kaafinews.com
Maxkamadda CAS Oo Shaacisay Sababtii Ay Xayiraadda Uga Qaadday Manchester City Iyo Magacyada SAGAAL Kooxood Oo Dalbaday Inaan Laga Qaadin
July 29, 2020 - Written by admin

Maxkamadda Garsoorka khilaafaadka ciyaaraha ee CAS ayaa ugu dambayn faahfaahin ka bixisay sababtii ay Manchester City uga qaadday xayiraad laba sannadood ahayd oo ay UEFA ka saartay ka qayb-galka tartanka Champions League.

Maxkamaddu waxay sheegtay in caddaymo buuxa loo waayey in mulkiileyaasha Manchester City ay kooxda soo geliyeen lacago xayaysiimo ah oo laga badbadiyey oo gaadhaya £204 milkyan oo Gini, sidaas darteedna meesha looga saaray go’aankii UEFA.

Macluumaadka ay Manchester City hor geystay maxkamadda ayaa waxay si adag u beeniyeen inay sameeyeen wax is-daba marin iyo heshiisyo laga badbadiyey oo ay Sky Blues la gaadhay shirkadaha Etihad Airlines iyo Etisalat.Advertisements

Waxa kale oo ay kooxdu ku doodday in la jabsaday Email keeda, lagana xaday farriimo iyo macluumaad muhiim u ahaa oo tiradoodu gaadhaysay 5.5 milyan document, kuwaas oo ay ku jireen lix email oo muhiim ahaa oo ugu dambayntii caddaymo u noqday dooddooda ay guusha uga keeneen maxkamadda.

CAS waxa kale oo ay xaqiijisay in sagaal kooxood oo ka tirsan naadiyada horyaalka Premier League ay ka dalbadeen inaan ganaaxa laga qaadin Manchester United.

Kooxahan ayaa waxa ka mid ahaa Arsenal, Burnley, Chelsea, Leicester, Liverpool, Manchester United, Newcastle, Tottenham iyo Wolves, laakiin naadiyo kale oo ay ka mid yihiin Real Madrid ayaa iyaguna daba ka riixayay in ganaaxa lagu sii hayo.

Guddi ay maxkamaddu u saartay baadhitaanka Kiiska ayaa waxay isku raaceen inaan caddaymo ku filan loo keenin in heshiisyada Man City la gashay shirkadaha Etihad Airlines iyo Etisalat laga badbadiyey.

XIGASHO LAACIBNET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews