kaafinews.com
Jose Mourinho Oo Weerar Ku Qaaday Man City Ka Dib Markii Ay Isku Dayeen Saxiixa Lionel Messi Xagaagan
September 10, 2020 - Written by admin

Jose Mourinho ayaa weerar dadban ku qaaday Manchester City ka dib markii ay isku dayeen inay la saxiixdaan Lionel Messi xagaagan.

Messi ayaa ka yaabsaday Barcelona bishii la soo dhaafay markii uu u sheegay inuu doonayo inuu isaga tago Camp Nou.

City ayaa ugu cadcadeyd inay gacanta ku dhigto xiddiga reer Argentina ka dib markii uu codsaday in laga fasaxo Barcelona halka wararka ay sheegayeen in Pep Guardiola uu kala hadlay 33 jirkaan inuu u soo wareego Etihad Stadium.Advertisements

Milkiilayaasha Manchester City ayaa u soo bandhigay Messi qandaraas shan sannadood ah uu ku qaadanayo 700 milyan euro isagoo seddex xili ciyaareed ud heelaya Man City ka hor inta uusan u wareegin kooxda horyaalka Mareykanka ee New York City.

Si kastaba, Messi ayaa ka laabtay go’aankii uu kaga tagayay Barcelona isbuucii la soo dhaafay isagoo xaqiijiyay inuu Camp Nou sii joogayo ugu yaraan hal xilli ciyaareed kale.

Mourinho ayaa haatan weerar dadban ku qaaday Man City madaama ay isku dayeen saxiixa Lionel Messi isagoo sheegay in koox walba oo dooneysa inay la saxiixato xiddiga reer Argentina inaysan ixtiraam u heynin sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.

Markii la weydiiyay haddii uu la wareegi lahaa Messi, Mourinho oo ka qeyb galayayt xaflad lagu soo bandhigay ciyaar gacmeedka kubada cagta Top Eleven ayaa yiri: “Top Eleven waan kula soo saxiixan lahaa lahaa laakiin maya Tottenham.

“Haddii aan nahay Tottenham waan ixtiraamnaa sharciga dhaqaale wanaaga kooxahaYurub.

“Waxa uu kaliya aadi karaa koox aan ixtiraameynin sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub. Sidaasi darteed waa hubaal taasi ma ahan Tottenham”

Mourinho ayaa weli daba socda in Man City laga cafiyay ganaaxii laga saaray Champions League ka dib markii ay ku xadgudbeen sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha Yurub.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews