kaafinews.com
Muslimiinta Caalamka Oo Loo Ogolaaday In Ay Cimro Ku Tagaan Xaramka Barakaysan
November 1, 2020 - Written by admin

Muslimiinta ajaanibka ah ee ka yimaad dalalka kale ee dunida ayaa markii ugu horraysay muddo dhawr bilood ah loo ogolaaday in ay masaajidka Xaramka ee Makka cimro ku tagaan tan iyo markii safmarka fayraska korona dillaacay.

Dadka cimraysanaya oo aad u raacaya xeerka kala fogaanshaha, taariikhda sawirkani waa 1 Noofember 2020

Qoraalka sawirka,Dadka cimraysanaya oo aad u raacaya xeerka kala fogaanshaha, taariikhda sawirkani waa 1 Noofember 2020

 

Laga bilaabo maanta oo Axad ah 10,000 oo qof ayaa loo ogolaanayaa in ay xaramka cimro u tagaan.

Taariikhda sawirkani waa 1 Noofember 2020
Qoraalka sawirka,Taariikhda sawirkani waa 1 Noofember 2020

Waxa shardi ah in dadka cimrada gudanayaa marka ay Sucuudiga gaadhaan ay muddo saddex maalmood ah is karantiimeeyaan inta aanay xaramka galin ee aanay ku dawaafin Kacbada.

Dadka cimraysanaya oo markay salaadda tukanayaan raacaya xeerka kala fogaanshaha, taariikhda sawirkani waa 1 Noofember 2020

Sucuudiu si tartiib tartiib ah ayuu u furayaa masaajidada tan iyo markii uu bilaabay in uu debciyo xayiraaddii ka hortagga fayraska korona.

Dadka ku nool dalka gudihiisa ayaa iyaga cimrada loo ogolaaday bishii Oktoobar, hase yeeshee waxa la kordhiyey tirada dadka cimraysan kara si fursad loo siiyo dadka dalka dibadiisa ka imanaya.

Dadka cimraysana oo markay dawaafayaan raacaya xeerka kala fogaanshaha, taariikhda sawirkani waa 3 Oktoobar 2020
Qoraalka sawirka,Dadka cimraysana oo markay dawaafayaan raacaya xeerka kala fogaanshaha, taariikhda sawirkani waa 3 Oktoobar 2020

Xajkii sannadkan oo ku beegnaa bishii Juulaay ee 2020 waxa loo ogolaaday oo keliya 10,000 qof oo ah dadka dalka Sucuudiga gudihiisa ku nool. Taas oo ahayd tiro aad uga yar tiradii malaayiinta qof ahaan jirtay ee sannadadii ka horeeyey sida sawirkan la qaaday xajkii 2016 muujinayo.

Kumanaan xujaaj ah oo ku dawaafaya Kacbada mawsimka xajkii sannadkii 2016
Qoraalka sawirka,Kumanaan xujaaj ah oo ku dawaafaya Kacbada mawsimka xajkii sannadkii 2016

xigasho bbc somali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews