kaafinews.com
Mucaaradka Somaliya Oo Ka Falceliyay Hadalkii Xukumada Ee Hirgelinta Doorashada.
January 9, 2021 - Written by admin

Qaar kamid ah musharixiinta Soomaaliya ayaa ka falceliyay go’aankii maanta kasoo baxay xukuumadda federaalka iyo qaar kamid ahy maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee ahaa in la qabanayo doorashooyinka dalka.

Afhayeenka midowga musharrixiinta mucaaradka, Ridwaan Xirsi Maxamed, oo ah muasharrax madaxweyne ayaa BBC-da u sheegay in hadalka xukuumadda uu yahay hadal lama filaan ah.

Ridwan ayaa sheegay in saddex mar uu madaxweynaha Galmudug dalbaday in uu ka odayeeyo khilaafka la xiriira doorashada, waxayna tusaale usoo qaateen shir ay madaxweyne Qoorqoor kula yeesheen Garowe oo ay sheegeen in halkii ay ka warsugayeen madaxweynaha Galmudug ay ka war heleen hadalka xukuumadda maanta kasoo yeeray.

” Garoowe intii aynu joognay, waxaa inoo soo baxday in arrimaha la isku hayo ay yihiin arrinta Somaliland, xubnaha guddiga doorashada ee dhinaca dowladda u janjeera iyo arrinta Gedo, waxaan ka wada hadalnay sidii tabashooyinkaas loo xallin lahaa, madaxweynaha Galmudug na waxaa uu dalbaday saddex oo uu Muqdisho kula kulmayo madaxda qaranka, si uu jawaab ugu keeno, iyadoo jawaabta la sugayo waxaa la yaab noqotay inay shir jaraa’id qabtaan oo ay yirahdaan madaxda Jubaland iyo Puntland ayaa jawaab laga waayay”, ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda ay ku adkeysato arrimaha walaaca laga qabo ay tahay arrin aad iyo aad looga xumaado, ilaa iyo iminkana aanay wax jawaab ah ka helin madaxweyne Qoorqoor iyo Mahdi Guuleyd oo uu sheegay inay Garowe ku wada hadleen.

PMO

Hadalka mucaaradka ayaa kusoo aaday saacado un kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay go’aansatay hirgelinta doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan.

Doorashooyinkan oo wali uu muran ka taagan yahay ayaa xukuumadda federaalka waxay sheegtay in iyada iyo qaar ka mid ah maamul gobaleedyada ay arrintaas isla garteen.

War qoraal ah oo goor sii horreysay ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go’aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen ra’iisul wasaare Roble iyo madaxweynayaahsa maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir ayaa ra’isul wasaaraha xukuumadda waxaa uu sheegay in safarradii uu ku tegay qaar kamid ah gobolada dalka ay ahayd sidii loo xallin lahaa tabashooyinka ay qabaan qaar kamid ah maamul goboleedyada.

“Socdaallaadii aan ku tegay maamulada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug waxay qeyb ka ahaayeen dedaaladii aan ku doonayay in dalka doorasho loo jaheeyo, wixii tabasha ahna si xilkasnima leh looga wada xaajoodo, si taas looga guul gaaro, xukuumadda federaalka waxay go’aansatay in lagu guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed, loogana fogaado wax alle wixii carqaladeyn kara fullinta heshiiskii doorashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho sanadkii 2020-ka”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Roble.

PMO

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay madaxweynaha Galmudug oo sheegay in markii uu dhawaan tegay Garowe madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland ay ka aqbaleen dhexdhexaadin.

“Waxay isoo dhiibeen qoddobo saddex ah oo ay ka dalbanayaan madaxda dowladda federaalka inay fulliyaan, si loo soo afjaro tabshooyinka ay ka qabaan arrimaha doorashooyinka, kadib waxaa shir la galay madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Roble, intaas kadib waxaan dib ugu celiyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland go’aanka madaxda federalka ee doorashooyinka, si halka hadda la taagan yahay looga dhaqaaqo, dalkana ay uga dhacdo doorasho heshiis lagu wada yahay oo wkahtigeeda ku qabsoonto, waxaan rabaa in aan halkaan ku caddeeyo in wali wax jawaab ah aysan kasoo noqonin saaxiibadey, madaxda Jubaland iyo Puntland iyo dhinacyadii kale”, ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Ilaa iyo hadda ma kala cadda waxa uu ka dhigan yahay go’aanka dowladda iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada oo doonaya in dalka ay ka dhacdo doorasho aysan qeyb ka ahayn maamulada Jubaland iyo Puntland, sidoo kale ay saluugsan yihiin dhammana musharrixiinta mucaaradka.

Dhanka kale wax war ah oo arrintaan la xiriira wali kama soo bixin maamul goboleedyada Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta kale ee u hanqal taagaya xilka madaxtinimada Soomaaliya oo in badan oo kamid ah wax ka tabanayay hannaanka doorashooyinka loo marayo.

XIGASHO BBC SOMALI

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews