kaafinews.com
Madaxweynaha Barcelona Oo Xabsi Muteysan Doona Haddii Uu Iibiyo Lionel Messi & Khabiir Sharaxay Sababta
September 2, 2020 - Written by admin

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa xabsi geli doona haddii uu iibiyo Lionel Messi, sida uu sheegay khabiirka kubada cagta Spain Guillem Balague.

Kabtanka Argentina ayaa dagaal kula jira madaxweynaha laga nacay Camp Nou ee Bartomeu.

Messi oo 33 sanno jir ah ayaa si weyn u doonaya inuu ka tago kooxda xagaagan ka dib markii uu gudbiyay warqadii uu ku dalbanayay in la fasaxo.Advertisements

Kabtanka ayaa aaminsan inuu xor yahay ka dib markii uu dhaqan geliyay qodob u ogolaanaya inuu si bilaash ah ku bixi karo dhamaadka xilli ciyaareedka kasta.

Bartomeu ayaa ku doodaya in xaalada aysan sidaas aheyn islamarkaana uu qodobkaasi dhacay 10kii bishii Juun, wuxuuna ku adkeynayaa in Messi uu bixi karo kaliya haddii ay jirto koox bixin karta lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa ee 700 milyan euro.

Messi ayaa tan iyo markaas diiday inuu soo xaadiro tababarka kooxda ee ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Manchester City ayaa u xusul duuban inay ka faa’ideysato dagaalka u dhaxeeya Messi iyo Barcelona.

Khabiirka kubada cagta Spain Balague oo si joogta ah uga warbixinaya xaalada Messi iyo Barcelona ayaa soo jeediyay in Bartomeu uu muteysan doono xabsi haddii uu fasaxo Messi.

Isagoo sharaxaad ka bixinayay sababta uu Bartomeu ugu dhegan yahay Messi, wuxuu Twitter ku soo qoray: “Bartomeu ma doonayo inuu isku soo kiciyo dadka la xafiiltamaya.

“Ugu danbeyn haddii uu si xun u iibiyo Messi, madaxweynaha xiga ama qof heysta tikidhka xilli ciyaareedka ayaa ku eedeyn kara inuu si xun u maareeyay hantida kooxda.

“Waxay taasi la micno noqoneysaa inuu lacag aad u badan jeebkiisa ka bixiyo ama xitaa xabsi!

“Sidaasi darteed wuxuu u baahan yahay inuu ka dagaalamo bixitaanka Messi ilaa dhamaadka.”

Bartomeu ma noqon doono madaxweynihii ugu horeeyay ee Barcelona ee xabsi gala, iyadoo ninkii uu bedelay Sandro Rosell uu soo dhameystay xabsi 20 bilood ah markii lagu helay wax isdabamarin intii uu madaxweyne ka ahaa kooxda.

XIGASHO LAACIBNET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews