Dilalka dhowrka ah ee uu ninkan geystay ayaa dhalisay dood ku saabsan sida inuu qofku is dilo looga doodo baraha internet-ka.
In ka badan 400 oo qof ayaa soo xaadirtay maxkamadda oo ay ka socotay dhegeysiga dacwadda eedeysanaha, inkastoo ay maxkamaddu 16 kursi keliya ugu talo gashay dadweynaha, sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha.
Shiraishi ayaa barta Twitter-ka u adeegsaday inuu ku soo jiito haweenka ku fekera inay is dilaan isla markaana uu gurigiisa keeno, isagoo sheegay inuu ka caawin karo inay dhintaan, mararka qaarna, wuxuu sheegay inuu doonayay inuu isaguna is dilo oo uu iyaga la dhinto.
Wuxuu ceejiyay oo uu jarjaray siddeed haween ah iyo hal nin oo da`doodu ay u dhaxayso 15 ilaa 26 jir, intii u dhaxaysay bilihii August iyo October 2017, sida ay tebisay wakaaladda wararka Kyodo ee dalka Japan.
Dilalka dhowrka ah ee uu ninkan geystay ayay booliisku ogaadeen sanadkii 2017-kii, kaddib markii xubno jirka bani`aadamka ah laga helay guriga Shiraishi oo ku yaalla maagalada Zama, oo u dhow Tokyo.
Warbaahinta Japan ayaa ugu yeertay “guriga argagaxa” kaddib markii laga helay sagaal madax iyo lafaha gacmaha iyo lugaha oo lagu riday qaboojiyeyaal.
Maxaa ka dhacay maxkamadeynta?
Dacwad oogayaasha ayaa doonayay in dil lagu xukumo Shiraishi, oo qirtay inuu dilay isla markaana uu jarjaray dadkaas.
Balse qareennada Shiraishi ayaa ku dooday inuu mudan yahay eedeymo khafiif ah oo ka dhigan “dil oggolaasho wata”, iyagoo sheegay in dadkii uu dilay ay bixiyeen oggolaashaha in la dilo.
Shiraishi ayaa markii dambe beeniyay hadalka kooxdii difaaceysay isagoo sheegay inuu dadkaasi dilay iyagoo aan siin wax oggolaasho ah.
Qareenka oo maanta riday xukunka ayaa sheegay in “midkoona dadka dhintay uusan oggolaan in la dilo”.
“Eedeysanaha ayaa si buuxda mas`uul uga ah,” ayuu yiri Naokuni Yano, sida uu tebiyay wargeyska Straits Times.
Saameyn caynkee ah ayuu reebay kiiskan?
Aabbaha mid ka mid ah haweenka la dilay, oo da`deedu ahayd 25 jir, ayaa maxkamadda u sheegay inuusan “weligiis cafin doonin Shiraishi xitaa haddii uu dhinto”, sida laga soo xigtay warbaahinta NHK ee dalka Japan.
“Xitaa hadda, marka aan arko haweeney gabadheyda da`deeda ah, waxaan ku khaldaa gabadheyda. Xanuunkan weligiis igama tagayo. Ii soo celi,” ayuu yiri.
Dilalkan ayaa ka fajaciyay Japan, waxayna dhaliyeen doodda ku saabsan baraha internet-ka ee looga wada hadlo is dilka. Xilligaas dowladda ayaa sheegtay inay soo saari doonto shuruuc cusub.
Waxay sidoo kale sababeen in isbeddel uu sameeyo Twitter-ka, oo macaamiishiisa ku amray inaysan “buun buunin amaba dhiirri gelin is dilka ama inuu qofku naftiisa waxyeelleeyo”.
xigasho bbc somali