kaafinews.com
Muxuu Jurgen Klopp Ka Yidhi Cadhadii Sadio Mane Kaga Baxay Garoonka Markii Lagu Beddelay Mohamed Salah?
December 20, 2020 - Written by admin

Xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane ayaa ka cadhooday in la beddelay ciyaartii Crystal Palace ay ku xasuuqeen, iyadoo uu dhaliyey gool uu muddo dheer sugayay.

Tababare Jurgen Klopp ayaa go’aansaday inuu saaro Sadio Mane xilli ay ciyaartu maraysay 4-0 oo qaybta dambena ay wax yar socotay, laakiin Mane ayaa ka cadhooday beddelkaas maadaama uu dhaliyey gool, mid kalena caawiye ka noqday, isla markaana uu fursad u haystay inuu goolal kale dhaliyo maadaama uu xili ciyaareedkan kusoo jiray abaar.

Sadio Mane ayaa gacmaha taagay iyadoo ay wajigiisa cadho badan ka muuqatay, waxaana uu si dhab ah iskaga indho tirayey tababarihiisa oo uu u muujinayey waji colaadeed.

Sadio Mane ayaa intii uu ciyaarta ku jiray waxa uu iska lumiyey fursad uu gool labaad ku dhashan lahaa, waxaana la arkayay isaga oo la hadlayay Roberto Firmino iyo Takumi Minamino ka hor intii aan ciyaarta laga saarin.

In la saaro, waxa Mane kaga sii darnayd in ciyaartoyga lagu beddelayo uu yahay Mohamed Salah oo uu ka dhexeeyo xafiiltan aan qarsoodi ahayn oo garoonka dhexdiisa ah.

Tababare Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kaddib waxa uu ka hadlay cadhada iyo ficilka uu sameeyey Sadio Mane, waxaanu qiray inuu xaq u leeyahay inuu cadhoodo.

Klopp oo la hadlayay telefishanka BT Sport, ayaa yidhi: “Sadio Mane sababta uu u cadhooday may ahayn in Mo uu soo gelayo. Laakiin waxaanu ku faraxsanayn inuu ciyaarta daawade ka noqdo, waxa laga yaabaa in ay ahayd laad xor ah inkasta oo aanan si sax ah u ogeyn, isaguna garoonka kuma sii jirin illaa laagga xorta ah.

“Sidaa darteed wiilashu, uma ciyaari karaysaan sidan haddii aad kaliya ahaato askari oo aanad waxba ka samayn karayn waxa uu tababaruhu sheegayo.

“Waxay sameeyaan wixii aan u sheego, balse waa binu-aadam, waxaanay u falceliyaan si gaar ah. Ciyaarta kaddib, Sadio gebi ahaanba wuu fiicnaa, waana arrin wanaagsan.”

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews