kaafinews.com
Xiddigaha Madow Ee Ingariiska Oo Doonaya In Qof Madow Ah Madax Looga Dhigo FA-ga Ka Dib Markii Fal Cunsuirino Ah Uu Isku Casilay Cadaankii Hogaaminayay FA-ga
November 11, 2020 - Written by admin

In nin madow ama ama gabar laga dhigo gudoomiyaha xiga ee xiriirka kubada cagta Ingariiska waa talaabo weyn oo hore loo qaaday, sidaasi waxaa yiri daafaca England Tyrone Mings.

Greg Clarke oo ahaa madaxii FA-ga ayaa iscasilay shalay ka dib markii uu hadal cunsurinimo ah ku qeexay ciyaartoyda madow ee ka ciyaarta dalka Ingariiska.

Markii la weydiiyay waxa ay u la micno tahay in nin madow ama gabar madow ah laga dhigo madaxa FA-ga, Mings ayaa yiri:

“Dabcan waxay ahaan laheyd talaabo weyn oo hore loo qaaday. Waxay noqon laheyd wax walba oo ay dad badan ka shaqeynayeen.

“Ma nihin kuwa dalbanaya in gudoomiyaha xiga uu noqdo madow” ayuu hadalkiisa raaciyay xiddiga Aston Villa.

“Waxaan dalbaneynaa in fursad isku mid ah la siiyo dadka madow iyo dadka cad ama dadka laga tirada badan yahay.”

Gudoomiyihii xilka ka tagay Clarke ayaa sheegay in ereygii uu ku qeexay ciyaartoyda madow mar uu ka jawaabayay su’aalo weydiinayaan guddi ka tirsan barlamaanka Ingariiska inay ahaayeen kuwa ka dhan ah ciyaarta kubada cagta.

Daaficii hore ee Manchester City Lescott ayaa isna sheegay in iscasilaada Clarke aysan waxba soo kordhin doonin madaama guud ahaan maamulka FA-ga ay isku feker ka yihiin isticmaalka luqada cunsuriyada ah.

“Boqolkiiba 100 ciyaartoyda madowga ah waxay doonayaan inay arkaan isbedel, laakiin taasi ma dhici doonto” ayuu Lescott u sheegay BBC Radio 5 Live.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews