kaafinews.com
“In Kaniisada Duomo La Raro Ayaa Ka Sahlan In Lionel Messi La Keeno Inter Milan”
July 30, 2020 - Written by admin

Tababaraha Inter Milan Antonio Conte ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyay markii la weydiiyay fursada ay kooxdiisa u heysato inay la saxiixato xiddiga Barcelona Lionel Messi.

Sawirka Lionel Messi ayaa ka soo muuqday dhismaha kaniisada caanka ah ee magaalada Milan ee Duomo shalay oo Talaado aheyd ka hor kulankii ay Inter la ciyaareysay Napoli.

Waxay taasi sii hurisay wararka xanta ah ee Lionel Messi la xiriirinaya kooxda Talyaaniga ee Inter Milan.Advertisements

Sky Sports Italia ayaa ka dib ciyaartii Napoli wax ka weydiisay tababare Conte saxiixa Messi iyo sawirkiisa ka soo muuqday kaniisada Duomo.

Conte ayaa ku jawaabay: “In kaniisada Duomo la raro ayaa ka sahlan in Lionel Messi la keeno Inter”

Markii la weydiiyay haddii uu jeclaan lahaa in kooxda ay la soo saxiixato kabtanka Barcelona Messi ama inay la soo wareegto afar ciyaaryahan oo midkiiba uu 50 milyan euro yahay, Conte ayaa ku jawaabay:

“Labada xaaladoodba ma ahan kuwa macquul ah”

Mustaqbalka Lionel Messi ayaa shaki la gelinayay bilihii ugu danbeeyay ka dib markii ay isku dhaceen maamulka kooxda iyadoo Lionel Messi ay hal sanno uga harsan tahay qandaraaskiisa kooxda.

Blaugrana ayaa si weyn isagu dayaysa inay ka dhaadhiciso Lionel Messi inuu kooxda sii joogo iyadoo Barcelona ay xilli ciyaareedkan ku guuldareysatay inay difaacato koobka horyaalka La Liga.

Waxayse weli ku jiraan tartanka Champions League iyagoo bilowga bisha soo socota la ciyaari doona kooxda Napoli kulanka lugta labaad ee wareega 16ka kooxood.

XIGASHO LAACIBNET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews