Kaafi News

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Loogu Diyaar garoobayo Doorashooyinka Wakiillada Iyo Deegaanka La Qaatay Maayirrada Iyo Badhasaabadda Dalka.

Hargeysa-(Kaafinews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan loogu diyaargaroobayo, laguna dardargelinayo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee badhtamaha sannadkan qorshaysan la qaatay badhasaabadda iyo maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka.
Kulankan oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, islamarkaana ay qayb ka ahaayeen madaxda wasaaradda arrimaha guduhu, ayuu madaxweynuhu ku daah-furay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo salka ku haysa muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu ka diyaar garowdo doorashooyinka soo socda, shuruucda doorashooyinka loo dhigayna ku ilaaliso cid kasta oo masuuliyad ummadeed haysa, damacna kaga jiro inay mar kale isa soo sharraxdo.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn shaaciyey in qaranku gelayo doorasho uu dhaqaaleheeda iyo fikirkeedaba u madax-bannaan tahay oo ay ku filnaatay, islamarkaana baahi badan loo qabo in wada-jir looga wada hawlgalo abuurista jawi ku habboon in doorashooyin hufani dalka ka qabsoomaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay inay xukuumadda dhexe ka go’an tahay sidii ay hantida qaranka uga ilaalin lahayd in loo isticmaalo ololeyaasha doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, maayarrada sharraxanina ay ula sinnaan lahaayeen murrashixiinta kale ee aan gacanta ku haynin xil qaran, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxa inagu waajib ah haddii aynnu dawladda dhexe nahay inaynu ka ilaalino qofka doorashada gelayaa wixii qaranka inuu u isticmaalo qof kale, markaa ninkii tartanka gelayaa ama maayar ha ahaado ama Baarlamaan ha ahaadee mar haddii uu doorasho gelayo wuxuu la sinmayaa walaalladiisaa uu doorashada la gelaayo, xagga awoodda hantida iyo awooddii uu lahaaba.”
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in xaaladda kala-guurka ah ee la gelayo xilligan doorashooyinku soo socdaan, ay badhasaabadda gobolladu masuul ka noqon doonaan ilaalinta shuruucda doorashooyinka iyo dhawrista xuquuqda murrashixiinta,“Mar haddii kala-guur la gelaayo masuuliyadda koowaad dawladda dhexe ayey saaran tahay, markaa waxa la rabaa ninkii murrashaxa ahaa haddii uu Baarlamankii yahay iyo haddii uu dawladihii hoose yahay, laba xaq baa lagu leeyahoo isaga in xaqiisa la ilaaliyo, isaguna ninkii awood hayey marka uu murashax yahay inuu awooddii ula sinnaado kuwa kale, dawladda dhexaana laga rabaa inay taas ku ilaaliso, gobollada waxa ka wakiil ah badhasaabadda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu baaqay cid kasta oo hunguri ka hayo inay isu sharraxdo doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka inay xil weyn iska saarto ilaalinta shuruucda doorashooyinka, amniga iyo wada-jirka bulshadana dhawraan.
Wa-bilaahi Tawfiiq

Shirkadda Socdaalka ee Sacaada Bus oo abaal-marisay Shaqaalaheeda ugu Wax-qabadka badnaa sannadkii 2020

Hargaysa(kaafinews) Shirkadda Socdaalka ee Sacaada Bus ayaa maagaalada Hargeysa ku qabatay Xaflad-sannadeedka abaal-marinta Shaqaale-weynaha shirkadda taas oo si gaar ah loogu maamuusay shaqaalihii ugu wax-qabadka badnaa sannadkii 2020-kii.

Baarlamanka Somaliya Oo Dib U Ceilyay Ra’isul Wasaare Rooble Oo Doonayay Inuu Xildhibaannada Hadal U Jeediyo.

Hadal jeedin la filayay in maanta uu Golaha Shacabka Soomaaliya ka jeediyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaqatay kaddib markii xildhibaannada ay ka cudur daarteen inuu hor imaado Ra’iisul Wasaaraha.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka ka jeediyo khudbad uu uga warbixinayo boqolkii maalmood ee ay xukuumaddiisa jirtay.

Hase yeeshee mudaneyaasha ayaa sheegay in sida sharciga ah la doonayo in Ra’iisul Wasaaraha Warbixintiisa uu soo gudbiyo 24 saacadood ka hor inta uusan baarlamaanka imaanin, taasina aysan dhicin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Mursal, ayaa ugu dambeyn sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu baarlamaanka imaan doono maalinta Arbacada ah.

xigasho bbc somali

Maxaa Ex Madaxwayne Trump Loogu Diiday Arrin Madaxdii Ka Horaysay Loo Oggolaaday?

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa sheegay in madaxweynihii xilka uga horreeyey ee Donald Trump ay habboon tahay in aanu helin warbixinnada sirdoonka ee dalkaas “habdhaqankiisa oo xun” awgiis.

Dalka Maraykanka ayaa waxaa caado ka ah in Madaxweyneyaashii hore la siiyo xog iyo warbixinno dhanka sirdoonka ah oo la xiriira ammaanka dalka.

Hase ahaatee madaxweyne Biden oo ka jawaabayey su’aal ay waydiisay warbaahinta CBS News oo ahayd in Donald Trump uu heli doono warbixinnadaas iyo in kale ayuu ku jawaabay: “u malayn mayo”. Wuxuuna intaas ku daray in “Habdhaqanka Trump” awgiis aan lagu aamini Karin xogta sirta ah ee qaranka.

“Uma maleynayo inay jirto baahi loo qabo inuu helo warbixin sirdoon,” Mr Biden ayaa ku yiri wareysigiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu noqday madaxweynaha.

Wuxuu ka gaabsaday inuu ka fekero waxa cabsidiisa ugu xun ay noqon doonto haddii Mr Trump loo ogolaado inuu arko warbixinno sir ah, laakiin wuxuu soo jeediyay in madaxweynihii hore aan lagu kalsoonaan karin inuu macluumaadka qarsoodiga ah ogaado

“Qiimahee ayaa siinaya isaga warbixin kooban oo sirdoon ah? Saamayn intee le’eg ayuu ku leeyahay gebi ahaanba, marka laga reebo xaqiiqda ah in uu bixin karo oo kale marka la eego” Ayuu yiri Mr Biden.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horreysay ee madaxweynihi hore looga reebay dhaqankii ahaa in loo oggolaado inuu sii wado helitaanka warbixinnada, sida uu sheegayo wargeyska New York Times.

Toddobaadyo ka dib doorashadii madaxweynaha ee dhacday 3dii Nofembar, Mr Trump laftiisa ayaa dhaqankaas jebiyey isaga oo ku guuldaraystay in uu ku daro ninkii ka guulaystay xog warinta amniga iyo sirdoonka.

Mr Trump ayaa se n aakhirkii wuxuu ogolaaday howsha kala guurka rasmiga ah inay dhacdo, laakiin maamulkiisa ayaa wali lagu eedeeyay inuu hor istaagay Mr Biden inuu helo xogaha sirdoonka.

Mr Trump wuxuu la dagaallami jiray xerta sirdoonka muddadii afarta sano ahayd ee uu madaxweynaha ahaa wuxuuna soo maray lix agaasime sirdoon muddo xileedkiisa.

Wuxuu su’aal ka keenay warbixinnada wakaaladaha Mareykanka ee sheegaya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii 2016, wuxuuna weeraray taliyeyaasha sirdoonka oo uu ku sheegay inay “aad u dhaafsan yihiin oo ay u caqli xun yihiin” Iran.

Sannadkii 2017, wuxuu shaaca ka qaaday macluumaad aad u heer sare ah wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka oo ku saabsan hawlgallada dowladda Islaamiga ah taas oo loo arkay in lagu jabiyay kalsoonida in badan oo ka mid ah bulshada sirdoonka Mareykanka.

Intii lagu guda jiray wareysigiisa CBS, Madaxweyne Biden waxaa wax laga weydiiyay kiiska maxkamadeynta ee Mr Trump uu wajahayo ee ku saabsanoorkii uu ku lahaa rabshadihii ka dhacay Capitol ee Washington 6dii Janaayo.

Mr Biden wuxuu yiri “wuxuu u orday sidii cadaab si uu uga adkaado” Mr Trump doorashadii “maxaa yeelay waxaan u maleynayay inuusan u qalmin inuu madaxweyne noqdo”, laakiin wuxuu ka tagi doonaa golaha guurtida si ay go’aan uga gaaraan in Jamhuuriga laga hor istaagayo inuu waligiis qabto xafiiska dadweynaha.

xigasho bbc somali

“Xalka Doorashada Baarlamaanka Ayaa Keeni Doona” Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa faahfaahiyay waxyaabaha madaxweynaha uu kala hadlayo xildhibaanada.

Wuxuu sheegay in kulanka looga hadlayo hanaanka doorashada balse aanan looga hadleyn muddo kororsi.

“Waxaa laga hadlayaa waa doorasho goormaa la qabanayaa halka looma fadhiyo muddo kororsi wax la yiraahdo”

“Ajanadaha maanta waxaa waaye qodobka 90 ee dastuurka kumeel gaarka ah madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya wuxuu u ogolaanayaa Golaha Shacabka mar walbo in uu la hadli karo”

.

Wuxuu dhanka kale sheegay in kulanka maanta uusan aheyn mid wadajir ah balse madaxweynaha uu la hadli xildhibaanada Golaha Shacabka isla markaana ay ka shaqeynayaan sidii xal loogu heli lahaa ismari-waaga ku saabsan doorashada.

“Golaha Shacabka diyaar uma aha khilaafka in uu kamid noqdo wuxuu diyaar u yahay xalka mar walbo in uu qeyb ka ahaado”

“Kulanka waa kulan Golaha Shacabka kaliya ah uu leeyahay waaye, warbixinna waxaa laga dhageysan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”

xigasho bbc somali

Deg Deg Militariga Myanmar Oo Xidhay Khadkii Internet-ka Ee Dalkaas.

Saraakiisha militariga ee Myanmar ayaa xiray khadka internet-ka ee dalkaas kaddib markii kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen mudaharaadkii ugu ballaarnaa ee looga soo horjeedo afgambigii Isniintii dhacay.

Dadka isugu soo baxay waddooyinka magaalada Yangon, ayaa ku dhawaaqayey “kaligii-taliska militarigu, ha dhaco, ha dhoco; dimuqraadiyaddu, ha guulaysato, ha guulaysato”.

Booliiska rabshadaha ka hor taga ayaa xiray waddooyinka waaweyn ee dhex mara bartamaha magaalada.

Xiritaanka internet-ka ayaa yimid saacado uun kaddib markii militarigu ay xireen baraha ay bulshadu kuwada xiriirto ee Twitter iyo Instagram si dadka looga joojiyo in ay is abaabulaan. Facebook-ga ayaa asna la mamnuucay maalin ka hor.

xigasho bb somali

Xisbiga Waddani Oo Ka Warbixiyey Qaabka Ay U Xulayaan Musharaxiinta Ku Matalaya Doorashooyinka.

Hargaysa(kaafinews) Xisbiga Waddani Oo Ka Warbixiyey Qaabka Ay U Xulayaan Musharaxiinta Ku Matalaya Doorashooyinka.

Xuska Maalinta Joojinta Gudniinka Fircooniga Oo Hargaysa Lagu Qabtay

Hargaysa(kaafinews) Xuska Maalinta Joojinta Gudniinka Fircooniga Oo Hargaysa Lagu Qabtay

“Xidhiidhka Afrika Iyo Mareykanku Waa Uu Soo Noqonayaa” Madaxwayne Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu balan qaaday inuu dib u dhisi doono wadashaqeyntii dalkiisa uu la lahaa Midowga Afrika (AU) daqiiqado kadib markii uu jeediyay khudbadiisii ugu horeysay ee siyaasada arimaha dibada tan iyo markii uu qabtay xafiiska.

Madaxweynihii isaga kahoreeyay, Donald Trump, ayaa waxa uu dhaliyay khilaaf sanadii 2018 ka dib markii la sheegay inuu adeegsaday erayga “shit hole” oo ah eray cunsuri ah oo uu ku tilmaamay dalalka Afrika.

Mr Trump ayaa markii dambe beeniyay inuu cunsuri yahay.

Malinkii Jimcaha ayay ahayd markii barta Twitter-ka ee aqalka cad lasoo dhigay Muqaal uu Madaxweyne Biden uu u jeediyay guddiga qaaradda ka hor shir madaxeedka 34aad ee Midoowga Afrika. Waxaa uuna yiri

”Maamulkeyga waxaa ka go’an inuu dib u dhiso iskaashiga adduunka oo dhan iyo inuu dib ula macaamilo hay’adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika”.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sidookale sheegay in sanadka dambe uu ka soo qayb geli doono shir Madaxeedka Midoowga Afrika.

”Waa inaan ka hor tagnaa caqabadaha halista ah ee na soo food saaray. Taas waxaa ka mid ah maal-gelin dheeraad ah oo lagu sameeyo caafimaadka adduunka, in aan ka hortagno oo aan ka adkaano cudurka safmarka ee ‘Covid-19’ iyo sidii aan u ogaan lahayn islamarkaana ka jawaabno dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka, iyo in iskaashi la sameeyno xaruunta ka hortagga cuduradda ee Afrika iyo hay’adaha kale si loo horumariyo amniga caafimaadka”.

Wuxuu sheegay inuu la shaqeyn doono dadka Afrikaanka ah si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, iskuna dayo in khilaafaadka lagu dhammeeyo si diblomaasiyadeed iyo kor u qaadista xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, kuwaas oo si joogto ah loogu dhibaateeyo Afrika.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in arrimahan uu ka hadlay midkoodna aysan noqon doonin wax fudud, laakiin wuxuu sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay inay Afrika wax wada qabsadaan.

Maamulka Biden ayaa u muuqdo mid ahmiyad gaar siini doono qaarada Afrika iyadoo xiriirka Maraykanka iyo Afrika uu ahaa mid aan cago adag ku taagnayn afartii sano ee la soo dhafay ee Donald Trump uu xilka haayay.

xigasho bbc somali

Deegaanka Bidhaan Qurux Oo Dad Danyar Ah Daawayn & Baadhis Caafimaad Loogu Sameeyay.

Hargaysa(kaafinews) Deegaanka Bidhaan Qurux Oo Dad Danyar Ah Daawayn & Baadhis Caafimaad Loogu Sameeyay.