Kaafi News

Dalka Australia: Siyaasigii Tobnaad Oo Xilkiisa Ku Waaya In Labo Baasaboor Uu Haysto

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Australia ayaa noqday siyaasigii 10 ee xilkiisa waaya ka dib markii la ogaaday in uu labo dhalasho ama laba baasaboor haysto.

Xildhibaan David Feeney ayaa sheegay in uu is casilayo ka dib markii uu awoodi waayay in uu caddeeyo in uu ka tanaasulay muwaadinimada UK.

Sanadkii aanu soo dhaafnay 9 siyaasi ayaa xilka laga qaaaday ka dib markii la ogaaday in ay laba dhalasho haystaan, inkastoo lab ka mid ah markii danbe dib loo soo celiyay ka dib markii mar kale la soo doortay.

Qofka haysta labo dhalasho looma ogola dalka Australia in uu kursi baarlamaan u istaago.

 

Mr Feeney ayaa sheegay inkastoo uu ka tanaasulay dhalashadiisii UK uu hadana caddayn waayay arrintaasi.

“Waan awoodi waayay in aan beeniyo in aan laba dhalasho haysto,” waxa sidaasi maanta u sheegay wariyayaasha Mr Feeney.

Arrintan la xiriirta labada dhalasho ayaa ruxaysay siyaasada Australia tan iyo bishii July ee sanaddii aanu soo dhaafnay waxa ayna xitaa halis galisay aqlabiyada ay dowladda ku leedahay baarlamaanka dhexdiisa.

 

source bbc

Halkan Kaga Bogo:- Habsami socodka 10 Maalmood oo diiwaangelin Shaqaale ah iyo Diiwaangelinta 11 Xarumo Dawladeed + Gudoomiya Sharmaake Geele Oo Soo Bandhigay Waxyaabo Badan Oo Khuseeya Haayada Shaqaalaha

Hargaysa(Kaafinews)Muddo laga joogo 10 maalmood ayaa si rasmi ah loo bilaabay diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa iyada oo wejiga labaad loo sii gudbi doono gobollada iyo degmooyinka kele ee dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray hawshaas diiwaangelinta isaga oo madaxweynuhu ka hadlay ujeeddada ay xukuumaddu ka leedahay oo ah in la helo tirada iyo xogta rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda isla markaana la qorsheeyo sidii loo tayayn lahaa.

Haddaba muddo toban cisho ayay hawlwadeennada hay’adda shaqaalaha dawladda iyo Khubarada kala shaqaynaya hawshaasi ay si fiican u wadeen diiwaangelinta laga soo bilaabo 7da subaxnimo ilaa 2da duhurnimo oo aan kala go’ lahayn. Muddadaas 10 ka maalmood ah waxa la diiwaangeliyay shaqaalaha xarumaha kala ah:

1. Madaxtooyada
2. Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
3. Mac-hadka Shaqaalaha Dawladda
4. Wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
5. Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga
6. Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyaynta
7. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga
8. Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
9. Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
10. Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
11. Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta (Oo maanta la bilaabay)

Maalmaha soo socdana waxa aanu rajaynaynaa in la dhamaystiro inta hadhay xarumaha wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan.

Waxa intii hawsha diiwaangelintu socotay waxa si hufan oo loo hubinayay magacyada, shahaadooyinka iyo kaadhadhka aqoonsiga si loo hubiyo in uu qofku yahay muwaadinkii hore u helay shaqada. Waxa kele oo muddadaas tobanka cisho ah soo if-baxayay tiro shaqaale ah oo ilaa hadda aan la hayn meel ay ku sugan yihiin horena ugu jiray xaashida mushahar bixinta dawladda. Sidaas si la mid ah waxa soo baxay dad ku mushahar qaadanayay darajo aany u qalmin halka qaar kelena ay ku mushahar qaadan jireen darajo aanay xaq u lahayn aqoon ahaan, xirfad Ahaan iyo waayo-aragnimo ahaan midna.

Marka hawsha madaxtirintu dhamaato waxa halkaas ka abuurmi doona shaqo abuur iyo dib u sixid xagga darajooyinka ah.

Diiwaangelinta waxa kale oo garab socotay booqashooyin kedis ah oo hawl-wadeenno ka tirsan hay’adda shaqaaluhu ay ku tegayeen wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan ee kala duwan si loo hubiyo in shaqaalaha u diiwaangashani ay shaqada ku jiraan iyo in kele.

Waxa sidoo kale iyaguna jiray booqashooyin kuwaas ka duwan oo qaar ka mid ah hawl-wadeennadu ay kulamo kula yeelanayeen Agaasimayaasha guud iyo agaasime waaxeedyada cududda shaqaalaha iyo maamulka iyaga oo waraysiyo ku saabsan shaqaalaha ay halkaas ula yeelanayeen, taas oo qayb ka ah hawshan tirinta iyo tayaynta shaqaalah ee socota.

Waxa aanu u mahadnaqaynaa masuuliyiinta dawladda iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda sidii wanaagsanayd ee ay noola shaqeeyeen intii hawshaasi ay socotay. Waxa kele oo aanu mahadnaq u jeedinaynaa hawladeennada gacanta ku haya diiwaangelinta ee sida hagar la’aanta ah ugu shaqaynaya dalkooda iyo dadkooda.

Wejiga labaad ee diiwaangelintu waxa uu noqon doonaa gobollada iyo degmooyinka dalka taas oo si rasmi ah loo shaacin doono xilliga uu bilaabmayo iyada oo wasaarad iyo hay’ad kastaba halkeeda loogu tegi doono oo lagu soo diiwaangelin doono.

 No automatic alt text available.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: one or more people, people sitting, crowd and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 10 people, people sittingImage may contain: one or more people, people sitting and laptop

Dag Dag Daawo Suldaan Maxamed Cabdiqadir Oo Digniin Culus Udiray Salaadiin Sheegay Inuu Shirkii Uu Suldaanku Joojiyay Waqtigiisii Ku Qabsoomayo

Hargaysa(kaafinews) daawo suldaan maxamed cabdiqaadir o digniin culus udiray qaar kamida salaadiinta dalka

Daawo muqaal:-Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Oo Ku Baaqday Kulan Wayne Laga Hadlayo Qaranimada Somaliland

Hargaysa(kaafinews) daawo madasha wada tashiga somaliland oo ku baaqday kulan wayne lagaga hadlayo arimha somaliland

Daawo muqaal:-Goob Dawlada Hoose Ee Magaalada Burco Banaynaysay Oo Khilaaf Ka Dhashay+In Ka Badan Shan Ruux Oo Dhaawacyo Soo Gaadheen

Burco(kaafinews) daawo khilaaf ka dhashay dhul dawlada hoose banaynaysa oo khilaaf ka dhashay iyo in ka badan shan ruux oo ku dhaawac may

Daawo muqaal:-Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Lahadlay Warbaahinta+Qodobo Xaasaasiya Oo Uu Ka Hadalay

Hargaysa(kaafinews) daawo wasiirka arimaha dibada somaliland oo ka hadlay arimo door ah oo xaasaasiya

Daawo muqaal:-Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Digniin Culus Udirtay Salaadinta Dalka

Hargaysa(kaafinews) daawo wasiir kuxigeenka arimaha gudaha  somaliland oo digniin udiray salaadiinta dalka

Daawo muqaal:-Badhasaab Ramaax Oo Sheegay In Xilalka Kala Duwan Ee Gololada Dalka Uu Kasoo Qabtay Uu Kunoqday Macalin Bulshada Aad Ukala Yaqaan

Hargaysa(kaafinews) daawo badhasaab ramaax oo ka hadlay xilka loo magacaabay

Daawo muqaal:-Xoghayihii Dawlada Hoose Oo Xilkii Laga Qaaday+Xoghayii Xilka Laga Qaaday Oo Sheegay In Looga Qaaday Xilka Sifo Sharci Daro Ah

Hargaysa(kaafinews) daawo xoghayihii dawlada hoose ee hargaysa oo xilka laga qaaday kusheegay sharci daro

Daawo muqaal:-Wasiirka Horimarinta Maaliayada Somaliland Oo Shaaciyay In La Dhiamay Kharasga Dawlada+Badalkeedana Sheegay In Lakobcinayo Kaabayaasha Dhaqaalah

Hargaysa(kaafinews) daawo wasiirka horimarinta maaliyada somaliland oo shaaciyay in la dhimay kharashka dawlada