kaafinews.com
Real Madrid Oo Lagu Garaacayo Xiddig Uu Zinedine Zidane Ku Darsaday Qorshihiisa Ciyaareed
September 7, 2020 - Written by admin

Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez iyo dhiggiisa PSG ee Nasser Al-Khelaifi, waxay dagaal toos ah iskaga hor iman doonaan suuqa iibka ciyaartoyda xagaaga dambe ee 2021, iyaga oo cudud dhaqaale iyo saamaynta ay leeyihiinba iskugu adeegsan doona sidii ay u kala jiidan lahaayeen laacib uu Zinedine Zidane u arko mustaqbalka kooxdiisa.

Real Madrid ayaan xagaagan wax  dhaqdhaqaaq ah ka samayn suuqa iibka ciyaartoyda kaddib saamayntii Fayraska Korona, waxaanay qorsheyaasheedii iyo xiddigihii ay bartilmaameedsadeen ba u dhigatay marka uu dhamaado horyaalka dhowaanta bilaabmi doona.

Boosaska Los Blancos ay doonaysay inay iska xoojiso, waxay taxan yihiin weerar, dhex illaa difaac, laakiin labada meelood ee ugu sii daran ayaa ah gool-dhaliye wanaagsan iyo kubbad-burburiye u dhigma Casemiro oo beddeli kara haddii ay wax gaadhaan.Advertisements

Labada ciyaartoy ee da’da yar ee Kylian Mbappe iyo Eduardo Camavinga oo Faransiiska u wada dhashay ayay Real Madrid ka dhigatay safka hore ee ciyaartoyda u calaamadsan suuqa soo socda, waxaana Camavinga oo beddelka Casemiro noqonaya uu Zinedine Zidane doonayay inuu yimaaddo Santiago Bernabeu xagaagan, hase yeeshee dhaqaale xumada uu abuuray xanuunka Korona ayaa isbeddel ku keenay qorshahaas.

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien, Camavinga ayay Real Madrid wax walba u huri doontaa, laakiin waxa dagaal weyn ay iskaga hor imanayaan PSG oo doonaysa inuu u noqdo beddelka Marco Verratti.

17 jirkan oo kubbad reebista, dhiibista iyo hal-abuur wanaagsan isku darsaday, ayuu Al-Khelaifi diyaar u yahay inuu dul dhigo lacag kasta oo lagu xidho, taas oo daaqadda ka tuuri karta Real Madrid.

Zidane oo xidhiidh dhow la leh Camavinga ayaa doonayay inuu shaqsiyan ugu qanciyo inuu laacibkani yimaaddo Santiago Bernabeu, waxaanu wali isku hawlayaa inuu ka dhaadhiciyo, hase yeeshee Rennes ayaa fiirsan doonta kooxda lacagta badan oo ka iibin doonta laacibkeedan.

Real Madrid oo sidoo kale rajaynaysa inay PSG kala soo saxeexan doonto Mbappe ayaa ka shaqaynaysa sidii ay gool-dhaliyahan uga dhaadhicin lahayd in aanu saxeexin heshiis cusub si uu xagaaga dambe u iman karo Spain, taas oo PSG ku qasbi doonta inay iibiso maadaama uu si xor ah uga tegi karo xagaaga xiga ee 2022.

Wargeyska Le Parisien waxa uu sheegay in Real Madrid iyo Kylian Mbappe uu midowgooda ka hadhsan yahay 12 bilood oo kaliya..

XIGASHO LAACIBNET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews