Tiisaba Daryeelaa, Dadka Kale Wax Taari Kara

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,(A.S.C.W.R.W.B)
SALAAN GAAR AH BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

TIISABA DARYEELA,DADKA KALE WAX TAARI KARA,

TALO XUMADA TAAL XAMAR,TOODIIBA AY LA LIITAN,

TAANGI AY DHEX SEEXDAN,TIRO KOOB INAGA RABA,

TANAADEENA NOLOLEED,QARANKEENU TIIGSADAY.

 

TIIRARKII DHAQAALAHA,TAYAYNTEENA XOOLAHA,

TAABO GELINTA NABADIYO,TAWXID NOO SUDHAN,

TAMAR WAXAY U LEEYIIN,TACADIGA



DADKOODEE,

TOOGASHADIYO QARAX,TUMAATIDU U DHEERTAY.

 

TIISUBA NIMAY CUSLAYSO,TAAGAN GURI COLADEED,

TAARIIKHDA MOOGOO,TAXTAXAASHAY MAALMAHAN,

TIIRAANYADAW DANBAYSIYO,TIRSANAYN AYAAMAA,

TUBTII WUXU KU JOOGAA,KELI TALIS ADEERKIIS.

 

TAABA WAXA IGAGA DARAN,TURKIGANA MAXAY BARAY,

TOORAHA UUN KU SOO JIRA,INAGON TOOGADII QABIN,

WAKHTIBAA INAGA TEGAY,TEELO MUU INOO DHIGAN,

TAHANA INAAN KA GUURO,TASHANA KA KHAYR ROON.

               ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.