kaafinews.com
Warbixin ku Saabsan Isbarbar Dhiga Hankooda Siyaasiga ee Madaxweyne Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xasshi + Taariikhdooda Xisbiga Kulmiye
September 9, 2020 - Written by admin

Hargaysa(kaafinews) Warbixin Ku Saabsan’  Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Taariikhdooda  Xisbiga Kulmiye & Isbar Barbardhiga Hankooda Madaxtinimadda 
“Maxamuud Xaashi waxa uu muujiyey Inta uu Siyaasadda Ku Jiray in aanu Korodhsan Fahamkeeda Iyo khibradeeda…” 
Sannadii 2008 shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye uu qabsaday  ee lagu doortay Muj. Axmed Maxamed (Siilaanyo) xilalka gudoomiyaha iyo musharaxa Xisbiga Kulmiye iyada oo loolan badan jiray wakhtigaasi’ hadana marnaba may jirin Beelo heshiisyo ku jiray balse Oday Axmed Siillaanyo isaga ayaa watay’ cida uu u arkayo in uu madaxtinimada ku gaadhi karaayo.
Hadaba waxa xusid mudan in Madaxweynaha maanta ee Somaliland md Muuse Biixi’ wuxuu ahaa wakhtigaas’  siyaasi garanaya sida uu kursiga ku hanan karayo mustaqbalka ama 10 sanno ka dib’ gaar ahaan Axmed (Siilaanyo) dabadii’  waxaanu ku guulaystay in uu tartanka gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye ku guulaysto Shirweynihii Kulmiye ee 2aad ee 2008-kii qabsoomay’  halka booska guddoomiyenimadda ee Kulmiye ay rag kale Siilaanyo musharaxnimada kula tartamayeen’  sida oo kale Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxa ay gaadheen heshiis ah guusha ka dib xisbiga uu ku wareejiyo gudoomiyenimadiisa Gudoomiye ku xigeenka 1aad, iyada oo aan reero arrinku ahayn’ balse labadaas siyaasi (Siillaanyo iyo Muuse Biixi) oo isla gartay ay ahayd.
Wareejintii ka dib’ markii Axmed Siillaanyo noqday Madaxweynaha Somaliland  Doorashadii Madaxtooyadda ee 2010-kii uu kaga guulaystay Madaxweynihii Walhtigaasi ee md Daahir Rayaale Kaahin’ waxa dhacday in Axmed Siillaanyo uu sxbkii  Muuse Biixi uu  mariyay jirab adag iyo Laylin siyaasadeed oo lahayd waayaheeda  waana kii aakhirkii Muuse Biixi qaatay arrinka taariikhiga ahaa ee uu tanaasulay’  isaga oo laga qoray ninka laga badiyay waa Anniga.

Hadii aan Sawirka Siyaasaddeed ee maanta Shirweynaha Kulmiye ee soo socda ka taagan iyo Cabashadda Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi u soo noqdo’ waxa xusid mudan wakhtigii  Axmed Siilaanyo go’aansaday 5 sanno oo Shirabaad iyo Layli Siyaasadeed ahayd in uu dhiso Muj. Muuse  Biixi’   wixii ka horeeyay 2017-kii waa kii Maxamuud Xaashi ku lahaa Maxamed Cabdilaahi Cumar oo Dowladdii Siilaanyo Wasiirka Arimaha Dibadda ka ahaa “Maxamed Cabdilaahi Cumaroow waa la dagaalamayaaye dhinac raaca dhinaca Madaxweyne  Axmed Siillaanyo ama dhinaca Muuse Biixi Cabdi’  iyana taariikh bay ahayd. 
Tacabka doorashadii Muuse Biixi ee ololaha cid walba wixii ay gashay lagama dafiri karo lagamana dafirin waxaase taariikh ah’  labadii sanno ee uu Maxamuud Xaashi Cabdi ahaa Wasiirka Madaxtooyada sidii uu u qaribay meelo badan taliye ku xigeenka Sirdoonka laba ayuu u qaybiyay isaga oo leh awoodaha ku xigeenka laguma aaminayo, hawlgalintii Milatariga waa la ogaa siduu uga dajiyay shaqada, Hawl galintii bilayska iyana marag ma doon ayay ahayd waana ina kooban oo guud mar, colaada ceel afweyn ee wakhtigaas bilaabantayna ku darso.
Dadka xilalka uu madaxweyne Muuse Biixi  u dhiibay laguma colaadin lagumana dooran cida ay ku xidhan yihiin waxaana marag ma doon ah in 50%  saaxiibadii Maxamuud Xaashi ama ardaydiisii Siyaasada uu Madaxweynuhu xilalka u dhiibay halka wakhtiyadii lawada xasuusto cida Muuse Biixi salaanta ay xilka waayi jirtay ama cida dhaliishaana dalici jirtay.
Maxamuud Xaashi  wuxuu muujiyay intii uu siyaasadda ku jiray in aanu koradhsan fahamkeeda iyo khibradeeda midna’  waxaana marag iyo Markhaati inooga ah’ sodanka daqiiqo iyo dheeraadka uu maanta Saxaafadda Somaliland la hadlayey isaga ayaa iska hor imanayay balan gaar ah la ilama galin ayuu sheegay haddaba balamo ayaa laga baxay ayuu yidhi waana inta ugu yar  iska hor imaadkiisa iyada siyaasi walba naanaysta u taal masraxa la og yahay.
Aayadaha, Axaadiista iyo xigmadaha hogaamiyayaashu nafta ayay u yihiin tobabar ee maaha kuwo hadalka lagu qurxisto, hogaamintuna maaha inta kaa ag dhawi waxa ay  jeceshay ku raali gali balse waa in aad hilaadiso halka aad u socoto.
Qalinkii: Barkhad J. Cabdilaahi 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews