kaafinews.com
Madaxwaynaha somaliland oo isku shaan-dhayn Xukuumadiisa Ku Sameeyay
April 14, 2019 - Written by admin

Hargaysa(kaafinews)

WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /04/2019 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Xil ka Qaadis Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
Wareegto Madaxweyne Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews