kaafinews.com
Kooxda PSG Oo Shaacisay Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Kylian Mbappe – Miyuu Seegayaa Kulamada Champions League Ee Bisha August?
July 28, 2020 - Written by admin

Kooxda kubadda cagta PSG ayaa si ramsi ah u shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaan doona weeraryahankeeda Kylian Mbappe oo uu dhaawac kasoo gaadhay finalkii Coupe de France ee Jimcihii, kaas oo ay kooxdiisu 1-0 kaga badisay Saint-Etienne.

Kylian Mbappe ayaa dhaawaciisu walaac ku abuuray PSG oo isku diyaarinaysa kulamada Champions League ee wareegga siddeeda ay ku ballansan yihiin Atalanta, waxaana haddaba si rasmi ah loo ogaaday in ciyaarta ugu soo horreysa uu seegi doono.

PSG oo u gudubtay wareegga siddeedda markii ay kasoo adkaatay Borussia Dortmund, ayey isku beegmeen Atalanta oo ay ku wada ciyaari doonaan magaalada Lisbon ee waddanka Portugal oo ay ka dhici doonaan dhamaan kulamada wareegyada siddeeda, semi-finalka iyo finalka intuba.Advertisements

Atalanta ayaa haddaba sii ogaatay inay ka yaraatay khatartii weynayd ee weerarka PSG ee ay waajihi lahaayeen, isla markaana xiddigii ay ugu cabsida badnaayeen ee Mbappe uu ka maqnaan doono garoomada kulankaas.

Laakiin PSG ayaa dhinaceeda rajaynaysa in Mbappe uu usoo laaban doono kulamada semi-finalka haddii ay soo dhaafaan Atalanta.

Warbixin lagu daabacay website-ka PSG ayaa lagu shaaciyey in xiddigan reer France uu muddo saddex toddobaad ah ka maqnaan doono garoomada kaddib dhaawac kasoo gaadhay kuraanta, laakiin si rasmi ah umay xaqiijin haddii uu ciyaari karayo kulamada Champions League ee ka dambeeya ciyaarta Atalanta oo muddo ka yar saddex toddobaad qabsoomaysa.

“Sidii aanu shaacinay kaddib finalkii Coupe de France ee Saint-Etienne, Kylian Mbappe waxa Isniintii lagu sameeyey baadhitaano si loo ogaado inta uu le egyahay dhaawaca ka gaadhay kuraanta lugta midig. Baadhitaannada oo maanta soo baxay waxay muujiyeen inuu gudaha ay kuraantu wax ka noqotay. Iyadoo laga duulayo natiijadan, waqtiga soo kabashadiisa waxa lagu qiyaasay inuu noqon doona saddex toddobaad.” Ayay PSG ku tidhi warbixinta ay ku daabacdayy boggeeda.

Marka laga qiyaas qaato muddada saddexda toddobaad ah, Kylian Mbappe waqti uu kusoo laabto uma haysto ciyaarta Atalanta iyo PSG ee August 12, laakiin kulamada semi-finalka oo aan waqti badan ka dambayn ayaa la eegi doonaa haddii uu kasoo gaadhi karayo.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews