kaafinews.com
Tababarihii, Ciyaaryahankii Diego Maradona Oo Geeryooday.
November 25, 2020 - Written by admin

Warbaahinta dalka Argentina ayaa goor dhow baahiyay in halyeeyga kubada cagta Diego Armanda Maradona inuu geeriyooday isagoo 60 sanno jir ahaa.

Warbaahinta Clarin ee ka soo baxda dalka Argentina ayaa sheegtay in xiddigii xulka Argentina Maradona inuu geeriyooday ka dib wadno xanuun ku soo booday.

Maradona oo Koob Adduun la qaaday Argentina islamarkaana u soo ciyaaray kooxaha Barcelona iyo Napoli ayaa dunida ka tagay isagoo loo arko inuu ka mid yahay xiddigihii ugu fiicnaa ee abid soo mara dunida.

Diego Maradona ayaa mar sii horeysay bishaan waxa uu ka soo baxay cusbitaal ka dib qaliin lagu sameeyay isagoo madaxa uu dhiig kaga furmay.

Laakiin haatan waxaa la sheegayaa inuu wadno xanuun ku soo booday isagoo jooga gurigiisa Tigre una geeriyooday

Weli qoyskiisa ma aysan xaqiijinin geeridiisa laakiin hilinka ESPN ayaa isagana baahinaya geerida Maradona si la mid ah bogga Twitter ee xulka Argentina ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa.

Maradona ayaa Koob Adduun la qaaday xulka Argentina sannadkii 1986 isagoo lagu xusuusto kubadii gacanta aheyd ee uu ka dhaliyay xulka England.

Wuxuu labo horyaal oo horyaalka Serie A ah la qaaday kooxda Talyaaniga ee Napoli halka uu Copa del Rey kula guuleystay kooxda Barcelona.

598 kulan ayuu u saftay kooxihii uu u soo dheelay isagoo u dhaliyay 207 gool. Xulka Argentina wuxuu u saftay 91 kulan wuxuu u dhaliyay 34 gool

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews