kaafinews.com
Liverpool Oo Guul Soo Laabasho Ah Gaadhay, Man City Oo Xasuuq Geysatay & Arsenal Oo Watford U Dirtyay Heerka Labaad
July 26, 2020 - Written by admin

Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ku soo xirtay xilli ciyaareedkeeda Premier League ka dib markii ay 3-1 uga talaabsadeen kooxda Newcastle oo marti loogu ahaa St James Park.

Reds ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii 1aad ee ciyaarta markii laad xor ah oo loo dhigay Newcastle bartamaha garoonka uu durbadiiba Jonjo Shelver oo Reds u soo ciyaaray uu kubad u qaaday Dwight Gayle kaasoo la kor tagay goolhaye Alisson islamarkaana dhinac mariyay.

Liverpool ayaa kubada inteeda badan iska heysatay, waxayna goolka barbaraha heleen daqiiqadii 38aad markii kubad uu soo qaaday Alex Oxlade-Chamberlain uu madax cajiib ah ku dhaliyay Virgil van Dijk.Advertisements

Qeybtii hore waxaa lagu kala maray barbaro 1-1 ah laakiin daqiiqadii 59aad ee qeybtii labaad ayay Liverpool hogaanka u qabatay ciyaarta markii uu Divock Origi shabaqa ka soo toogtay banaanka xerada ganaaxa isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Dhamaadkii ciyaarta Liverpool ayaa heshay gool seddexaad oo qatar ahaa uu saxiixay Sadio Mane kaasoo cagta bidix ku dhameystiray.

Reds oo horyaalka hanatay xilli ciyaareedkan ayaa 99 dhibcood ku soo xirtay xilli ciyaareedka.

Dhanka kale Arsenal ayaa xilli ciyaareedkeeda horyaalka Premier League ku soo gabagabeysay guul ka dib markii ay 3-2 ku qaarjiyeen kooxda Watford oo marti ugu aheyd garoonka Emirates Stadium, kuwaasoo natiijadaan darteed ugu dhacay heerka labaad ee kubada cagta Ingariiska.

Afar daqiiqo ayay ku qaadatay Arsenal inay hogaanka u qabato ciyaarta ka dib markii Craig Dawson uu xerada ganaaxa ku riixay Alexander Lacazzette taasoo keentay in garsooraha uu tilmaamo rigoore. Waxaa rigoorada u soo istaagay Pierre-Emerick Aubameyang kaasoo gool u sarifay.

Daqiiqadii 24aad ayay Arsenal heshay goolkeedii labaad ee ciyaarta ka dib markii uu daafaca garab Kieran Tierney shabaqa ku hubsaday baas uu ka helay Aubameyang,

Daqiiqadii 33aad ayay Arsenal dhalisay goolkeedii seddexaad ee ciyaarta kaasoo ahaa mid aad u qurux badan, Pierre-Emerick Aubameyang ayaa labo lugaaleey cajiib ah ku dhaliyay iyadoo goolka uu caawiye ka ahaa Kieran Tierney.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta ayay Watford u soo suurtogashay inay gool soo ceshtaan markii uu David Luiz rigoore ku galay xiddigii hore eeArsenal Danny Welbeck.

Waxaa rigoorada u soo istaagay Troy Deeney kaasoo gool u sarifay, iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 3-1 oo ay Arsenal hogaanka ku heysay.

Watford ayaa kulankaan iska caabin weyn sameysay inkastoo Arsenal ay labo gool oo nadiif ciyaarta ku hogaamineysay, waxayna Watford soo ceshatay gool labaad bilowgii qeybta labaad ee ciyaarta iyadoo karoos uu soo dhigay Ismail Sarr uu shabaqa ku taabtay xiddigii hore ee Gunners Danny Welbeck.

Image

Dhanka kale Man City ayaa guul raaxo leh ku soo xirtay xilli ciyaareedka Premier League iyadoo 5-0 ku xasuuqday kooxda u laabatay horyaalka heerka labaad ee Norwich City.

Norwich ayaase u muuqatay mid hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 8aad markii uu Onel Hernandez shabaqa soo taabtay laakiin VAR ayaa diiday goolka madaama uu offside ahaa.

Man City ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 11aad ka dib markii uu Gabriel Jesus shabaqa ku taabtay kubad ay ku guuldareysteen inay iska bixiyaan Norwich City.

Dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Kevin de Bruyne ayaa darbo uu ka soo tuuray banaanka xerada ganaaxa shabaqa ku hubsaday isagoo hogaanka Man City ka dhigay 2-0.

Daqiiqadii 79aad ee qeybtii labaad ee ciyaarta Man City ayaa heshay goolka seddexaad markii uu Kevin de Bruyne kubad u dhex bixiyay Raheem Sterling kaasoo aan isagana ka labalabeynin inuu shabaqa soo taabto.

Man City ayaa labo gool kale oo degdeg ah heshay iyadoo Riyad Mahrez uuu shabaqa dhex dhigay goolkii afaraad halka De Bruyne uu dhaliyay goolkii shanaad ee ciyaarta ahna goolkiisii labaad ee ciyaarta.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 5-0 oo ay Man City ku badisay, iyadoo Man City ay ku dhameysatay kaalinta labaad ee xilli ciyaareedka Premier League halka Norwich ay ku dhameysatay kaalinta 20aad ee horyaalka iyagoo u dhacay heerka labaad.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews