kaafinews.com
Ma Calaacal Baynu Ku Dhamaysanaa Nolosha Mise Xal Baynu Raadinaa !!!!??
February 13, 2019 - Written by admin

Dadka caqliga leh ama fikirayaa ma calaacalaan ee xal bay raadinayaan ka dibna go’aan bay qaataan sidii ay uga bixi lahaayeen

Soomaalidu illaa lixdankii waxay shacabkoodu raadinayeen hogaamiyihii dantiisa gaarka ah ka horumarin lahaa danta guud, illaa hadda baadi goobay ugu jiraan, mar walba shakhsi cusub bay doortaan muddo ka dibna fartay dhexda ka qaniinaan.

Laba boqol oo qof uun baa kolna xilka haysa kolna mucaarad isku ah oo xilka kala kicisanaya, in hebelo la isku bedelo mooyee wax kursiga dhaafsiisan qorshuhu ugumo jiro, illaa hadda waxa khaldan dadku way fahmi laayihiin, qof kasta isagoo isleh dib dambe ha u codeyn uun baa marka doorashada la gaadho durbaankii reernimada iyo laxankii wacnaa ee la isku afgaranayey uun la tumayaa, ka dibna iyagoo is ogeyn bay cadceedda iyo

safaf dhaadheer u gallayaan maalmo ka dibna way ka qoomamaynayaan.

Dadka caqliga leh ama fikirayaa ma calaacalaan ee xal bay raadinayaan ka dibna go’aan bay qaataan sidii ay uga bixi lahaayeen jidkii shalay mareen ee qodxaha badnaa.

Waxaanay u baahanahay xal aynu ku bedelno cabashada iyo calaacalka sanad walba taagan, waxaan soo jeedin lahaa in la sameeyoy Akadamigii hogaamiyaha wanaagsan soo saari lahaa oo laga bilaabo caruurta hadda la qorayo KG-ga ee shan jir ah, ka dibna boqol caruura aynu u tobabarno inay mustaqbalka ina hogaamiyaan, boqolkaasi waxaynu ku tobabarnay intay yaryar yihiin inay badhna madaxweyne iyo wasiiro noqdaan, qaarna dibada joogaan oo mucaarad noqdo, ka dibna ku soo barbaaraan in la is mucaarido oo danta guud toosintiisa la isku dhaliili karo, in la is toosiyo, hadhow markay waynaadaan waxay dhaliisha u arki doonaan in lagu toosinayo oo cuqdad ka qaadi maayaan.

Marka waxbarashada dhamaystaan aynu ku wareejino saddexda xisbi oo ay isku noqdaan qaar mucaarad ah iyo qaar muxaafad ah, boqolkaasi dhalinayrta ah ee aynu soo tobobarnay aynu ku aamino mustaqbalkeena si aynu uga nasanno calaacal joogto ah iyo shalay bay dhaantay.

W/Q: Barkhad Ladiif Maxamed Cumar.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews