Kaafi News

Deegaanka Bidhaan Qurux Oo Dad Danyar Ah Daawayn & Baadhis Caafimaad Loogu Sameeyay.

Hargaysa(kaafinews) Deegaanka Bidhaan Qurux Oo Dad Danyar Ah Daawayn & Baadhis Caafimaad Loogu Sameeyay.

Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ka Dayriyey Xaalada Biyo la’aaneed Oo Soo Wajahday Gobolkaasi.

Burco(kaafinews) Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ka Dayriyey Xaalada Biyo la’aaneed Oo Soo Wajahday Gobolkaasi.

Odayaal iyo Wax Garad Cabasho Ka Muujiyey Maamulka G.Togdheer Ayaa Baaq Udiray Madaxweynaha Somaliland

Burco (kaafinews) Odayaal iyo Wax Garad Cabasho Ka Muujiyey Maamulka G.Togdheer Ayaa Baaq Udiray Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad-Guurada 27aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

Hargeysa(kaafinews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay sannad-guuradii 27aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka militeriga Somaliland oo lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu kormeer kooban oo shaqo kusoo maray xerada ciidanka militeriga ee Bir-jeex oo uu kuyaalla cusbitaal qalabaysan oo ciidanku leeyahay, isaga oo cutubyo katirsan ciidanka qarankana salaan sharaf kaga qaatay xarunta taliska guud ee ciidanka oo uu uga sii gudbay goob si weyn loo qurxiyey oo loo asteeyey xuska munaasibadda sannad-guurada 27aad.
Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey xuska sannad-guuradan, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (fariid), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga, dalxiiska iyo wershadaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, taliyaha ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, dhammaanba taliyayaasha ciidamada kale ee dalka, xildhibaanno, siyaasiyiin, saraakiil iyo diblomaasiyiin ka socda dalalka deriska iyo waddamada kale ee Somaliland xidhiidhaka la leh, madax katirsan saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Ugu horrayn Kooxda fanka Gaashaan ee ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu horrayn munaasibadda ku ibo-furay masraxiyad waddaniyadeed la magac baxday DAWLADNIMO WAA SHARAF, taasoo ka turjumaysay kaalinta miisaanka leh ee ay ciidanka qaranku kaga jiraan dhismaha dawladnimada, islamarkaana si weyn usoo jiidatay shucuurta madaxdii munaasibadda ku sugnayd.
Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si guud u hambalyeeyey ciidanka militeriga dalka, waxana uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen ciidanka militerigu, dhibtii qaranku usoo maray dhismahooda iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameeyeen muddadii ay jireen.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiqani Maxamuud Xaateeye, ayaa isaguna dhinaciisa hambalyo iyo duco u diray dhammaanba ciidanka militeriga ee dalka, waxana uu ciidanka ku tilmaamay tiirar halbawle u ah dawladnimada, islamarkaana ay tiir-dhexaad u yihiin inuu qaranku gaadho himilooyinkiisa iyo yoolalkiisa muhiimka ah, waxana uu yidhi, “Ciidanka qaranku 27-kaa sannadood iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, waxay ahaayeen kuwo ku astaysan naf-hurid, guulo is daba-joog ah, ilaalinta iyo difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana farxad ii ah in ciidanka qaranku ay xaqiijiyeen qodobbo ku xusan qorshaha horumarinta qaranka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna taliyaha guud ee ciidanka qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hambayo qaran u diray dhammaanba ciidamada kala duwan ee militeriga, waxana uu sheegay inuu shacabku gaadhay heer uu naf-hurnimada, dal-jacaylka iyo waddaniyadda kaga daydeen ciidamada qaranka, taasina ay tahay inay abaalkii ciidanka qayb kamid ah soo celinayaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“In badan waxa la isku raacaa ciidanka qaranku abaalka uu dalkiisa u galay cid gudi jirtaa ma jirto, waa dhab, waayo qof naftiisa huray waxa loogu abaalgudaa waa naf loo huro uun, laakiin abaalkooda kolba in baa la gudaa, maantana waxan leeyahay shacabka Somaliland dhammaantii in badan oo tallaabooyin horumar ah oo abaalkii aad u gasheen ah buu soo celiyey, abaalkuna ma aha lacag iyo Adduune waa wixii aad garateen ee isu xilsaarteen haddii aad ciidamada oo dhan tihiin ee ahaa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ammaan ah oo nabad ah sidii loo heli lahaa, ayaanu nafta u huraynaa, qaranku maanta wuxuu qaatay inuu dhammaantii tallaabadiinnii qaato oo isaguna nafta huro.”
Madaxweynuhu waxa uu si mug leh u ammaanay midnimada iyo isku-duubnida shacabka Somaliland, xukuumad, mucaarid iyo muxaafidba iyo sida ay meel uga soo wada jeedaan horumarka qarankooda iyo danahooda guud ahaaneed,“Dalku wuxuu ku jiraa sannadkan maanta ah iyo kii ka horreeyeyba Somaliland oo taladiiinii qaadatay oo khilaafkii dhammaysay oo dhammaan u midowday horumarinta iyo nabadda dalka. waxa kale oo guul labaad ah in dhammaan xisbiyadii iyo siyaasiyiintii ay u midoobeen horumarinta qaranka iyo nabadda oo ay wax siyaasadda ka saareen wax alle iyo wixii xanaf, duul-duul iyo hadal qalloocan ahaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bogaadiyey go’aanka geesinimada leh ee ay golaha guurtidu ka gaadheen inay qabsoomidda xilliga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo horyaallay ku saleeyaan waqtigii ay dhawaan isugu raaceen Komishanka doorashooyinka qaranka iyo Axsaabta qaranka oo isku duubani, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid dhisaysa Dimuqraaddiyadda dalka.
Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu shacabka usoo jeediyey inay ilaashadaan nabaddooda iyo wada-jirkooda xilligan dalku doorashooyinka gelayo, kana dheeraadaan wax kasta oo dhexdooda khilaaf ku keeni kara, isaga oo dallacsiiyey 826 (Siddeed boqol iyo lix iyo labaadan) sarkaal, iyo in ku dhaw shan kun iyo shan boqol isugu jira saraakiil-ku-xigeenno iyo askar caadi ah oo katirsan ciidanka militeriga.
Wa-bilaahi Tawfiiq


Golaha Gurtida Somaliland Oo Cayimay Xiliga La Qabanayo Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka.

Hargaysa(kaafinews) Golaha Gurtida Somaliland Oo Cayimay Xiliga La Qabanayo Doorashada Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo Hanbalyo Udirey Ciidanka Qaranka sanad Guurada 27aad

Hargaysa(kaafinews)

Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL oo Hanbalyo Udirey Ciidanka Qaranka sanad Guurada 27aad

Aabaha Aroosaddii Iyada Oo Todobada Ku Jirta Lagu Dilay Qaraxii Hotel Afrik Oo BBCda Somali La Hadlay

Hargaysa(kaafinews) Aabaha Aroosaddii Iyada Oo Todobada Ku Jirta Lagu Dilay Qaraxii Hotel Afrik Oo BBCda Somali La Hadlay

Madaxweynaha Somaliland Oo Gudoonsiiyey Billado Ciyaaryahan Cabdicasiis Gacan Oo Dhaawac Kaga Maqnaa Ciyaartii Kama Danbaysta Ahayd Ee Koobka Gobolada Somaliland

Hargaysa(kaafinews)

Madaxweynaha Somaliland Oo Gudoonsiiyey Billado Ciyaaryahan Cabdicasiis Gacan Oo Dhaawac Kaga Maqnaa Ciyaartii Kama Danbaysta Ahayd Ee Koobka Gobolada Somaliland
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada Somaliland ku gudoonsiiyey billadii uu xaqa u lahaa Ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan Cumar oo ku magac dheer (Gacan) kana mid ahaa xulkii gobolka Daadmadheedh ee 16-11-2020 ku guulaystay koobkii gobolada Jamhuuriyadda Somaliland ee Kubadda Cagta oo uu maalintaasi kaga maqnaa ciyaartii kama danbaysta ahayd dhaawac culus oo ka soo gaadhay lugta midig oo uu ka jabay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ka duulaya dhiirigelinta da’ayarta dalka, kana jawaabaya codsi uu hore madaxweynaha warbaahinta u soo mariyey ciyaaryahan Cabdicasiis Aadan waxa uu maanta madaxweynuhu gudoonsiiyey laba abaalmarinood oo kala ah ciyaartoygii ugu fiicnaa ciyaaryahanadii xulka gobolka Daadmadheedh oo loo doortay isaga, iyo Billad sharaftii ciyaaryahanadii isugu soo hadhay kama danbaysata koobka Gobolada Somaliland oo madaxweynuhu maanta qoorta u sudhay ciyaaryahanka sidoo kalena uu u saxeexay garanka uu u xidho xulkiisa gobolka Daad-madheedh.
Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinayey wasiirrada wasaaraddaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed, Tamarta iyo Macdanta, Mudane Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbul xaakimka kulmiye, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale)
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Wasiirka Gaadiidka Oo Soo Gebogebeeyey Waxqabadkii 2020 Iyo Qorshaha 2021 Ee Hay’adda Wadooyinka

Hargaysa(kaafinews) Wasiirka Gaadiidka Oo Soo Gebogebeeyey Waxqabadkii 2020 Iyo Qorshaha 2021 Ee Hay’adda Wadooyinka

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Beeniyay Eedo Musuq Maasuq Oo Xisbiga Wadani Usoo Jeediyay.

Hargaysa(kaafinews) Wasiirka Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Oo Beeniyay Eedo Musuq Maasuq Oo Xisbiga Wadani Usoo Jeediyay.