kaafinews.com
Pep Guardiola Oo Maanta Sameeyay Wax Uuna Waligii Sameynin Intii Uu Tababare Ahaa
December 6, 2020 - Written by admin

Tababaraha kooxda Manchester City ayaa maanta qaaday taalaabo uusan waligiis sameynin intii uu tababare ahaa,

416 kulan uu macalin u soo ahaa kooxo waa weyn, Pep Guardiola ayaa markii ugu horeysay abid aan wax bedel ah sameynin kulankii maanta ee Manchester City.

Waligiis Guardiola bilaa bedel ma uusan noqnin intii uu tababar ka soo ahaa Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City isagoo soo maamulay 416 kulan.

Laakiin kulankii ay maanta Manchester City 2-0 uga badisay Fulham, waxay kooxdiisa ku dhameysatay 11kii xiddig ee ku soo bilowday isagoo aan sameynin wax bedel ah.

Guardiola ayaa ka mid ahaa tababarayaasha Premier League ee u ololeynayay in horyaalka lagu soo celiyo sharciga shanta bedel ee dhaqan galay dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Isaga iyo tababarayaasha Man United iyo Liverpool ayaa dalbanayay in sharciga shanta bedel la soo celiyo madaama ay u baahan yihiin inay ciyaartoyda qaar nasasiiyaan sababo la xiriira jadwalka oo ciriiri ah.

Laakiin talaabadii uu qaaday maanta ayaa ah mid ka soo horjeeda waxa uu u ololeynayo isagoo aan wax bedel ah isticmaalin 90kii daqiiqo ee ciyaarta.

8dii bishii November ayay aheyd markii uu Sky Sports ku yiri: “Waxaan dalbanayaa sharciga shanta bedel”, maanta oo 5ta December ahna wax bedel ah ma uusan isticmaalin.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews