kaafinews.com
Maxaad Kala Socotaa Shanta Dacwadood Ee Uu Wajahayo Badhasaabka Gaarissa?
September 15, 2020 - Written by admin

Barasaabka Ismaamulka Garissa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, Cali Bunow Qorane iyo afar sarkaal oo ka tirsan xafiiskiisa oo saakay la soo taagay Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo oogay eedeymo musuqmaasuq ah.

Saraakiisha lala xidhay Qorane ayaa kala ah Ibrahim Nuur Malow, oo ah madaxa maareynta dhaqaalaha Ismaamulkaas, Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo ah madaxa canshuuraha, Cabdi Shaale, oo ka tirsan waaxda fulinta ee dowladda hoose iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, oo ah madaxa xisaabaadka dowladda hoose.

Dhammaantood waxay beeniyeen inay musuqmaasuq ku kaceen.

In kastoo kiiskan uu sii socon doono, haddana barasaabka Garissa waxaa lagu sii daayay lacag damaanad ah oo gaareysa $32 kun oo dollar, waxaana laga joojiyay shaqadii xafiiska ee ismaamulka Garissa.

Xarigga mas’uuliyiintan waxaa amray dacwad oogaha guud ee dalka Kenya, Nuuradiin Xaaji daba-yaaqada todobbaadkii la soo dhaafay kadib markii uu sheegay in ay ku tuhmayaan in si khaldan loo isticmaalay lacago loogu tala galay mashaariic horumarineed.

Warqad kasoo baxday xafiiska Dacwad oogaha Kenya ayaa lagu soo bandhigay qodobbada loo cuskaday xarigga madaxdan iyo nooca ay yihiin dacwadaha lagu soo oogay.

Nuuradiin Xaaji ayaa bayaankiisa ku sheegay in baadhitaan ay sameeyeen koox madax bannaan lagu ogaaday qodobbada soo socda.

1- In Ismaamulka Gaarisa loo qoondeeyay lacag dhan Kshs 233,505,000, oo qeyb ka ahayd dhaqaale loogu talagalay ismaamullada Kenya. Lacgtaas waxaa lagu qeybiyay qodobka dastuuriga ah ee qoondeynta dhaqaalaha ismaamul goboleedyada, waxayna ahayd miisaaniyad sanadeedkii 2018/2019 ee la siiyay Gaarisa. Waa mashruuca horumarinta magaalooyinka oo loo qeybiyay dhammaan ismaamullada, kana baxday Bangiga Dhexe ee Kenya.

2- In lacagta markii ugu horreysay ay ku timid deyn ay dowladda Kenya ka qaadatay Bangiga Adduunka, maamulka Gaarisana loo sii mariyay wasaaradda Gaadiidka iyo Dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Ujeedadda lacagtaasina ay tahay horumarinta magaalooyinka.

3- In lacagta la sheegay ay ahayd mid si gaar ah loogu qoondeeyay saddex mashruuc oo kala ah:

5- In howlaha sharcidarrada ah ee lacagtaas loo adeegsaday ay fududeeyeen Ibrahim Nuur Malow, oo ah madaxa maareynta dhaqaalaha Ismaamulkaas, Maxamed Axmed Cabdullaahi, oo ah madaxa canshuuraha, Cabdi Shaale, oo ka tirsan waaxda fulinta ee dowladda hoose iyo Axmed Cabdullaahi Aadan, oo ah madaxa xisaabaadka dowladda hoose.

6- In mudane Cali Bunow Qorane, oo ah barasaabka ismaamulka Garissa uu tan iyo 21-kii August 2017 yahay qofka mas’uulka ugu sarreeya ka ah dowlad goboleedkaas sida ku xusan qodobka 179 (4) ee dastuurka oo la meel mariyay sanadkii 2010-kii, waajibaadkiisuna yihiin inuu hoggaamiyo howlaha dowladda hoose, sidaas awgeedna ay tahay in lagula xisaabtamo maareynta mashaariicda ismaamulkaas.

Maxay yihiin dacwadaha ay wajahayaan saraakiishan?

.

Nooca dacwadaha ay maxkamadda ku wajahayaan Ali Bunow iyo madaxda kale ee ismaamulkiisa ka tirsan waxaa sharraxay Dacwad oogaha guud, waxayna kala yihiin:

1- Abuurashada waxyaabo aan jirin si loo galo dambi dhaqaale, taasoo ka dhan ah qodobka 47 A (3) iyo qodobka 48-aad ee sharciga lambar 3 ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada dhaqaalah, oo la meel mariyay 2003-dii.

2- Ku guul darreysiga raacitaanka sharciga maareynta dhaqaalaha dowladda, taasoo ka dhan ah qodobka 45 (2) (b) ee sharciga lambar 3 ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada dhaqaalah, oo la meel mariyay 2003-dii.

3- Wac isdabamarin lagu sameeyay dhaqaalaha dowladda, taasoo ka dhan ah sharciga maareynta dhaqaalaha dowladda ee 2012.

4- Fulinta mashaariic aan horay loo sii qorsheynin, taasoo ka dhan ah qodobka 45 (2) (c) iyo qodoka 48-aad ee sharciga lambar 3 ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada dhaqaalah, oo la meel mariyay 2003-dii.

5- Ku tacaddiga xafiiska, taasoo ka dhan ah qodobka 46-aad iyo qodobka 48-aad ee sharciga lambar 3 ee la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dambiyada dhaqaalah, oo la meel mariyay 2003-dii.

Maxkamadda ayaa Cali Bunow ku sii deysay dammaanad dhan Sh5m, waxaana laga mamnuucay inuu tago xafiiska Ismaamulka Garissa.

Maxakamadda ayaa Bunow ku sii deysay damiin lacageed oo dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah
Qoraalka sawirka,Maxakamadda ayaa Bunow ku sii deysay damiin lacageed oo dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah

Guddiga Anshaxa iyo La dagaallanka Musuqmaasuqa ee Kenya ayaa Isniintii soo xiray Barasaabka Ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane iyo afarta kale ee xafiiskiisa ka tirsan, waxayna xalay ku baryeen xarunta Integrity Centre ee magaalada Nairobi, kahor intaan saaka maxkamadda la soo taagin.

‘Caddeyn lasoo bandhigay ma jirto’

Dhamaan mas’uuliyiintan ayaa hadda laga mamnuucay in ay tagaan xafiisyada dowladda, balse qareenka u doodaya Cali Qorne ayaa sheegaya in aaney jirin wax caddeyn ah oo ku aadan eedaha loo jeediyay ee la xiriira musuqmaasuqa oo la soo bandhigay.

Cali Bunow Qorane wuxuu guddoomiyaha Garissa yahay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Dacwad oogaha guud ee Kenya ayaa horey u amray in la soo xiro mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya oo ay ka mid ahaayen guddoomiyaal gobol, wasiirro iyo dad kale. Dadkaas dhamaantood waxaa loo jeediyay eedo la xiriira musuqmaasuq iyo wax isdabamarin lagu lunsaday dhaqaalaha dowladda.

xigasho bbc somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews