Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo ku hadlaya afka xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga, Guddiga Fulinta iyo dhammaan laamaha kale ee xisbigu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariisteeMarxuumad Hibaaq Cabdiqaadir Koosaaroo ku geeriyootay shil baabuur oo ka dhacay magaalada Hargeysa, lana aasay maanta oo taariikhdu tahay 14/03/2019.

Hoggaanka xisbiga KULMIYE waxay geeridaasi si gaar ah uga tacsiyadaynayaan Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga, kaas oo Marxuumaddu ahayd xaaskiisii.

Dhammaan Madaxda xisbigu waxay Marxuumadda Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE