kaafinews.com
Kooxaha Premier League Oo Cod Ku Diiday Sharci Cusub Oo La Soo Kordhiyay Xilli Ciyaareedkii Hore
September 4, 2020 - Written by admin

Kooxaha Premier League ayaa maanta cod ku diiday sharcigii cusbaa ee la soo kordhiyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee ku saabsan tirada ciyaartoyda bedelka ku soo geli karta kulan walba.

Madaama uu jadwalkii kubada cagta qasay fayraska Korona, xiriirka kubada cagta dunida FIFA ayaa ogolaatay in kooxaha ay shan bedel sameyn karaan kulan walba madaama kulamada ay isku dhow yihiin oo ay ciyaartoydana u nugul yihiin daal.

Laakiin olole ay hormuud ka aheyd Chelsea oo dooneysay in sharcigaas la sii dhaqangeliyo xilli ciyaareedkan ayaa ka baxay meesha ka danbe markii ay kooxaha Premier League cod u qaadeen soo jeedinta Chelsea.Advertisements

Kooxaha Premier League ayaa diiday sharciga shanta bedel iyagoo haatan isku raacay in la soo celiyo sharcigii hore ee seddexda bedel.

Laakiin horyaalada kale ee Yurub iyo tartamada Champions League iyo Europa League ayaa weli sii isticmaali doona shanta bedel xilli ciyaareedkan.

Sharcigaan waxaa si weyn uga soo horjeestay kooxaha yaryar kuwaasoo u arkay in sharciga shanta bedel uu faa’ido weyn u yahay kooxaha waa weyn kuwaasoo kursiga keydka ku heysta xiddigo waa weyn oo natiijo keeni kara.

Madaama kooxaha yaryar aysan heysan ciyaartoy badan oo natiijo keeni kara, waxay ku doodaan in cadaalad la sameeyo oo bedelada la yareeyo si kooxaha waa weyn aysan u helin faa’ido ka badan kooxaha yaryar.

Codkii maanta laga qaaday kooxaha Premier League ayaana lagu go’aansaday in meesha laga saaro sharciga shanta bedel xilli ciyaareedkan.

Kooxaha ayaa sharcigaan ka soo horjeestay dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay laakiin cod looma qaadin waqtigaas.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews