kaafinews.com
Xisbiyada Mucaaridka Soomaliya Oo Walaac Ka Muujiyey Ciidanka Itoobiya Ee Jooga Dalkooda.
May 21, 2020 - Written by admin

MUQDISHO(kaafinews)

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegayaan inay aad uga walaacsan yihiin joogitaanka ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsanayn AMISOM ee dalka Soomaaliya.

Qoraalkaasi oo ku socday labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamakaana lala socodsiiyey dawladda federaalka, Midowga Afrika, Midowga Yurub, UNSOM, Golaha Amaanka, dawladaha Maraykanka iyo UK iyo dhinacyo kale ayaa xisbiyada mucaaradku ku sheegeen inay u tixgelinayaan ciidamo kasta oo ku jira waddanka oo aan ahayn kuwa AMISOM inay yihiin kuwo “dalka haysta”.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu dhalliilay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo ay xisbiyadu ku eedeeyeen inay ahayd inuu ka shaqeeyo in danaha uu leyahay waddan aysan saamaynin hawlgalka AMISOM.

Xisbiyada mucaaradku waxay ugu baaqeen baarlamaanka federaalka inay baadhaan, islamarkaana tallaabada ku habboon ka qaaddo faragelinta ay ciidamada Itoobiya ay kusoo sameeyeen Soomaaliya oo ay ku jirto soo ridistii diyaaraddii gargaarka sidday 4-tii May, sida ku qornayd qoraalka.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen Midowga Afrika inay dib u eegaan faragelinta ciidamada Itoobiya ee aan AMISOM ahayn oo ay sheegeen inay dhaawacayso sharafta AMISOM, sida ku qornayd war-saxaafadeedka.

Dawladda Soomaaliya, hawlgalka AMISOM iyo dawladda Itoobiya ayaan weli ka jawaabin qoraalka kasoo baxay xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliya. Marka ugu horraysa ee ay soo baxdana waan idiin soo gudbinaynaa.

xigasho voa somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews