kaafinews.com
Waa Kuma Ciyaaryahanka Ugu Sadaqada Badan Kubada Cagta?
November 11, 2020 - Written by admin
Haddii aad sheegtay inuu xiddigaan yahay Mesut Ozil waad ku saxan tahay.
 
Xiddiga asalkiisa Turkiga yahay balse u dhashay dalka Jarmalka Mesut Ozil waa xiddig Muslim ah iyadoo aabihiis Mustafa uu Jarmalka tagay isagoo labo sanno jir ah.
Arsenal star Mesut Ozil slams silence of Muslim community in heartfelt prayer for Uighurs
 
Arsenal star Mesut Ozil slams silence of Muslim community in heartfelt prayer for Uighurs
Ozil oo haatan ka maqan garoomada ka dib markii ay Arsenal ka reebtay liiska xiddigaha Premier League iyo Europa League ayaa xaqiijiyay sannadkii la soo dhaafay in mar walba uu garoonka soo galayo inuu akhristo aayado Qur’aan ah.
Wareysi uu siiyay jariirada Daily Star ayuu Ozil ku yiri: “Waxaan akhristaa Quran ka hor inta aan garoonka gelin. Tani waxay iga caawisaa inay iga dhigto mid diirada saara shaqada u taala.
 
“Waan duceystaa, asxaabteyda kooxda waa ay ogyihiin inaysan ila hadli karin marka aan Quran akhrisanayo.”
 
Ozil wuxuu mushahar ahaan Arsenal uga qaataa 350 kun ginni isbuucii laakiin waa xiddiga ugu saqada badan kubada cagta.
 
Xiddiga Jarmalka wuxuu had iyo jeer ka shaqeeyaa quudinta caruurta gaajoon ee wadamada Muslimka iyo kuwa gaalada ahba.
 
Wakiilkiisa Dr Erkut Sogut ayaa shaaca ka qaaday sannadkii hore waxyaabaha uu qabtay xiddiga Jarmalka
wuxuu bixiyay lacagta ku baxday qaliin lagu sameeyay KUN caruur ah
wuxuu quudiyay 100 kun qof oo ku nool 16 xeryo qaxooti oo ku yaala Turkiga iyo Siiriya.
wuxuu bixiyay 240 kun ginni oo lagu daweeyay caruur ku xanuunsan Brazil
wuxuu caawiyaa hay’ada caawisa caruurta ee Rays of Sunshine
Maalintii uu guursanayay xaaskiisa Amine Gulse, Ozil wuxuu balanqaaday inuu bixin doono lacagta ku baxeysa qaliinka kun caruur ah oo dunida daafaheeda ku nool.
 
Markii lagu wargeliyay lacagta ku baxeysa inay tahay mid aad u badan, Ozil ayaa yiri: “Haddii aan sadaqeysan lacagteda, goorma ayaan bixinayaa? Yaanse la siinayaa?’
 
Wuxuu dhawaan balanqaaday inuu bixinayo nin oday ah oo mushahar ka qaadanayay Arsenal muddo dheer oo ahaa ninka xiranayay calaamada kooxda kaasoo ay kooxda u ceyrisay inay dhaqaale darro jirto darteed.
xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews