddii la waayo Amiirkaas

dadka ku xukumaya kitaabka Ilaahay (waa Amiir iyagu ay raalli ka yihiin), maxaa ay

samaynayaan? Taas inooma ay sheegin, balse waxa aan rumaysanahay in uu yahay qorshe

iyaga u qarsoon. Waxa kale oo ay yidhaahdeen: “Annagu dagaal uma soconno, argagaxisana

ma nihin”, waynu garannay taas, balse dagaalku iskii ayaa uu iskaga imanayaaba, haddaanay u

socon iyo hadday u socdaan labadaba. Waayo waa koox khilaafsan dhammaan kooxaha diinta

ee kale, khilaafkaasi waxa uu ku riixayaa in ay kooxaha kale dagaal la galaan, saw ma ogid in

uu addinkuba ka dhasho af xumaaday, sidaas oo kale ayaa uu dagaalkuba ka dhalanayaa

khilaafkaas weyn ee ay iyagu khilaafeen kooxaha kale ee diinta.

Waxa dhici karta in ay jiraan dan ka baxsan danaha diimeed oo noqon kara mid siyaasadeed,

mid dhaqaale ama mid xog-raadineed (sir-doon) in ay adeegayaal u yihiin dowlado shisheeye

sidii in badan oo hore soo dhacday oo koox diin sheeganaysaa ay noqotay sir-doon dalal kale u

shaqeeya, ama dhaqaale raadis ah amaba doonaya in ay siyaasadda saamayn ku yeeshaan. Tan

dambe ee siyaasadd ah, kooxdani ma qarsan oo waxa ay tidhi waxa aanu doonaynaa in aanu

dhisno dowlad Islaam ah (dowlad Takfiir ah), taasi oo muran la’aan ah in ay dan siyaasadeed

immika inoo muujisteen, balse dano badan oo kalena ay dhex socdaan.

Soo koobidda qodobkani waxa ay noqonaysaa, inkasta oo ay iyagu inoo sheegteen in ay diin

Ilaahay u socdaan, haddana waxa Baaqyadooda ka muuqatay in ay sidoo kale jiraan qodobbo u

qarsoon. Waxa kale oo ay sheegteen in ay nabad u socdaan, balse isla Baaqyadooda waxa ka

dhex muuqday in uu dagaalkuna yahay qorshe u qarsoon oo malaha ay la sugayaan marka ay

awood yeeshaan. Waxaan meesha ka maqnayn dan siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid u

adeegidda dowlado shisheeye ahba. Gebo-gabaduna waxa ay tahay, mar haddii baaqyadoodii

ugu horreeyey lagu arkayo hadallo shaki leh iyo odhaahyo beenta u dhow amaba been ah, lama

yaraysan karo kooxdan, ninkii Ilaahay ku simaana waa uu la kulmi.

7. Maxaa keenay in wakhtigan lagu dhawaaqo?

Sida ay sheegeen, muddo nus qarni ku dhow ayey sugayeen maalin uun in ay shaaciyaan

mabdo’ooga iyo waxa ay aaminsan yihiin, maalintaasina waxa ay noqotay Abriil 2, 2017-kii. Is

weydiintu waxa ay tahay, maxaa keenay maalintan in lagu dhawaqo ee looga soo soocday

maalmihii hore oo dhan? Ma’aha wax lala yaabo in wakhtigan lagu dhawaaqo ururkan cusub,

waayo dooddu waxa ay socotay muddo siddeed sannadood ah, dooddaas oo ka dhaxaysay

xubnaha ururka, kuna saabsanayd kaliya wakhtiga lagu dhawaaqayo kooxdan iyo xilliga uu

noqon doono. Kadib gunaadkii doodda waxa loo batay in lagu dhawaaqo oo la shaaciyo

dacwadda ay kooxdani waddo, halkaasna waxa ka qarxay khilaaf soo kala dhex galay xubnihii

ururkan, iyadoo kuwii diiddanaa in lagu dhawaaqo dacwaddan oo si shaacsan loo baahiyo ay

daliishanayeen aayadda ku jirta Suuratul Al-Baqarah, “Nafihiina halaag ha ku tuurina”.

Go’aankii waxa uu noqday in xubnihii diidday in dacwadda la shaaciyo meesha laga saaray.

Marka aynu ku soo noqonno kuwii go’aansaday in ay shaaciyaan dacwadda ay kooxdani

wadato, waxa ay ku ballameen xabsiyada, waxa ay isku dardaarmeen samir, waxaana ay ku

heshiiyeen in haddii ay la kulmaan ciqaab ama daba-gal dheeraad ah ay soo sheegi doonaan

dhammaan ciddii xubnaha ka ahayd ururkan, ku dhawaaqidda ka hor ama ka dib.

Inkasta oo aan weli la shaacin natiijadii ka soo baxday dooddan socotay siddeeda sannadood,

iyo weliba waxa ay isku qanciyeen kuwii isku raacay in maanta la soo gaadhay wakhtigii la

shaacin lahaa, haddana sida aan ka akhriyey bogga uu Facebook-ga ku leeyahay Sheekha reer

Jabuuti, Sh. Cabdiraxmaan Bashiir, waxa uu yidhi: “Kooxdani waxa ay aamintay in uu

dhaqdhaqaaqii Ikhwaanul Muslimiinku kaalintiisii ka soo bixi waayey oo ay bannaan tahay,

dabadeed iyaga ayaa is tusay in ay kaalintaas buuxiyaan, waana taas sababta keentay in maanta

lagu dhawaaqo”. Balse Sh. Cabdiraxmaan waxa aan weydiin lahaa: Ikhwaanku ma 2017-kii

ayaa uu gudan waayey kaalintii uu bulshada ku lahaa, mise hore ayuu kaalintaas uga soo bixi

waayey? Su’aasha kalena waxa ay tahay, maxaa caddayn ah in uu Ikhwaanku kaalintaas

maanta gabay oo uu awal buuxinayey?

8. Halkee ayaa uu ka soo maaxanayaa fikirka ay ku aasaasantay kooxdani?

Shaki kuma jiro in ay kooxdani ka soo farcantay Ikhwaanul Muslimiinkii Masar, fikirkeeguna

uu salka ku hayo culimada iyo mufakiriintii ka tirsanayd dhaqdhaqaas Ikhwaanul

Muslimiinka. Waxa si gaar ah u saameeyey kooxdan aragtiyihii Sayid Qudbi iyo qaar ka mid ah

buugaagtii uu qoray. Sidaas awgeed, afkaarta kooxdani waxay ka soo maaxanaysaa aragtiyihii

Sayid Qudbi iyo buugaagtii uu qoray kadib markii isaga iyo kooxdiisaba tacaddi badan lagula

kacay. Sidaan hore u soo sheegay, Sayid Qudbi waxa uu rumaysnaa in aanay Jaahiliyadu ahayn

marxalad la soo maray, balse ay tahay afkaar, caqiidooyin iyo dhaqan kasta oo khilaafsan diinta

Islaamka, waxaana uu rumaysnaa in ay jirto wax loogu yeedhi karo “Jaahiliyadda wakhtigan

casriga ah”. Sayid Qudbi waxa uu qalinkiisa ku adkeeyey in jaahiliyadda casriga ahi ay ka

daran tahay jaahiliyo kasta oo dunida soo martay. Sayid Qudbi, sidaan hore u soo xusay waxa

uu aaminsanaa in dacwaddan faafinteeda loo kala qaybiyo laba qaybood, iyadoo laga tusaale

qaadanayo taariikhdii Nebiga, in laga dhigo wakhtigii Makka ee ay dacwaddu bilowga ahayd,

qarsoodigana ahayd iyo wakhtigii Madiina ee dowladda Islaamka dhidibada loo taagay, isla

markaana Jihaadka la waajibiyey. Waxa uu Aaminsanaa in aan jihaad la geli karin, illaa iyo la

aasaaso dowlad Islaam ah. Aragtidan lafteeda ayaad ka dhex dheehan kartaa Baaqyadii ay soo

jeediyeen kooxdan Al-Saadicuuna Bil-Xaqi la baxday.

Geba-gabada qodobkan, kooxdan fikirkeegu waxa uu ka soo unkamay oo uu ku dul-dhisan

yahay aragtiyo ay aaminsanaayeen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha iyo culimada kooxda

Ikhwaanul Muslimiinka, si gaar ahna waxa kooxdan u saameeyey aragtiyihii Sayid Qudbi oo ay

ku talax-tageen.

9. Maxaa laga dhadhansan karaa baaqyadii ay Kooxdani soo saartay?

Marka la isku soo ururiyo baaqyadii ay kooxdani jeedisay, waxa ay ku soo ururayeen

saddexdan arrimood: “In Ilaahay kaligiis la rumeeyo, in isaga si sax ah loo caabudo,

cibaadadana loo badhax-tiro iyo in xukunka Ilaahay la qaato lagana tago sharciyada ay dadku

samaysteen”. Kooxdani waxa ay aad ugu xeel-dheeraanayeen, si dedbanna inoogu sheegeen in

sharci kasta oo aan ahayn sharciga Ilaahay cidda ku dhaqantaa aanay Muslimiin ahayn iyada

oo aan la kala reebin xukuumad iyo shacab. Aayadaha ay aadka u daliishanayeen waxa ka mid

ah: Aaayadda 50aad ee Suuratul Maa’idah, waxay odhanaysaa “Ma waxa ay doonayaan

xukunkii Jaahiliyadda, maxaa Ilaahay uga xukun wanaagsan dadka garanaya”, Aayadda 36aad

ee Suurtul Axzaab oo odhaysa,“Qof Ilaahay si dhab ah u rumeeyey iyo gabadh Ilaahay si dhab

ah u rumaystay marnaba uma sugnaan in ay doorasho yeeshaan marka ay Ilaahay iyo

Rasuulkiisu arrin go’aamiyaan”, Aayadda 65aad ee Suuratul Nisaa’ oo odhanaysa:“Rabbigaaga

ayaan ku dhaartee ma ay rumayn illaa iyo ay waxa dhexdooda ka socda adiga xaakin kaaga

dhiganayaan (Nebi Muxammedow), dabadeed aanay naftooda ka helin wax culays ah waxa

aad adigu go’aamisay oo ay is-dhiibaan is-dhiibid”, Aayadaha 45aad, 46aad iyo 47aad ee

Suurtul Maa’idah ee odhanaya; “Cidda aan ku xukumin (dadka) waxa uu Ilaahay soo dejiyay

(waxiyga) waa Daallimiin”, “Cidda aan ku xukumin (dadka) waxa uu Ilaahay soo dejiyay

(waxiyga) waa gaalo”, “Cidda aan ku xukumin (dadka) waxa uu Ilaahay soo dejiyay (waxiyga)

waa faasiqiin”. Haddii aad u fiirsato aayadahani waxa ay ka wada hadlayaan waa xukun,

waxaana muuqata in kooxdani ujeeddada koowaad ee ay leedahayba ay tahay xukun uun.

Aayado xaq ah ayey doonayaan in ay baadilkooga ku xalaashadaan.

Si kastaba ha noqotee, marnaba ma ay sheegin kooxdani tafsiirka aayadahan iyo sidii ay

culimadu islaamku u fasireen aayadahan. Taasi waxa ay inoo muujinaysaa uun laba arrimood

midkood; in ay iyagu gaarkooga u fasirteen aayadahan qur’aanka ah oo ay aragtidooda ku sar-
gooyeen, amaba in ay daahirka aayadda uun ay qaadanayaan oo aanay tafsiirkeega dan ka

lahayn, tan dambe ayaanay u badan tahay. Labadaas ka ay noqotaba waa dhibaato hore uu

Islaamku u soo maray, natiijadeedana la hayo, waxa ay soo wadaan ee khilaaf ahna aan loo

toog hayn.

Sida ay Baaqoogii 1aad ku sheegeen, waxa ay yidhaahdeen 40 sannadood ayaanu eegaynay

waaqica, waxa ay u muuqataa in ay leeyihiin afartankaas sannadoodba kuma ay habboonayn in

lagu dhawaaqo kooxdan, balse ay leeyihiin maanta ayey ku habboon tahay, taasna waxa u

markhaati furayaa waa maalintan ay ku dhawaaqeenba. Illaa hadda inooma ay sheegin sababta

ay wakhtigan ugu qanceen in ay ku shaaciyaan fikirkooga iyo waxa is beddalay midna, sidoo

kale inooma ay sheegin sababta keentay in ay afartan sannadood qarsadaan. Waxa ay u

muuqdaan koox uu fikirkoogu dunida ka dambeeyo afartankaas sannadood ee ay

aamusnaayeen laba sababood dartood; Marka hore waxa ay daliishanayaan aragtiyihii Sayid

Qudbi oo aan soo gaadhin wakhtigan casriga ah iyo dunidan is beddashay, marka labaadna

waxa ay sitaan manhajkii Takfiirka lagu aasasay ku dhawaad nus qarni ka hor, waxaaba

muuqata in aanay dunidan maanta ah la jaan-qaadi karayn kooxdani.

Si dedban ayaa looga dareemi karaa in ay leeyihiin “waxa aanu ahayn koox qarsoodi ah”, balse

wax badani run kama aha hadalkoogaas. Waxa ay ahaayeen koox caan ah oo la yaqaanno oo

dadka ka faquuqan, aragtiyo ad-adagna iska dhaadhicisay, inkasta oo ay mar walba noloshu ku

adkaan jirtay, cidina kuma ay adkayn nolosha ee iyaga ayaa isku adkayn jiray.

10. Is burinta baaqyadoodii:

Waxay yidhaahdeen sharci kasta oo aan ka ilaahay ahayni waa baadil, waxa kale oo ay

yidhaahdeen golayaasha Baarlamaanku waa xarumo Ilaahay lagula doodo sharci dajinta uu

xaqa u leeyahay. Is weydiintu waxa ay tahay, waa maxay iyagu kooxdan ay sameeysteen ee

islaamka dhexdiisa ah, waa maxay Amiirkan ay kaligood soo boqradeen, ma aayad ayaa tidhi

mise iyaga ayaa samaystay. Sharci ka duwan kii Ilaahay miyaanay iyaguba la iman.

Waxay yidhaahdeen ma rabno annagu xukun iyo adduunyo midnaba. Waxaanay yidhaahdeen

haddii la helo cid dadka ku xukunta sharciga Ilaahay waanu raacaynaa, iyaga oo shuruudo ku

xidhay cidda ay iyagu u haystaan inuu sharciga Ilaahay fulinayo. Balse inoomay sheegin haddii

la waayo cid xukunkaas fulisa waxa ay samayn doonaan. Waxay yidhaadheen: “Ma

dagaallamayno, waayo wax waliba wuxuu leeyahay wakhtigiisa” waxaabay u eg tahay in ay ku

jiraan wakhtigii uu Nebigu Makka joogay ee lagu amray ha dagaallamin, waxaanay u eg tahay

in ay dagaalka wakhti gaar ah la sugayaan sidaan horeba u soo sheegay.

Geba-gabada qoraalkaygan, kooxdan la baxday magaca cusub ee Al-Saadicuuna Bil-Xaq oo af-
soomaaliga ku noqonaysa “Caddeeyayaasha xaqa” waa koox ka dab-qaadanaysa aragtidii xag-
jirka ahayd ee kooxdii uu aasaasay Shukri Mustafa ee Takfiiriyiinta loo yaqaannay balse iyagu

la baxay magaca “Jamaacatul Muslimiin” kuwaas oo ka soo unkamay xabsiyadii Masar,

aragtidooduna ay shaac-baxday badhtamihii toddobaatanaadkii qarngii tegay. Inkasta oo ay

kolba magac cusub oo la soo qurxiyey ay dadka u soo dhex galayaan, haddana mar walba waa

iyagii uun, fikirkuna waa kii uun, sidaas awged magacyadu haba kala fogaadaane, mawqifyada

ayaa midaysan, waana koox si walba uga fog waaqica ay maanta ku nool yihiin dadka

Muslimiinta ahi, mushkilad cusubna aloosaya.

Tixraac:

Kocobicii Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 – 2002, Cabdishakuur Mire Aadam (Cobol)

Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir bogga uu ku leeyahay Facebook-ga

ARRIMAHA MUSHARAXA MADAXWEYNE XISBIGA KULMIYE MUDANE MUJAAHID MUUSE BIIXI CABDI KAGA DUWAN LABADA MUSHAREXE KALE

Salamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Hawl-Wadeenada Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Mudan Bacdal Salaan, Waxa Qalinka Igu Kalifay Maanta Inaan Qalinka Qaato Arrimaha Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Mudane Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Kaga Duwan Labada Musharexe Kale, Dadka Ka Faalooda Arrimaha Siyaasadda Waxay Sheegayaan In Musharaxa Madaxweynimoee Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi Uu Haysto Kalsoonida Shacabka Reer Somaliland , Hadaad Eegto Taageerada Balaadhan Ee Maalin-Ba Maalinta Ka Danbaysa Uu Kasbanayo Mudane Muuse Biixi Cabdi , Waxa Ku Tusaysaa Inuu Aqlabiyada Ka Helayo Doorashooyinka December Ee Sanadka 2017 Ka Dhacaysa Dalka Uu Ku Guuleysanayo Cod Aqalbiyada Lehunnamed

Arrimaha Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye Mudane Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Kaga Duwan Labada Musharexe Kale,

Weeye Qodobada Hoos Ku Qoran

  1. Waayo Aragnimo
  2. Go’aan Qaadashada
  3. Daacad-Nimo
  4. Hal Abuurnimo:
  5. Doorka Dhisidda Wadanka
  6. Xidhiidh-Ka Beesha Caalamka
  7. Murashaxa Ay Ogol Yihiin Reer Somaliland Min Berri Ilaa Galbeed
  8. Nin Jecleysi La’aan
  9. Run Sheeg-Nimada
  10. Qab-Yaalad La’aan
  11. Dabaqidda Sharciyadda Wadanka
  12. Waxaana Ka Go’an In Somaliland Noqoto Mid Qudha Taana Waxa Tusaale Kugu Filan Sida

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Waa Musharax Madaxweyne Qudha Ee Aaminsan In Dabaqo Sharciga Iyo Dastuurka Dalka JSL U Dejisan ,

Guntii Iyo Gebo Gabadii Waxaan Idiin Sheegayaa In Maqaal, Taariikhda Guddoomiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Waa Mid Aan La Hilmaami Karin Oo Ay Qir Ayaan Dad Badan Taasi Oo Lagu Tilmaamo Shakhsiyadiisa Inuu Yahay Nin Go’aan U Leh Waxa Uu Qaadanayo Oo Inta Badan Siyaasiyiinta Somaliland Ku Adag Tahay Inay Noqdaan Rag G O’aan Leh.

 

Wa Bilahi Tawfiiq

Qalinkii : Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Mohamed Abdi

Hargeysa /Somaliland

Cadaadinta iyo Cabudhinta ku habsatay shaqaalaha dawlada Qoraa A/nour Mohamoud Khalif

Cadaadinta iyo Cabudhinta ku habsatay shaqaalaha dawlada Qoraa A/nour Mohamoud Khalif

Dhaliil igama aha ee waxay iga tahay wax sixid.

 

Dhamaan shaqaalaha dawladu waxay ka dharagsanyihiin cadaalad la,aanta ka dhexjirta wasaaradahooga ama hayaddaha dawliga ah.

Waxaana marag madoon ah in tacadi iyo dhib badani ka dhex aloosantahay shaqaalaha iyo maamulkooga oo markasta aad maqlayso ama aad la kulmayso shaqaale ka cabanaaya maamulkiisa oo aan dhag jalaq u siinayn una arka shaqsiyaad ka hooseeya awood ahaan iyo maamul ahaanba. Masuuliyiintu iskuma jiraan ee kuwa ka mid ah ayaa kaga faa,iidaysanaya xilkooga wasiirnimo , agaasime guud ahaan ama agaasime waaxeed ahaan in ay duudsiiyaan xaqii shaqaalahoogu lahaa. Hadaba tani waxay ina tusaysaa jaho wareerka ka dhextaagan maalinkasta shaqaalaha iyo masuuliyiintooda oo aan lahayn karti iyo aqoon dheer oo ay ku xaliyaan moranka soo kala dhex gala. waxaana nasiib daro ah in madaxdu qataan go,aamo khaldan oo ay ku dulmiyaan shaqaale laga gardaranyahay oo raadsanaaya wuxu xaqa uu lahaa, taasi oo mararkanqaarkood ku kalifta in uu lumiyo waxyaabo badan oo dastuurku xaqa iyo xuquuqba u siiyey shaqaalaha. Walaw madaxdeenu ayna intooda badani ka war hayninba ama ayna akhriyin xeerka shaqaalaha dawlada oo si qoto dheer u kala xadeeyey shaqaalaha iyo masuuliyiinta waajibaadkooga shaqo iyo maamulba, inkasta oo sharciga shaqaaluhu si fiican u qeexayo hadana waxaa jira waxyaabo badan oo shaqaalaha lagu cadaadiyo sida , Digniino, Shaqo ka joojin , iyo in si fudud shaqada loga eryo.

Taasi oo sobabtay in dhamaan qaybaha kala duwan ee shaqalaha dawladu ay sax iyo khaladba ugu hogaansanaadaan madaxdooda oo ay ka cabsi qabaan hadii ay amarkooga fuliniwayaan in ay kala kulmi doonaan caqabado badan oo ku kalifi doona in gabi ahaanba faaruqiyaan shaqada ay u hayaan dawlada . Hadii si dhakhso ah masuuliyiinta caadaysatay wax loga qaban waayo, Khaasantan kuwa ku tagrifala awoodaha faraha badan ee ay sida khaldan ugu isticmaalayaan xarumahooga si ay u hantiyaan kursiga. Inkasto madaxdeena qaar ka mid ahi wali hilmaansanyihiin in xilka laga qaadi karo nusasaac gudihii halkay isa siiyeen agaasime waaxeedyadu kursiga oo ay u haystaan in iyaku leeyihiin ilaa inta ay ka gaboobayaan, ama dhimanayaan ama waxbarasho dibada ugu baxayaan walaw xarumaha dawlada qaarkood loosii hayo booskooga lana sii magacaabo kusii sime . Hadaba tani waxay deelqaaf ku tahay sharciga shaqaalaha dawlada oo dhigahayn in madax waaxeedyada ama shaqaalaha kaleba loo sii hayo booskooga marba hadii u mudanuhu waxbarasho ama hawlo kale oo qaadanaaya mudo badan u baxaayo. Guntii iyo Gunaanadkii hadii ay sidan shaqaalaha dawladu ku sii jiraan waxaa soo bixi doona in xilalka dawladu ay noqdaan qori isku dhiib.

FAALLO:- SHIR JARAA’ID BY CUMAR MAXAMED FAARAX

FAALLO:- SHIR JARAA’ID BY CUMAR MAXAMED FAARAX

Muddo Haatan laga joogo 15 sannadood ka hor oo aan ka shaqo galay Wargeyskii Maandeeq ee imika la yidhaahdo Dawan, waxaan ugu imi iyadoo warbaahinta tirada badan ee xilligan Somaliland ka jirtaa faro ku tiris tahay, gaar ahaan Jaraa’idka oo ahaa Jamhuuriya iyo Maandeeq. Halka Telefishannada tirada beelay wakhtigan-na uu jiray Hargeysa TV oo habeenkii laga daawan jiray shanta degmo ee caasimada Hargeysa gudaheeda, TV-gaas oo markii dambena loo bixiyay Somaliland Space Chanel (SLSC). Waxa kaloo jiray Idaacada Radio Hargeysa oo maantana xaga idaacadaha wali kaligeed uun ka jirta wadanka.

 

“Wallee qalin-daraalaha

Dambi qaranka laga galay

Kama qariyo wadhatada.

Wallee qoonta mililka leh

Qaarka sare ma dhaydhayo”

Abwaan Gaariye

 

 

Xiligaas, waxa Hay’adaha warbaahintu ahaayeen qaar ka sakow shaqadooda saxaafadeed, Hay’ad kasta oo saxaafadeed waxa dhexdeeda ka furnaa Akaadami soo saara jiil la carbiyay oo shaqada dhexdeeda lagu siiyay tababar (On Job Training), oo si xeel dheer loogu hanuuniyay inay dareemaan masuuliyada shaqada xasaasiga ah ee ay hiwaayadoodu jeclaatay.

Waxa jiray tusaale ahaan wargeyskii Maandeeq oo ahaa wargeyskii labaad oo la aasaasay sannadkii 1998-kii, waxa sabankii aan ku cusbaa ka shaqeyn jiray weriyeyaal xirfad leh oo aqoontooduna aad u dhisnayd oo intooda badan heer jaamacadeed ahaa. Waxa raggaas odayaasha ahaa ay qofka shaqada ku cusub sidayda oo kale ay siin jireen wacyigelin dheer oo ay ku hoggotusaaleyn jireen in shaqada saxaafaddu tahay “Xirfad dadkeeda laga doonayo dhawrsanaan, akhlaaq iyo masuuliyad.”

