Waayaha xisbiga wadani ee xiligan waa mid lumiyey kalsoonidii shacbiga waayo wuxuu ku guul dareystey doorashadii madaxtinimada ee ugu dambeysey

Hees ayaa waxaa midhaheeda ka mid ahaa suaasha ah ‘ Miyaa loo dhashaa wadani ,Mise waa la iska dhigi karaa wadani?’.Jawaabta heestaa macnaheeda abwaanku waa ka jawaabey balse jawaabta mid la mida am aka duwan waxay u furan tahay dadka daalacandoona qormadan.

Ugu horeyn anigu shaqsiyan ma ihi xubin xisbiyada Somaliland ka tiran, mana taageero si gooni ah balse waxaa aan ka dhiibtaa aragtidayda shaqsiga ah sida ay ila muuqato in ay malaha ku haboontahay markaa aan derso xaaladaha siyaasadeed,dhaqaale,bulsho eek u xeeran dalkayga Somaliland iyo kaalinta kaadiriinta siyaasadeed

ee dalka hawl wadeenada ka ah, faaladeydu ma aha mid ku wajahan shaqsi balse waa mid ka turjumeysa xilka shaqsiga,am aka hadalka waxaa inaga dhexeeya oo ah wadanka oo nin walba waajib kasaaran yahay horumarkiisa inta awoodiisu gaadhsiisan tahay .

Waxaa aad moodaa afeefashada in aan ku dheeraadey balse aan u soo gundo dego ujeedada maqaalkeyaga.

Waayaha xisbiga wadani ee xiligan waa mid lumiyey kalsoonidii shacbiga waayo wuxuu ku guul dareystey doorashadii madaxtinimada ee ugu dambeysey waxaana lagaga guuleystey 80,000  oo cod in ka badan, xisbi guul dareystey hadii aad aragto dalalka doorashada xorta ahi ka dhacdo waxaa sababa arimo badan,balse xisbiga ayey u taalaa sidii uu daraasad ugu sameyn lahaa halka iyo meesha ay salka ku hayso guul daradu,ka dibna xisbigu hadii uu doonayo in uu soo ceshado kalsoonidii dadka waxaa uu keenaa isbedel iyo aragti cusub oo salka ku haysa xaqiiqada guul daradiisa iyo isasixid ku saleysan aragti toosan oo ka fog filansho waa tusaale hadii uu xisbi guul dareysto doorasho ma aha in uu ku mushquulo waa guuleystey balse codadkaygii aan helay baa la qaatey marka horana aad talaabo oo meelihii madmadowga ka tirsaneysey dib loogu noqday la tiriyey,doorashadii aad aqbashey inaad hadana tidhaahdo maan guul dareysan waxaa ka muuqanaya labac labac iyo go’aan  la’aan oo ku tusinaya in xisbigu hogaan adag lahay waayo hogaanka adagi waa kan qaata go’aanka saxa ah dhinaca hogaaminta.

Xisbiga wadani sida ay dad badani aaminsan yihiin doorashadii wixii ka dambeyey wuxuu u muuqdey mid sii luminayey kalsoonidii shacabka oo halkii uu ka kasban lahaa taageerayaal cusub oo beri codka siiya wuxuu doorbiday in uu awoodiisa iskugu geeyo sidee doorashadii laygaga guuleystey,oo codka anigaa u badnaaye aan u hadhey taasi waa ta keentey in uu ilaa hada laysku mari la yahay arimaha doorshada goloyaasha,waayo Wadani waxaa uu u arkaa in guul darada doorashadii laga guuleystey ay sabtey gudiga doorashadu hadii doorasho kale qabatana laga guuleysan naayo taasina waa tan keen tay in uu gudigaa sas ka qaado Xisbiga wadani.

Xisbiga wadani maxaa Sababey in Doorashadii Madaxtooyada lagaga guuleysto?

1-      Qaabkii uu u galey Ololihii doorashada.

Xisbiga wadani wuxuu dirada ugu weyn ee ololihiisa taargid kaga dhigtey in uu xisbiga Kulmiye musharaxiisa  Mudane Muuse biixi taariikhdiisa uu ku lee yahay Somaliland calaama su’aal saaro, oo uu ku ololeeyo in aanu muuse ahayn nin u qalma hogaanka dalka taas oo uu ku durayey  arimo kala duwan sida kaalintii uu ku lahaa halgankii SNM, Dawladii Maxamed xaaji Ibrahim Cigaal( Alle naxariistii jano ha siiyee).Taas oo xisbiga wadani xooga ku saarey arimo u badan shaqsi oo taariikho hore balse aan ku dhisnay run intooda badana ay ahayd ku tidhi ku teen uun.Taasi waxay hoos u dhigtey in taageerayaal badani iska weydiiyaan siyaasada xisbiga wadani ee ku aadan gooni isku taaga Somaliland.

2-      Dadkii uu u xushay Ololaha doorashada

Xisbiga wadani wuxuu u xushay in ay bulshada Somaliland wax ka dhaadhiciyaan dad aan u arkey in aaney waxba ka keeni Karin ololaha balse ka sii ereyaya dadka oo dadku hore ugu barteen dhinaca siyaasada sida :

  1. Ismaciil yare oo dad badani u arkayiin inuu  meesha loo keenay uun sidii Muuse bixii oo ahaa musharaxa Kulmiye uu u Ceebeyo oo uu durbaanka cayda iyo ciladayta uu dacaayada dhinaca reerka uu ka soojeedo ugu dhiirado maadama ay isku jilib yihiin.
  2. Ismaciil Buubaa oo ku soo biirey xisbiga Wadani isaga ooh ore ugu suntanaa Somaliweyn Somaliland na in badan ka soo horjeedey ,ayaa Wadani shaashada doodaha iyo ololaha ba ku soo bandhigay siyada oo weli muuqato fikirkii iyo hagardamadii Somaliland uu kaga soo horjeedey oo weli youtube ka ka buuxaan  fikirkiisii iyo raadkiisii hore,taasi waxay sababtey in ay dad badan oo xisbiga wadani taageersanaa u arkaan in xisbigu Somaliweyn ku milmay,oo ay ka leexdaan xisbiga una digarogtaan xisbiyada kale sida UCID iyo Kulmiye.

3-      Qaab dhismeedka cusub ee uu la yimi

Arinta saddexaad ee xisbi Wadani uu ku lumiyey kalsoonida taageerayaal badan waxaa odhan karaa waa wax ka bedelka qaab dhismeedkii xisbiga ee dhinaca hogaanka xisbigu doorashadii ololeynteedii wuxuu sameystey  qoshe ku saleysan  xeelad (strategy )kaas oo uu u arkeyey in uu cod ku helikaro rag uu ku soo darey hogaanka ururka sida :-

Gudoomiyaha Kumeel gaadhka ah ee xisbiga oo uu u magacaabey Mudane Cabdulqaadir Jirde. Hogaamiyaha Xisbiga oo uu u magacaabey Mudane Xirsi Xaaji Cali.

Waxaa aan qabaa in labadaa xilba ay jahawareer dhinaca fahanka ah ku keeneen taageerayaashii xisbiga wadani waayo may ka ceyd doorkooda xil ee labadan masuul dad badan oo kaadirinta xisbiga ahina waxay u arkeyeen uu xilal la socda ololaha doorashada oo aan wax badan ku soo kordhinaynin helida codka doorashada balse malaha xisbiga ka caawin kara dhinaca dhaqaalaha lagu gelayo doorashad,labadaa xilna waxay raaceen guuldaradii xisbiga ee doorashada waayo hada wax dhaqdhaqaaqa ma laha oo waxay ahaayee saaxiibka jidka doorashada logu marayo.

Xisbiga wadani wuxuu u magacaabey Afhayeenka xisbiga Mudane Barkhad Jamac barkhad waxaa aan filayey inuu xisbiga Wadani ku soo kordhiyo aqoon iyo waayo aragnimo karti iyo fikir ka fog inuu ku soo mareysto hadalo aan wax badan xisbiga wadani wax ku soo kordhinaynin balse iskaga eeg uun hadal meel waayey oo aan cuskaneynin qodobo muhiimad u leh qarankan labadiisii Shir jaraa’id ugu horeyey waxaa ay u muuqdaan in aanu isaga laftiisu ma fahamin aqoon ficana u lahay xilka Afhayeenimadu waxay tahay.Waxaa ay ila muuqataa in xisbiga wadani ilaa hada baal marasan yahay qaabka xisbigu u dhaliilayo wax ama nidaamka isdhaliilka oo uu doorbidayo shaqsi waxka sheeg taas oo ah waxyabihii guul darada ugu waaweyn u sababey arimaha la yaabka leh waxaa ka mida ee afhayeen barkhad uu ku duray shirkii Kulmiye:

  1. Gen. Cabdilaahi Fadal  Taliyaha Ciidamada Booliska oo shirka fadhiyey: Sida ay ila tahay in sharka golaha dhexe lagu soo marti qaado saraakiisha saree e qaranka wax dhib ahi kuma jiro oo waa lagu soo marti qaadi karaa waaney dheysan karaan,wadani baa soo marti qaadi kara Ucid baa soo marti qaadi kara balse arinta ka duwani waa xubinamada golaha dhexe ama xisbi markaa mudane fadal ama sarkaal kale oo dawlada ka tirsani waa uu ka qaybgeli karaa shirweyne xisbi hadii uu martiqaad ka helo xisbigaa,markaa wadani afhayeenkiisu hadii uu lee yahay Taliye fadal golaha dhexe ayuu codkii doorashada ka qaybqaatey oo gacantuu taagey isaga oo codeynaya taasi waa sheeko kale balse maxaa uu u fadhiyey shirka dee dad badan oo aan golaha dhexe ku jirinba way fadhiyeen oo xisbigana ka mid ahay.

    Mudane Barkhad waxaa uu sheegay in

  2. Radio hargeysa uu baahinayey barnaamujkii shir weynaha :,Radio hargeysa waa raadiye qaran waana uu baahin karaa shirarka xisbiyada Qaranka si loo helo war toosa oo xaqiiqa Waxaa aan u arkaa Wasiir Cabdiraxamaan Cabdilahi Farax inuu wax weyn ku soo kordhiyey intii uu xilka hayey Wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta uu tayey dhinac kasta waaney muuqataa waxaa uu qabtey balse malaha dadka dalkooda iyo dadkooda daacada ugu shaqeenaya ayaa Xisbiga wadani rabin si uu doorashada dambe ugu ololeeyo,Mudane Cabdiraxmaan Guribarwaaqo iyo teamkiisa wasaarada warfaafintuba waxay muujiyeen dadaal wax qaban uu ku diirsadey shacabka Somaliland bal dib u eeg shalay iyo manta isbedelka Wasaarada warfaafinta nidaamka shaqaalaha,tayada qalabka, bilicda, Halkii Barkhad ka hambelyeen lahaa Wasaarada warfaafinta Somaliland isbedelka ka muuqda ee shacabku qireyn ayuu meel kale ula kacay ,waa in aynu sheegnaa hayadaha kor u kacay si uu u horumaro wadankeenu.,Sida aan filaya hadii Alle idmo shirka Golaha dhexe ee wadanina ama Ucidna way tebindoontaa radio hargeysa si la mida kan kulmiye waayo waa Idaacad qaran.Balse Afyahheen wadani wuxuu u baahan yahay in uu dib ugu noqdo waxbarashadii si uu u kororsado aqoonta ka dahsan hadii aanu badheedheenin waayo Madaxtooyada Qaranka Somaliland loo dhisayo ayuu uba haystaa Aqal uu Muuse biixi dhisanayo sida uu shir jaraaidkiisii ugu horeyey ku yidhi. Mudane Barkhad iyo xisbiga wadani waxaa la gudboon inay dhisaan,oo habeeyaan xisbiga wadani saxaana dhaliila xisbiga iyo kaalintii mucaaradnimo oo ay gabeen,waayo ka ma hadlaan waxyahaba taabanaya nolosha bulshada caafimaadka,waxbarashada,shaqo la’aanta kobcinta dhaqaalaha,nabadgelyada iwm balse habelba shir fadhiyey,idaacad baa jir baahisay ma aha mucaaradnimo,balse waa in xisbiga mucaaridka ahi si weyn uga dhex muuqdaa ka hadalkooda meelaha lafdhabarka u ah dhismaha qaranka iyo adeegyada nolosha mushtamaca ee dawladu ka gaabiso,saxid ku sameysaa.

Hadii aad u bahan tahay shirararkii jaraa’iid ee afhayeenka cusub xisbiga wadani(Mudane Barkhad) ka baadh google.com

rashiid64@outlook.com