kaafinews.com
Puntland oo Ka Laabatay Go’aan Lagu Xidhayo Goobaha Lagu Cibaadaysto
March 24, 2020 - Written by Idiris Yaxye

Garoowe (Kaafinews)- Maamul goboleedka Puntlland ayaa dib uga laabatay go’aan maalintii shalay kasoo baxay guddiga ka hortagga faafitaanka cudurka Coranavirus, kuwaas oo shaacisay in muddo labo tobadaad ah la xidhayo goobaha cibaadada, sida masaajida.

Ka labaashada go’aankaan ayaa ka yimid kadib markii culimada Diinta ay arrintaan ku tilmaameen go’aan aan munaasib ahayn wakhtigaan, iyagoo maamulka ugu baaqay in lala yimaado qorshe kale oo aan ahayn in goobaha lagu cibaadaysto la xidho.

Kulan dhexmaray culima’awdiinka iyo guddiga ayaa ugu dambayn lagu gaadhay in maamulku ka laabto go’aankaas, balse waxaa la isku raacay in lasoo gaabiyo wakhtiyada lagu cibaadaysto masaajida, in la xidho musqulaha kuyaala masaajida iyo in la joojiyo daruusaha diiniga ee masaajida lagu qabto.

Wasiirka cadaalada Puntand, Cawil Sheikh Xaamud ayaa sheegay in xidhitaanka masaajida ay noqondoonto tilaabooyinka ugu dmabeeya ee la qaadandoono, haddii cudurka uu soo gaadho Puntland.

Dhinaca kale, Puntland ayaa maanta duleedka magaalada Garowe ka furtay xarun lagu dawayndoono dadka uu soo rito cudurka Caronavirus.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews