kaafinews.com
Daraasad Cusub Oo Lagu Sheegay In 12 Milyan Oo Qof Oo Koonfur Afrika Ay Qabaan Covid-19
September 15, 2020 - Written by admin

Wasiirka Caafimaadka Koofur Afrika Dr Zweli Mkhize ayaa sheegay in daraasad cusub oo la sameeyay lagu ogaaday in 12 milyan oo qof – qiyaastii 20% bulshada dalkaas – laga yaabo inuu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Tiradan ayaa aad uga badan tan rasmiga ah ee kiisaska Covid-19 oo ah 650,749.

Baaritaankan ayaa lagu saleeyay tijaabo laga qaaday tirada unugyada difaaca eek u jira dhiigga bukaanka fayraska.

War uu xalay soo saaray, ayuu Dr Mkhize ku sheegay in hoos u dhaca kiisaska ay su`aal gelisay heerka ka adkaanta xanuunka ee dalkaas.

Professor Shabir Madhi oo ku takhasusay tallaalka kana tirsan guddiga talobixinta ee wasaaradda ayaa sheegay in tirada rasmiga ah laga yaabo inay intaas ka badan tahay.

Wuxuu ku qiyaasay in laga yaabo in 35% iyo 40% dadka Koofur Afrika ee ku nool meelaha la buux dhaafiyay uu ku dhacay fayraska, taas oo tirade ka dhigi karta 20 milyan.

Bishii July oo uu dalkaasi aad ugu faafayay xanuunka, inta u dhaxaysa 10,000 ilaa 15,000 oo kiisas cusub ah ayaa maalin walba laga soo sheegayay.

Balse 24-kii saac ee ugu dambeeyay keliya 956 kiisas cusub ah ayaa laga soo sheegay.

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa maanta kulan la yeelanaya guddiyada talobixinta iyagoo ka wada hadli doona sida uu haatan dalkaasi wax uga qabanayo xanuunkan safmarka ah.

xigasho bbc somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews