kaafinews.com
Anil Kapoor Oo Shaaciyay ‘Farxaddii Ugu Weyneyd’ Ee Uu La Wadaagay Rishi Kapoor
May 14, 2020 - Written by admin

Jilaacaga caanka ah ee shirkadda filimada hindiga ee Bollywood, Anil Kapoor ayaa soo bandhigay “waqtigii ugu farxadda badnaa” ee uu la wadaagay atoorihii dhawaan geeriyooday, Rishi Kapoor.

Anil ayaa bogagga uu ku leeyahay baraha bulshada, sida Instagram iyo facebook soo dhigay sawirro ku saabsan xasuusta daahfurkii filimkii lagu magacaabay Saawariya, ee soo baxay sanadkii 2007-dii, kaasoo ahaa filimkii ay xirfaddooda ku billaabeen gabdhiisa Sonam Kapoor iyo wiilka uu dhalay Rishi Kapoor ee lagu magacaabo Ranbir Kapoor.

Labada jilaa ee rug caddaayada ah ayaa ku kulmay xafladda daahfurka Filimkaas, xilligaasoo ay garab taagnaayeen carruurtooda oo xirfadda ka dhaxashay.

Anil ayaa soo xushay sawirro ay ka muuqato farxad oo munaasabaddaas laga qaaday, waxaana ka muuqda Rishi iyo Neetu oo aad u tamashleynaya.

Bartiisa Twitter-ka ayuu Anil sawirradaas kula qoray: “Xasuustii James, daahfurkii xirfadda jilaanimo ee Sonam iyo Ranbir, anigoo la jooga Neetu iyo Rishi. Waa mid ka mid ah xilliyadii ugu farxadda badnaa ee nolosheyda soo maray…”

Sawirrada iyo qoraalka uu Anil soo dhigay waxaa jecleystay dad badan oo ka mid ah taageerayaashiisa ku taxan, waxaana ku jiray wiilka uu adeerka u yahay, atoorahana noqday ee Arjun Kapoor.

Mid ka mid ah taageerayaasha ayaa soo qoray: “Haa runtii wuxuu ahaa xilli xasuus leh. Qof kalena wuxuu qoray: “Bal ka warran waxaanoo dhan hadda way soo afjarmeen.”

Filimka Saawariya oo uu hagay Sanjay Leela Bhansali, siyaaso kala duwan ayaa looga fal celiyay, dadka qaarna way ammaaneen, laakiin kama uusan gadmin box office-ka.

Rani Mukerji ayaa filimkaas qeyb ka ahayd, halka Salman Khan uu isaguna kasoo muuqday.

Rishi wuxuu geeriyooday 30-kii bishii lasoo dhaafay kaddib markii uu labo sano la dagaallamayay kansar.

Maalintii uu geeriyooday, Anil wuxuu qoraal murugo badan ku sharraxay sababta uu Rishi magaciisa ugu yeeray James.

.

“Sababta aan Rishi Kapoor ugu yeeray James waxay ahayd maadaama anigana aanan aqoonin qof kale oo u muuqaal qurxoon sida jilaaga Mareykanka ah ee James Dean, isaguna wuu jeclaa inaan magacaas ku dhoho, waligey wuxuu ii ahaan doonaa James.”

Halyeygii haasaawaha?

Rishi Kapoor with his wife Neetu and son Ranbir
Image captionKapoor made a successful on-screen pair with actress Neetu Singh and their son, Ranbir Kapoor, is also a successful Bollywood star

Rishi Kapoor, waxaa lagu tilmaami jiray halyeygii haasaawaha ee shirkadda filimada Bollywood-ka ee dalka Hindiya.

Jilaagaca oo 67 jir ahaa wuxuu u dhintay xanuunka kansarka, kaasoo uu muddo dheer la noolaa.

Wuxuu qeyb ka ahaa jilayaasha reer Kapoor loo yaqaanno ee sanadaha badan aqlabiyadda ku lahaa filimada ugu caansan Boolywoodka.

Atoorahan wuxuu shaleemooyinka filimada lagu daawado qabsaday sanadkii 1973-kii, markaasoo uu doorkiisii ugu horreeyay oo hoggaamin ah uu ka qaatay filim ka hadlayay qiso jacayl oo dhalinyaro dhex martay.

Laakiin markii ugu horreysay Rishi Kapoor wuxuu jilista filimada kasoo muuqday isagoo carruur ah sanadkii 1970-kii, wuxuuna ka qeyb qaatay filimkii uu aabihiis Raj Kapoor jilayay ee Mera Naam Joker.

Qaar ka mid ah filimadiisii sida weyn loo daawaday waxay soo baxeey 1980-meyadii iyo 1990-meeyadii – waxaana ka mid ahaa Khel Khel Mein, Karz iyo Chandni – oo aad u gadmay.

Kapoor wuxuu filim laga dabadhacay oo jacayl ahaa la sameeyay atariishada lagu magacaabo Neetu Singh. Lamaahanan ayaa jacaylkooda aan ku ekeynin jilitaan kaliya, waxayna is guursadeen sanadkii 1980-kii.

Wiilkooda Ranbir Kapoor, wuxuu ka mid yahay jilayaasha hadda ugu caansan shirkadda Bollywood-ka, taageerada weynna heysta.

xigasho bbc somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews