kaafinews.com
FIFA & Maxkamada CAS Oo Soo Dhex Galaya Khilaafka Lionel Messi Iyo Barcelona Ee Sii Xumaanaya.
August 31, 2020 - Written by admin

Maxkamada xalinta khilaafaadka Sporska ee magaceeda loo soo gaabiyo CAS iyo xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa la filayaa in ay soo dhex galaan xaalada heerka xun gaadhay ee u dhexaysa Lionel Messi iyo maamulka kooxdiisa Barcelona.

Xaalada ayaa faraha ka baxday kadib markii uu Lionel Messi iska diiday in uu ka soo muuqdo xarunta tababarka kooxdiisa Barcelona isla markaana uu maamulka Camp Nou u sheegay in aanu gabi ahaanba wax heshiis ah ku jirin oo uu dhaqan galiyay qodob qandaraaskiisa ku jiray.

Lionel Messi ayaa maamulka Barcelona u sheegay in uu hadda xor u yahay in uu kooxda sidaa kaga baxo maadaama oo uu aaminsan yahay in heshiiskiisa ugu danbeeyay u ogolaanayo in xili ciyaareedkan uu ka bixi karo kooxda iyada oo aan wax iib ah lagu samayn.Advertisements

Maamulka kooxda Barcelona ayaa shaqadii ka caydhiyay kooxdii sharciyada u qaabilsanayd kuwaas oo Lionel Messi kula taliyay dariiqa uu kooxda kaga bixi karo iyada oo aan la iibin.

Wargayska Diario Sport ayaa shaaciyay in hadda ay xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA iyo maxkamada ciyaaraha ee CAS ay soo dhex gali doonaan khilaafka Messi iyo kooxdiisa Barcelona.

Warkan ayaa lagu sheegay in sababta ay CAS iyo FIFA kiisan u soo galayaan tahay in sida ay xaaladu u sii xumaatay ee uu Messi u arko in uu hadda xor ugu yahay in uu kooxda uu doono bilaash ugu biiri karo iyo go’aanka Barca iyo maamulka La liga ay ku dalbadeen in kooxdii Messi doonaysaa ay marka hore bixiso lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo.

Qandaraaska laysku khilaafsan yahay ee uu maamulka horyaalka La Liga kula saftay Barcelona ayaa dhigayay in Messi uu xili ciyaareedkan wixii ka danbeeya awood u leeyahay in uu si xor ah ku bixi karo laakiin maamuka Barca iyo La Liga ayaa ku doodaya in fursadani ay Messi ka gubatay oo ay ku koobnayd bishii June ee la soo dhaafay.

Maxkamada xalinta khilaafaadka Sporska ee CAS ayaa awood u leh in ay ka garnaqdo dhamaan kiisaska ciyaaraha kala duwan iyada oo ay suurtogal hadda tahay in muranka sharci ee Messi iyo Barcelona uu heer kale gaadhi karo.

Qaabka ay FIFA ku soo gali karto ayaan ahayn mid dacwad qaadis ah balse waxa uu noqon karaa sidii loo xalin lahaa khilaafka xadhkaha goostay ee Messi iyo Bartomeu u dhexeeya iyo in FIFA ay horeba gacanta ugu haysay heshiiska Messi oo ay fasiraad buuxda ka bixi karaan.

Madax waynaha cadaadiska ku hoos jira ee Josep Maria Bartomeu iyo boodhka kooxdiisa Barcelona ayaa gaadhay go’aan ay ku doonayaan in aanu Messi si bilaash ah ku bixi karin si walba oo ay tahay laakiin Messi ayaaba aaminsan in aanu haddaba jirin waajib sharci oo ka saaran in uu shaqadii kooxda sii wato.

Si kastaba ha ahaatee, xaalada khilaafka Lionel Messi iyo kooxda uu waayihiisa ciyaareed oo dhan ku soo qaatay ee Barcelona ayaa gaadhay heer aanu qofna filayn in uu gaadhayo.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews