kaafinews.com
Dagaal Culus oo Ka Dhacay Kismaayo iyo Wararkii Ugu Dambeeyey
March 24, 2020 - Written by Idiris Yaxye

Kismaayo (Kaafinews)- Ugu yaran illaa todobo qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku geeriyoodeen dagaal Culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaan galbeedka ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen labo maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan Unguumi oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka diriray ay isku hayaan arrimo la xadhiidha dhul-daaqsimeed iyo ceel biyood ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Jubbaland ciidamo dheeraad ah ay u dirtay deegaanka lagu dagaalamay oo weli laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu markale dagaalku dib u sii qarxo.

Colaada u dhexeysa beelaha dagaalamaya ayaa la sheegay inay muddo ka taagneyd duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews