kaafinews.com
Liverpool Oo Anfield Ku Dubatay Chelsea Xilli SIDEED Gool La Iska Dhaliyay, Reds Oo Guul Ku Qaaday Koobka Horyaalka & Chelsea Oo Halis Ku Jirta
July 23, 2020 - Written by admin

Liverpool ayaa Chelsea ku dubatay Anfield kulan 8 gool oo layaableh layska dhaliyay. Liverpool ayaa koobka Premier league ugu dabaal degtay guul taariikhi ah oo ay Chelsea ka gaadhay waxayna Reds awooday in ay Blues ka hor joogsatay in ay kulankan ugu soo baxdo Champions league oo ay hal dhibic uga baahnayd.

Liverpool ayaa shan gool ka dhalisay Chelsea laakiin waxay ciyaarto soo martay xaalado aan la rumaysan karin oo haddaba nooc ahaa laakiin Blues oo waqti ceeb la kulmaysay ayaa ku dhawaatay in ay Reds ka yaabsato kadib markii ay saddex gool oo deg deg ah keensatay.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkan waxay kulankii ugu danbeeyay ee garoonkeeda Anfield ay ku soo xidhatay guul iyada oo xili ciyaareedkan oo dhan aan hal guuldaro ahi ku soo gaadhin dhamaan kulamadii Premier league waxayna Reds sidoo kale awooday in ay sii waday rekoodhkii waqtiga dheer ee ayna Anfield ugu guuldaraysan Premier League.Advertisements

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

CHELSEA (3-4-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta (c), Kurt Zouma, Antonio Rudiger; Reece James, Jorginho, Mateo Kovacic, Marcos Alonso; Willian, Olivier Giroud, Mason Mount.

Kaydka: Pedro, Christian Pulisic, Fikayo Tomori, Emerson, Tammy Abraham, Andreas Christensen, Ruben Loftus-Cheek, Willy Caballero, Callum Hudson-Odoi.

LIVERPOOL (4-3-3): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Joe Gomez, Virgil van Dijk (c), Andrew Robertson; Naby Keita, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: James Milner, Alex Oxlade-Chamberlain, Dejan Lovren, Adam Lallana, Takumi Minamino, Divock Origi, Xherdan Shaqiri, Adrian, Curtis Jones.

Chelsea ayaa Anfield safaf sharafeed ugu samaysay Liverpool intii aan ciyaarta la bilaabin laakiin Blues ayaa doonaysay in ay garoonka iskaga reebto dareenka safaf sharafeedka balse waxaana qaybtii hore Chelsea laga dhigay koox aan tamar lahayn.

Liverpool oo dhinac ka arkaysay koobka Premier League ee Anfield la soo dhigay ayaa doonaysay in ay xafladaynta koobka ay ugu dabaal degto guul ay Chelsea ka gaadho waxaana taas laga dareemay shaqadii ay qaybtii hore qabteen.

DAQIIQADII 23 AAD  Naby Keita ayaa gool darbo aan la joojin karin waxa uu kaga yaabsaday goolhaye Kepa oo ku war war helay kubbad gantaal ah oo ka soo baxday lugta Keita wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka xaalada ciyaarta badalay ee ay Reds hogaanka ugula wareegtay.

Liverpool ayaa gabi ahaanba la wareegtay maamulka ciyaarta laakiin Chelsea ayaa doonaysay in ay jawaab ka bixiso goolka looga hor maray laakiin Reds ayaa kubbada si maamulkeeda qabsatay.

DAQIIQADII 38 AAD Alla Muxuu gool Ahaa!! Trent Alexander-Arnold ayaa darbo laaga xorta ah oo uu qaab qurux badan u tuuray waxa uu in uu is dhaqaajiyo u diiday goolhaye Kepa kaas oo fadeexad kale kula kulmay goolka labaad ee Reds oo aanu xataa isku dayin in uu kubbada joojiyo.

Trent Alexander-Arnold oo hore Chelsea kubbad laaga xorta ah ugaga soo dhaliyay Stamford Bridge kulankii qaybtii hore ee xili ciyaareedkan ayaa markale muujiyay hibadiisa laaga xorta ah wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Reds hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 43 AAD Xaalada Chelsea ayaa musiibo isku sii badashay kadib markii uu Gini Wijnaldum dhaliyay goolka saddexaad ee Liverpool kadib markii uu caawin ka helay Mohamed Salah waxayna ciyaartu noqotay 3-0 ay Reds ku dubanayso Blues.

DAQIIQADII 45+3 aad Chelsea ayaa intii aan waqtigii nasashada loo bixin la timid goolka ay sare ugu soo qaaday niyadii dhulka kaga dhacday waxaana goolkan u saxiixay Giroud oo ku soo duulay kubbad ay difaaca Reds xariiqda ka soo celinayeen waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 3-1 ay Liverpool hogaanka ciyaarta ku haysay.

Klopp iyo Lampard ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta ugu soo laabtay isla ciyaartoydii ay ku soo galeen laakiin Liverpool ayaa markale noqotay kooxda goolal kale laga filan karayay.

Mohamed Salah ayaa daqiiqadii 50 aad lumiyay fursad aan la rumaysan karin laakiin xidiga reer Masar ayaa u muuqday mid ayna habeenkiisii ahayn isaga oo fursado uu goolal ku dhalin karayay ama bixin karayay si lama filaan ah u qaldayay.

DAQIIQADII 55 AAD Liverpool ayaa u sii quus goysay Chelsea kadib markii uu Roberto Firmino darbo madax qurux badan uu ku dhaliyay goolka afraad ee Reds laakiin qaabka uu Trent Alexander-Arnold caawinta gookan u soo sameeyay ayaa cajiib noqotay waxayna natiijadu noqotay 4-1 ay Reds ku gumaadayso Blues.

DAQIIQADII 59 AAD Frank Lampard ayaa hal mar ciyaarta soo wada galiyay Christian Pulisic, Tammy Abraham iyo Callum Hudson-Odoi waxaana la saaray Mason Mount , Olivier Giroud iyo Willian.

DAQIIQADII 61 AAD Isbadalka uu Lampard sameeyay ayaa sabab ugu noqday in ay goolkooda labaad keensadeen kadib markii uu Christian Pulisic soo burburiyay difaaca Liverpool isla markaana uu Abraham ka caawiyay in uu kubbada ku hor helo goolhaye Alisson oo kaliya waxayna ciyaartu noqotay 4-2 ay Chelsea ceebtii iskaga soo yaraysay.

Christian Pulisic ayaa dhawr daqiiqo kadib lumiyay fursad uu goolka saddexaad ee Chelsea uu ku dhalin lahaa waxayna Blues noqotay koox hurdadii ka kacday.

Daqiiqadii 65 aad Klopp ayaa hal mar ciyaarta soo wada galiyay James Milner iyo da’yarka Curtis Jones wuxuuna saaray Naby Keita iyo Gini Wijnaldum oo min hal gool dhaliyay.

DAQIIQADII 73 AAD Alla maxay waali ahayd!! Christian Pulisic ayaa si aan la rumaysan karin u ceebeeyay difaaca Liverpool iyo goolhaye Alisson Becker kadib markii uu sida uu doono kubbada ugu dul maalulay isla markaana uu darbo aan la joojin karin shabaqa ku goyn gaadhay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4-3 uu Blues ciyaarta xamaasad waali ah ugu soo celiyay.

Christian Pulisic ayaa noqday xidiga Chelsea ka soo celiyay meel fog isla markaana ceebtii ay dhex hoganayeen ka soo saaray waxaana la galay waqti layaableh oo ay Liverpool walwal bilawday.

Daqiiqadii 79 aad Klopp ayaa ciyaarta ka saaray Mohamed Salah oo fursad khasaarin badan sameeyay wuxuuna khadka dhexe ku soo xoojiyay Alex Oxlade-Chamberlain.

DAQIIQADII 84 AAD Alex Oxlade-Chamberlain oo markiisa kaydka ka soo baxay ayaa Chelsea murugo kale u xambariyay wuxuuna dilay rajadii ay Blues goolka barbaraha ku raadinaysay si ay booskooda Champions league ugu xaqiijistaan barbaraha ay baahnayeen wuxuuna Chamberlain goolkan ku dhaliyay kubbad uu Andy Robertson si layaableh ula soo dhaafay ciyaartoyda Chelsea.

Waxayna ciyaartu noqotay 5-3 ay Liverpool hogaanka kaga sii dheeraysay Chelsea waxayna noqotay ciyaar golal layaableh layska dhalinayay.

Daqiiqadii 87 aad Klopp ayaa ciyaarta soo galiyay Divock Origi iyo Takumi Minamino wuxuuna saaray Sadio Mane iyo Roberto Firmino isaga oo saf weerar oo cusub sameeyay.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 5-3 oo ay guusha ku raacday Liverpool iyagoo guul ugu dabaaldegay kor u qaadista koobka Premier League halka guuldaradaan ay dhabarjab ku tahay Chelsea oo u dagaalameysa inay u soo baxdo Champions League.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews