kaafinews.com
Arsenal Oo Ku Guuleysatay Koobka Community Shield, Liverpool Oo Lumisay Fursad Ay Koobabka Kusii Kordhisan Karaysay Iyo Aubameyang Oo Isku Qoray Taariikhda Gunners
August 29, 2020 - Written by admin

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa ku guuleysatay koobka Community Shield oo ay rikoodheyaal ku garaacday Liverpool, iyadoo uu tababare Mikel Arteta muddo xili ciyaareed badhkii ah ugu qaaday koobkiisii labaad.

Arsenal iyo Liverpool oo kusoo kala guuleystay labada koob ee FA Cup iyo Premier League ayaa iskaga hor yimid Community Shield oo ay garoonka Wembley ku kulmeen, waxaana bilowgii ciyaarta gool la hor martay Arsenal, iyadoo uu Aubameyang daqiiqaddii 12aad gool aad u qurux badan u dhaliyey.

Liverpool oo inta badan ciyaarta maamulaysay ayaa daqiiqaddii 73aad goolka barbarraha ah uu u dhaliyey Minamino oo beddel kusoo galay ciyaarta.Advertisements

Sida uu dhigayo sharcigu, ciyaartan laguma darin waqti dheeraad ah markii ay 90kii daqiiqadood barbarro 1-1 ah ku kala baxeen, waxaana la dhigay rikoodheyaal ay Arsenal guushu ku raacday 5-4.

Shaxdii labada kooxood

Liverpool (4-3-3): Alisson; Neco Williams, Joe Gomez, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; James Milner, Fabinho, Georginio Wijnaldum; Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane.

Kaydka: Adrian, Naby Keita, Marko Grujic, Curtis Jones, Takumi Minamino, Konstantinos Tsimikas, Rhian Brewster, Harvey Elliott, Billy Koumetio.

Arsenal (3-4-3): Emi Martinez; Rob Holding, David Luiz, Kieran Tierney; Hector Bellerin, Mohamed Elneny, Granit Xhaka, Ainsley Maitland-Niles; Bukayo Saka, Eddie Nketiah, Pierre-Emerick Aubameyang.

Kaydka: Bernd Leno, William Saliba, Cedris Soares, Reiss Nelson, Joe Willock, Sead Kolasinac, Emile Smith Rowe, Tyreece John-Jules, James Olayinka.

Arsenal iyo Liverpool ayaa muddo dheer kaddib kusoo laabtay garoomada, waxaanay  iyagoo tartan caadi ah ciyaaraya.

Tababare Jurgen Klopp ayaa shaxdiisa kusoo bilaabay Virgil van Dijk oo dhaawac yar kasoo kulan saaxiibtinimo oo toddobaad ka hor ay ciyaareen, laakiin waxa aanu helin adeegyada Trent Alexander-Arnold iyo Jordan Henderson oo dhaawacmay, halka saxeexa cusub ee Tsimikas uu kaydka kusoo bilaabmay.

Mikel Arteta ayaa isaguna kusoo bilaabay shax u badan da’yar, isaga oo ay ka maqnaayeen dersin ciyaartooyo ah oo ay ka mid yihiin Nicolas Pepe iyo Alexandre Lacazette.

Liverpool ayaa bilowgiiba goolka Arsenal taabsiisay kubbad uu garsoorku ka diiday oo OFFSIDE ahayd oo uu dhaliyey Virgil van Dijk, taas oo ku timid qalad nasaqnimo badan ka muuqatay oo uu David Luiz ku galay Wijanldum oo goolka u jiray 30 yard.

Daqiiqaddii 12aad: Liverpool ayaa heshay fursad ay goolka ku dhalin karaysay, waxaana kubbad dhinac midig ka keenay da’yarka beddelay Arnold ee Williams, taas oo uu xerada ganaaxa ku helay Milner oo goolka garab mariyey.

GOOOAAALLL!!! Aubameyang ayaa hoggaanka u dhiibay Arsenal daqiiqaddii 12aad, kaddib markii ay kusoo qaadeen weerar rogaal celis ah Liverpool oo ku maqnayd dhinaca goolka Gunners, waxaana kubbadda loosoo dhiibay da’yarka Sako oo isaguna usii gudbiyey Aubameynag oo dhinaca bidix taagnaa. Allah muxuu gool ahaa.

Liverpool oo inta badan kubadda haysatay ayaa samaysay isku dayo badan, iyagoo khadka dhexe iyo dhinacyadu aad u shaqaynayeen, hase yeeshee waxa muuqatay in la tabayey maqnaanshaha Jordan Henderson iyo Alexander-Arnold.

Dhawr fursadood oo labada kooxoodba heleen kaddib, dadaal difaaca ah oo ay Arsenal samaysay iyo ciyaartoyda oo ay ka muuqatay inay nasasho badan soo galeen ayaa awoodi waayey inay qabta hore isbeddel ku sameeyaan natiijada uu go’aamiyey Aubemayang.

Qaybtii labaad ayaa noqotay mid ka duwan qaybtii hore, kaddib markii uu tababare Jurgen Klopp isbeddel ku sameeyey safkiisa, waxaanu saaray Milner iyo Neco Williams isaga oo keenay Takumi Minamino iyo Naby Keita.

GOOAAALLLL!!! Minamino ayaa Liverpool u dhaliyey goolka barbarraha oo naqaska ka fujiyey Liverpool, waxaana kubadda si fiican uga soo shaqeeyey Mohamed Salah oo ay xerada ganaaxa Arsenal horteeda iskugu dhiibteen ka hor intii aanu weeraryahanka reer Japan shabaqa taabsiinin goolka.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Arsenal heshay fursad weyn oo ay gool ku dhalin karaysay, laakiin Willock ayaa u baahday in taatikada uu isticmaalay mid ka duwan uu la yimaaddo.

Ciyaarta ayaa la dhigay rikoodheyaal kaddib markii ay dhamaadeen 90kii daqiiqadood ee caadiga ahaa, waxaana Liverpool goo ku laaggiisii ka khasaariyey da’yarka Rhian Brewster, iyadoo Arsenal ay wada dhalisay dhamaan shantii rikoodhe, sidaasna waxa koobka ku qaadday Arsenal oo guushan iyo middii hore ee FA Cup kaba uga mahadcelinaysa weeraryahanka reer Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews