kaafinews.com
Coronavirus Awgii Maxaabiis Ay Suuragal Tahay In La Sii Daayo
March 25, 2020 - Written by admin

Dowladda UK ayaa ka fekereysa inay qaar ka mid ah dembiilayaasha ka sii deyso xabsiyada England iyo Wales si loo ayreeyo baqdinta ka dhalatay xanuunka safmareenka ah ee coronavirus.

Xoghayaha Caddaaladda, Robert Buckland, ayaa sheegay in fayrasku uu khatar ka abuuray gudaha xabsiyada, oo qaarkood ay buux dhaafeen.

Illaa 3,500 oo shaqaalaha xabsiga ah ayaa shaqada ka maqnaa Talaadadii, sababo la xiriira inay xanuunsadeen amaba ay qaarkood is karantiileen.

Mr Buckland ayaa sheegay in sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista ay sahli karto yareynta baqdinta laga qabo fayraska.

Xoghayaha Caddaaladda ayaa guddiga caddaaladda u sheegay inuu rajeynayo in maxaabiista muddo gaaban la sii daayo, ka dib marka qiimeyn lagu sameeyo.

Mr Buckland ayaa intaas ku daray inuu aad uga fiirsanayo in 50 maxaabiis oo haween uur leh ah la sii daayo iyo inkale.

Wuxuu sheegay in laga yaabo in illaa 9,000 maxaabiis oo xukun sugayaal ah, loo wareejiyo meelaha lagu hayo dadka damaanadda ku jooga.

Madaxa siyaasadda iyo arrimaha dowladda hay`adda Amnesty International ee UK, Allan Hogarth, ayaa sheegay in maxaabiista da`da ah iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaad si degdeg ah looga fekeri doono in la sii daayo “haddii aysan khatar gelineynin naftooda iyo tan bulshada”.

Hadalka Mr Buckland uu ka hor sheega guddiga ayaa ku soo aaday xilli la mamnuucay dhammaan booqashada maxaabiista, tan oo qeyb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka fayraska.

Dadka bannaanka ka imaanaya, kooxaha xuquuqda dadka u dooda iyo fasallada waxbarashada ayaa dhammaan la joojiyay, waxayna maxaabiista ku jirayaan qolalkooda 23 saac maalintii.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sheegtay in 55 maxaabiis guud ahaan England iyo Wales la siin doono 900 oo telefoonno ah si ay maxaabiistu xiriir joogto ah ula yeeshaan qoysaskooda.

Telefoonnada ayaan lahaan doonin internet, waxaana keliya la siin doonaa maxaabiista muddo kooban kaddib marka qiimeyn lagu sameeyo.

Illaa 13 maxaabiis ayaa hadda laga helay fayraska Corona. Kiisaskan ayaa laga soo sheegay sagaal xabsi, inkastoo laga shakisan yahay inay kiisas kale ka jiraan xabsiyada kale.

Sida laga soo xigtay waaxda caafimaadka dalkaas in ka badan 8,000 oo kiisaska coronavirus ah ayaa laga soo sheegay UK – inkastoo laga yaabo in tirada saxda ah ay intaas ka badan tahay. 422 qof ayaana UK ugu dhintay xanuunka.

Dowladda UK ayaa ka fekereysa inay qaar ka mid ah dembiilayaasha ka sii deyso xabsiyada England iyo Wales si loo ayreeyo baqdinta ka dhalatay xanuunka safmareenka ah ee coronavirus.

xigasho bbc somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews