kaafinews.com
Maamulka Premier League Oo Ku Amray Kooxaha Inaysan U Fasixin Xiddigaha Denmark, Sweden & Iceland Xulalkooda & Sababta Oo La Shaaciyay
November 8, 2020 - Written by admin

Maamulka Premier League ayaa u sheegay kooxaha inaysan u fasixin ciyaartoyda u dhalatay dalalka Denmark, Sweden iyo Iceland xulalkooda kulamada heerka caalami ee soo socda.

Talaabadaan ayaa ka danbeysay ka dib markii dowlada Ingariiska ay xayiraad dhanka safarka ah saartay dadka aan u dhalinin UK ee ka imaanaya Denmark iyadoo sidoo kale shaki weyn uu ku jiro kulanka UEFA Nations League ee ay Wembley ku ciyaarayaan xulalka England iyo Iceland.

Fariin loo diray kooxaha habeenkii Sabtida ayaa kooxaha Premier League loogu sheegay in haddii ay ciyaartoydooda u dhalatay Denmark, Sweden iyo Iceland ay u fasaxaan xulalkooda inay keeni doonto inay karantiil galaan muddo 14 maalmood ah marka ay ku soo laabtaan UK.

Fariinta loo diray kooxaha waxaa loo sheegay in sharcigaas aan wax dabacsanaan ah laga sameyn doonin.

Waxay maamulka Premier League u sheegeen kooxaha in FIFA ay ogolaatay horaantii bishii October in kooxaha aysan ku qasbaneyn inay fasaxaan xiddigahooda haddii ay u ciyaarayaan wadan qasab ka dhigaya inay karantiil galaan marka ay soo laabanayaan.

Sharciyada adag ee cusub ayaa walaac ku ah kooxaha taasoo suurtogal ka dhigeysa in kooxaha Premier League ay u diidaan ciyaartoydooda u dhashay wadamadaas inay u dheelaan xulalkooda bishaan November.

Iceland waxay Copenhagen kula ciyaareysaa xulka Denmark seddex maalmood ka hor inta aysan wajihin England.

Madaama Iceland ay booqneyso Denmark waxaa iyagana lagu qasbi doonaa inay karantiil galaan haddii ay imaanayaan UK taasoo meesha ka saareysa inuu dhaco kulanka Wembley.

Tan iyo bishii Juun, ciyaartoyda isboortiga ayaa fasax laga siinayay xayiraada safarka ee la xiriira Korona Fayras.

Sharciyada cusub waxaa dib u eegis lagu sameyn doonaa ka dib hal todobaad, sida ay sheegtay wasaarada socdaalka UK.

XIGASHO LAACIBNET

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews