kaafinews.com
Ciyaaryahanka Rashford Oo Sameeyey Gudi-hawleed Caawinaya Carruurta Gaajaysan
September 1, 2020 - Written by admin

Ciyaaryahanka Marcus Rashford ayaa sameeyay guddi-hawleed oo ay ku jiraan qaar ka mid ah shirkadaha cuntada ee ugu waaweyn Britain si ay isugu dayaan inay gacan ka geystaan yareynta saboolnimada iyo gaajada carruurta.

22 sano jirkaan weerarka uga ciyaara kooxda Manchester United ayaa si guul leh ugu ololeeyay in ballaadhiyo mashruuc cunto bilaash lagu siin doono ardeyda dugsiyada.

Wuxuu kahadlay waaya aragnimadiisa gaarka ah ee ku aaddan cunto la’aanta iyo in si wadar ah wax la isula cuno ee markii uu yaraa, waxaana lagu amaanay inuu dowlada ku cadaadiyay in ay arrintan qayb ka ahaato.

Wuxuu warqad u qoray mudanayaasha baarlamaanka, isagoo faahfaahinaya caawinta uu dareemayo in qoysaska qaar wali ay u baahan yihiin.

Marcus Rashford on the pitch

Kooxda ka kooban hay’adaha samafalka iyo ganacsatada dukaammada – oo ay ku jiraan Aldi, Asda, Co-op, Deliveroo, FareShare, Food Foundation, Iceland, Kellogg’s, Lidl, Sainsbury’s, Tesco iyo Waitrose – waxay sameeyeen guddi-howleed isla markaana waxay taageereen soo-jeedintii ka timid Istiraatiijiyadda Cuntada Qaranka, dib-u-eegis madax-bannaan oo ku saabsan siyaasadda cuntada ee Boqortooyada Midowday (UK).

Rashford wuxuu sheegay inuu “kalsooni ku qabo” in kooxdu ay gacan ka geysan karto sidii nolosha carruurtaas loogu beddeli lahaa “si ka wanaagsan” sida hadda xaal yahay.

Isaga oo la hadlay waaxda BBC Breakfast, wuxuu sheegay in tallaabada lagu kordhiyay cuntada dugsiyada bilaashka ah ee xagaaga ay ahayd “xal muddo gaaban” oo carruurta gaajo laga ilaalinayo, laakiin “ma socon doonto mustaqbalka fog”.

“Waxay ahayd inaan ka fikirno sida ugu wanaagsan ee aan ku sameyn karno, sida qoysaskan ay cunto u heli karaan waqti dheer,” ayuu yiri.

Mr Rashford wuxuu rajeynayaa inuu helo, koox weyn oo khubaro ah oo ku hareeraysan, kuwaas oo ka caawiya si uu u caawiyo carruur farabadan.

Marcus Rashford talking to families
Qoraalka sawirka,Ciyaaryahanka ayaa la kulmay qaar ka mid ah waalidiinta ka faa’iidey mashruucan.

Guddi-hawleedku waxay ugu baaqeen seddex talo-bixin oo siyaasadeed oo ay soo jeedisay haayadda Istaraatiijiyadda Cuntada Qaranka si ay u maalgeliso dawladda sida ugu dhakhsaha badan.

Guddi-hawleedku waxay leeyihiin fulinta saddexda talo waxay astaan u noqon doontaa “tallaabo midaynaysa aqoonsiga xalka muddada fog ee saboolnimada carruurta ee Boqortooyada Midowday”.

xigasho bbc somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews