kaafinews.com
Lionel Messi Oo Jabiyey Rikoodh Kale Oo Taariikhi ah Iyo Xogta Xiddigaha Uu Ku Garaacay
July 20, 2020 - Written by admin

Xiddiga reer Argentine ee Lionel Messi ayaa rikoodh cusub u dhigay kooxdiisa Barcelona iyo horyaalka kubadda cagta Spain ee LaLiga waxaanu noqday ciyaartoyga gool caawintii ugu badnayd sameeyey taariikhda LaLiga iyo kooxdiisaba.

Messi oo saftay kulankii ugu dambeeyey xili ciyaareedkan horyaalka LaLiga ee ay Barcelona kusoo xasuuqday Alaves, ayaa waxa uu jabiyey rikoodhkii caawinta ee Barcelona uu u dhigay Xavi Hernandez, waxaanu baal dahab ah iskaga qoray horyaalka iyo kooxdiisaba.

Messi ayaa ciyaartii Real Valladolid ee toddobaadkii hore waxa uu la barbarreeyey rikoodhkii gool caawinta ee  Xavi oo ahaa 20 hal xili ciyaareed gudihii, markaas oo kubbad uu u dhiibay Artuo Vidal uu gool u beddelay.Advertisements

Laakiin xiddigan ayaa fursad u helay kulanka ugu dambeeyey xili ciyaareedka ee Alaves inuu si buuxda u noqdo ciyaartoyga gool caawintii ugu badnayd ka sameeyey LaLiga, kaddib markii kubbad uu u dhiibay Ansu Fati oo uu gool dhalinta ugu furay kulankii Alaves uu Messi ku yeeshay caawintii 21aad ee xili ciyaareedkan, taas oo ah rikoodh aanay cidina abid uga horreynin.

Lionel Messi waxa kale oo uu dhaliiyey laba gool oo ka dhigtay tirade goolasha uu xili ciyaareedkan saxeexay 25 gool, waxaanu afar gool ka horreeyaa Karim Benzema oo kula tartamaya abaal-marinta Pichichi ee kabta dahabka ah.

Benzema ayay ku adag tahay inuu ciyaarta mar dhow ay kooxdiisu la ciyaari doonto Leganes ee ku gaadho Messi si uu kabta dahabka ah ugu qabsado, waxaana laga rabaa afar gool si uu usoo qaban karo kabtanka Barcelona.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews