Qof ka mid ah burcadda kumbuyuutarrada wax ku kharriba ah ayey u suurtagashay in uu gacanta ku dhigo qalabka lagu maamulo adeegga biyaha ee la siiyo magaalo ku taalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, kaddibna wuxuu isku dayay in uu kiimiko “khatar ah” ku daro biyaha shacabka loo sii daayo, sida ay saraakiisha dalkaas sheegeen.

Burcadka ayaa xoogaa ku kordhiyay saddiga kiimikada loo yaqaanno “sodium hydroxide (lye)” ee lagu daro biyaha la siiyo magaalada Oldsmar, isagoo isticmaalaya qalabka lagu daweeyo biyaha, si loo nadiifiyo.

Laakiin, nasiib wanaag waxaa arkay mid ka mid ah shaqaalaha, kaasoo durbadiiba ka hor tagay falkaas halista ah.

Kiimikada Lye ayaa loogu talo galay in xaddi aad u yar laga isticmaalo si loogu ilaaliyo fayoqabka biyaha, balse haddii wax badan lagu daro biyaha waxaa ka dhalan kara dhibaato weyn.

Duqa magaalada Oldsmar, Eric Seidel ayaa yidhi: “Qof xun ayaa falkaas ku kacay.”

Ma jirto cid ilaa hadda loo xiray arrintaas, lamana oga in qofka falkaas sameeyay uu ku sugan yahay gudaha Mareykanka iyo in uu dibadda ka joogo toona.

XIGASHO BBC SOMALI