Waxaan macalimiintayadii naxariista badnaa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maandeeq, Muuse Aadan Yuusuf, Tifaftirahayagii Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo mar dambena Guddoomiye noo noqday, imikana ah Badhasaabka Gobolka Awdal, Alle ha u naxariistee Axmed Sheekh Xuseen Maxamed, Ismaaciil Ibraahim Qodax (I.I. Qodax) iyo Maxamed Axmed Ciise oo saddexduba xijaabtay. Waxa iyaguna joogay Tifaftirihii u horreyay ee Maandeeq mar dambena Guddoomiye ka noqday Maandeeq Media Group Faysal Cabdillaahi Cabdalle, Xasan Xuseen Cabdi, Cabdilaahi Quulle Jaamac, Cabdiqani Axmed Askar iyo Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo ah La Taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee arrimaha sharciga, horena Afhayeenka Madaxtooyadda u soo noqday muddo sannad ku dhow isla xukuumadan KULMIYE. Nasiib daradayda kumaan soo gaadhin Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab) iyo Xuseen Cali Nuur.

Haddaba, wargeyskayaga oo ahaa kii dawladda, waxa uu haddana ahaa mid illaa xad si madax-bannaan u shaqeeya oo akhristeyaashiisuna aad ugu xidhnaayeen wax soosaarka hawlwadeennadiisii xulka ahaa. Waxa jirtay in muddo sannad ka badan maalin kasta goobta shaqada aan ku qaadan jiray tababar iskugu jiray laba nooc oo kala ahaa xirfada Saxaafadda iyo waano ku wajahan in qofka suxufiga ah laga doonayo inuu ku sifoobo akhlaaq wanaag, dhexdhexaadnimo iyo fiiro-dheeri.

Waxaan arki jiray marka shir jaraa’id uu qabanayo Wasiir, Xildhibaan, Siyaasi mucaarid iyo muxaafidba, waxa dhaqan ahaa inay marti qaad u soo diri jireen wargeysyada iyo warbaahinta kaleba. Ka dibna waxa ka hor inta aan shaqada laga rawixin loo asteyn jiray cidda shaqadaas loo dirayo. Waxaan arki jiray qofka loo dirayo shirarka jaraa’id ee waaweyn ee siyaasiyiinta iyo xukuumadda oo sameyn jiray u diyaar garow oo maskaxda ku sii qaban jiray ama buug yare ku sii qoran jiray mawaadiicda ay su’aalo ka dhalan karaan.

“Waxaan idinku amrayaa in aad su’aalo waxtar leh oo xaqiiqo ah, xirfadeed oo adag aad weydiisaan siyaasiga shirkaas jaraa’id qabanaya,”ayuu ahaa aragtida Guddoomiyihii iyo Tifaftirihii MAANDEEQ, oo si maalinle ah ugu dardaari jireen suxufiyiintii wargeyskaas ka hawlgeli jiray.

Waxa xusid mudan in shirka jaraa’id ee madaxweynaha ama madaxweyne ku-xigeenka ama siyaasi weyn oo mucaarid ah marka ay hadlayaan, waxa Hay’adaha warbaahintu u diri jireen suxufiyiinta waaweyn. Tusaale ahaan marka Madaxweynuhu shirjaraa’id qabanayo waxa noo tagi jiray sida badan Muuse Aadan Yuusuf iyo Mustafe Shiine, wargeyska Jamhuuriya waxa iyagana uga qaybgali jiray Faysal Cali Sheekh iyo Xasan Siciid Yuusuf oo Guddoomiye iyo Tifaftire ka ahaan jiray. Waxay dhammaantood madaxweynaha waydiin jireen su’aalo maangal ah oo aad u adag, isaguna uu uga jawaabi jiray si waafiya. Idaacada Radio Hargeysa iyo Muuqbaahiyihii u horeeyay waxa laga sii dayn jiray shirarka jaraa’id oo xataa su’aalihii la socdaan.

Shirka jaraa’id, waxa khasab ahaa oo siyaasiga ama masuulka qabtay uu hadalkiisa ku bilaabi jiray warbixin yar oo kooban oo uu faahfaahin jiray ujeeddadiisa, ka dibna waxa suxufiyiintu ka haqab beeli jireen inay waydiiyaan su’aalo aad u badan wax ku oolna ah oo hadafkoodu ahaa “Lafta jabi xaragana ha ka tagin.” wax kasta qofka waa la su’aali jiray waxase suxufiyiintu u dhigi jireen si asluub leh oo togan. Waxase macruuf ahayd in wakhtiyada qaar in qofku hadalkiisa ku bilaabi jiray inuu ka afeefto inaan wax su’aalo ah la weydiin, balse suxufiyiintu way sheegi jireen markay qorayaan ama baahinayaan warkaas in aan su’aalo la weydiin.

Haddaba, marka la baahinayo shirkii jaraa’id may dhici jirin in hadalka qofku yidhi oo kaliya la qoro ee waxa daruuri ahaa in la la raaciyo su’aalihii la weydiiyay si bulshada loogu gudbiyo wax xiiso badan oo dheelitiran. Waxaan garanayaa iyadoo weriyaha aan su’aalaha qorin Tifaftiruhu ganaaxo ama canaanto.

Wakhti xaadirkanse, tallow ma jiraan in saxaafadu qofka cusub ee ay qaataan waxna baraan, kuna wacyigeliyaan inuu ilaaliyo karaamada saxaafadda oo akhlaaqiyaadka qofku kow ka yahay, waxna baraan? Waxa kale oo is weydiin leh saxaafadii xilligaas shaqeyn jirtay Somaliland waxay ahaayeen qaar aad u bisil oo waxna barta, waxna dhegaysta. Goorma ayaa inoogu dambaysay wargeys qora su’aalaha shirarka jaraa’id. Markii la arkay kala daadsanaanta suxufiyiinta siyaasiyiintu waxay meesha ka saareen su’aalihii la weydiin jiray, waxaanay shirarka Jaraa’id ee macnaha lahaa u bedaleen mid farriintooda oo kaliya laga soo qaado oo laga yaabo sida qaalibka ah inaan wax su’aalo ahba laga weydiin mowduucyada culus ee ay ka hadleen.

Waxa lama huraan ah in Hay’adaha warbaahinta sida Telefishannada, Wargeysyada iyo shabakadaha Internet-kuba ay dib isugu noqdaan oo ka fiirsadaan inay soo celiyaan dhaqankii suubanaa ee suxufiyiintii waaweynayd jideeyeen siyaasiyiintana ku cadaadiyaan inay aqbalaan in waxay sheegayaan wax laga weydiiyo.

Waxaan ku soo khatimayaa in shirarka muhiimka ah loo diro suxufiyiin waaweyn oo xog cusub dibada u soo saari kara oo yoolka saxaafaddu noqdo sidii Abwaan Gaariye ku sharraxay Maansadiisii Cosob ee ahayd:

“Codkii dadka baahan

Caroogga Saboolka,

Adduunka ku Ciillan

Anaa Cudha Haysta.

Anaa Cabdillaahi

War-geys u ah Caydha.

Caloosha Danleeyda,

Anaa Cabbiraaya.

Anaa Carrabkayga

Xammaalku Cabbaayo,

u Diiday Cir-weyne”

By:— Cumar Maxamed Faarax

Somaliland waxay ku qurux badan tahay wada tashi iyo is qancin! W/Q: Axmednur Maxamuud Khalif.

 

Tani iyo markii somaliland ku dhawaaqday in ay madax banaanideedii kala soo noqotay dawladii somaaliyeed waxay ku caano maashay is maqal iyo isku tanaasulid ku salaysan waayo aragnimadii laga soo dhaxlay rajimkii hore ee cadaadis iyo cadaalad la,aan ku bur,buray. Tani waxay somaliland u ahayd fursad ay mar labaad kula soo noqotay xornimadeedii iyo in la sameeyo somaliland sharcigu ka sareeyo qofkasta oo muwaadin ah. Hadii u yahay madax iyo hadii u yahay danyarta in si siman u wada helaan nimdaam shirci oo aan ku dhisnayn kala saranayn lakiin ku qotoma shuruucda dalka u yaala oo muwaadiniinta somalilaan si isku mid ah u damaanad qaaday sharaftooda, hantidooda , iyo xuquuqdooda in la ilaaliyo iyaga oo dhamaantood aan lo eegayn gobalka ama dagmada muwaadinku ka soo jeedno hase yeeshee waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey soo if baxaayey in qaybo inaga mid ahii ay ku tumanayaan dastuurka jamhuuriyada somalilaan oo ay siyaabo khaldan u adeegsanyaan si ay qacantooda ugu dhigaan awoodo badan oo ayna xaq u lahayn.Arintani hadii ay sii socoto waxay sobabi kartaa in bulsho weynta somalilaan ay ku rido is aaminaad la,aan soo kala dhex gasha hadii arimahaa moranku ka taaganyahay si fiican loo maarayn waayo. Hadaba si aan taasi ugu badbaadno waxay somalilaan u baahantahay hogaamiye aragtidiisu dheertahay oo dantiisa ka soo hor mariya danta danyarta iyo ta guuud oo ku qotanta qorshe himiladiisu ku astaysantahay hormar iyo la xisaabtan dhab ah oo bulshadan ka saari kara duruufaha adag ee ku xeeran nolashooda oo aan u baahnayn hadal ama tiraab si fudud afka loga yidhaahdo.

Muwaadinkast inaga mid ahi wuxu ku taamayaa in u arko somalilaan la wada leeyahay oo ayna cidi , cid ka xigin lakiin tani waxay iman kartaa marka aynu helo hogaamiye daacad ah oo gabi ahaanba meesha ka saara laxisaabtan la,aanta iyo mogaanta bulshadu kala kulanto madaxdooda.

Umadani waxay haraad wayn u qabtaa in laga xoreeyo qabyaalada iyo u nuglaanshaha xaqdarada si ay xuquuqdooda u dufaacan karaan markasta oo ay la kulmaan dhacdooyinka lidiga ku ah jiritaankooga .

Hadal iyo dhamaantii hadii umadeenu intaasi garato dalkani wuxu gaadhi doonaa barwaaqo iyo himiladii la raadinaayey in ka badan lix iyo labaatan sano oo ilaa iyo hada aynu haybinayno.

DACWAD WAXAAN KA IDHI MASAAKIINTA AAN CIDI U JUUQAYNIN!!!!

Sidaynu lawada socono dalka waxaa ka tagaan saddex masiibo oo kala daran oo midiba mida kale ka daran tahay, saddexdan masiibo ayaan doonayaa inaan mid mid u falanqeeyo hadii ilaahay idmo waxaanay kala yihiin sidan hoos ku taala.

  1.   Masiibada koowaad ee umada haysaa waa abaabaraha oo mudo laba sano ah wadankeena haysta isla markaana galaaftay xoolo fara badan haatana waxay maraysaa in dadkii haraad iyo macaluul u dhintaan, ilaahay ayaan ka baryeynaa inuu isgaa qaadiree inaga soo jabiyo abaarahay waayo gacanta ilaahay ayuunbaa lagu baahi baxaa gacan bini aadam waxba tari mayso.

Dhinaca kale dadka reer miyiga ah oo abaaruhu halakeeyeen waxaa u raacday dhoofka xoolaha nool oo ahaa isha dhaqaale ee guud ahaan dalka ayaa la joojiyey taasi oo si weyn u saameysay bulsho aad iyo aad u fara badan oo miyi iyo magaalo bal eh.

  1. Masiibada labaad ee iyana in dhaweyd ba ina haysatay waa sixir bararka oo isna cagta mariyey ama saameyn weyn oo taban ku jeeshay dadka danyarta ah guud ahaan, sixir bararkan oo ay sababeen dhawr waxyaabood oo ay ugu weyntahay hoos u dhaca shilinka soomaaliland iyo kor u kaca dollarka.Tani waxay timid ka dib markii xoolaha dhoofkooda la joojiyey kuwaasi oo dabcan uu dollar fara badani inaga soo gali jiray, waxaa kale oo yaraatay lacagtii dollarka ahayd ee iyana inaga soo gali jirtay dibada ee ay dadkeena dibadaha joogaa soo dhigi jireen xawaalahadaha.Dhinaca kale waxaa intii yarayd ee hadhayna isasii hamba raacshay lacagta inagaga baxda qaadka oo laga dhigay dollar kadib markii dawlada itobiya u baahatay lacag adag ayaa waxay soo rogtay in lacagta qaadka ay ku qaadato dollar taasina waxay noqotay ka daroo dibi dhal.
  2. Masiibada sadexaad oo aan odhan karo waa tan ugu daran waa dawlad xumada ina haysata taasi oo tahli kari weysay inay maarayso ama wax ka qabato dhamaanba masiibooyinkaa aynu sare ku xusnay ee dadkeenii miyi iyo magaalaba halakeeyey.Dawladu waxay tahli kari wayday inay wax ka qabato oo usii weel samaysato masiibooyinka dabiiciga ee ay abaartu kow ka tahay, waxay dadkeeda u samayn kari wayday biyo xidheeno waaweyn iyo riigag kuwaasi oo hadii maamul wanaagsan oo daacad ah la helo ay yartahay lacagta ku baxaysaa, iyadoo taa ka soo hor jeedkeeda ay dawladu arrimaha qabyaalada iyo danaha gaarka ah ku bixiso malaayiin lacag ah.Geesta kale dawladu waxay ku guul daraysatay inay sixir bararka wax ka qabato iyadoo la yaqaana wakhtigan xaadirka ah halka ay furtu ku godan tahay oo ah in gabi ahaanba la joojiyo lacagta dollarka ah ee qaadka lagu qaato ee aada dhinaca itoobiya,isla markaana ay ka shaqaysiiso baanka dhexe ee dawlada kaasi oo hadii sidii uu ahaa looga shaqaysiiyo wax badan ka qaban kara sixir bararka.Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mid ah in ay dawladu tidhaa sixir bararka waxaa sabab u ah zaadka taasi oo runtii aanay waxba ka jirin runtuna hada way cadaatay.

    Guntii iyo gaba gabadii waxaan dawlada u soo jeedinayaa inaanay iska indho tiring xaqiiqada horteeda taala oo aanay ku warwareegin meelo aanay waxba ka jirine dadkeeda ay badbaadiso, waayo cida dawlad lagu yahay waa dadweynaha cida codka laga rabaa waa dadweynaha kuwa aad ku faantaan waa dadweynaha sidaa awgeed waa inaad sidan dadka u dhaantaan ood masaakiintiina il dheer ku eegtaan ood iska daysaan qabyaalada iyo qudhunka aad malaayiinta dollar ku bixinaysaan.

ALLAA KAHAD LEH
WW/Q: JAMAAL CABDILAAHI (ABU CIZA)