Hargeysa(Kaafinews)Siyaasiga Cali khaliif oo hada la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta somaliland ayaa sheegay in aanu ansax ahayn heshiiska ay wada galeen somaliland iyo khaatumo oo uu dhawaan ka hadlay gudoomiyaha golaha guurtida somaliland kaasi oo ku tilmaamay heshiis ay wada galeen Cali Khaliif Iyo Madaxwayne Siilaanyo.

Geesta Kale waxa uu ka hadlay in uu ka mid noqonayo xukuumada uu soo dhisayo madaxwayne Muuse Biixi Cabdi kaasi oo sheegay in aanu u ordayn mansab siyasadeed waxaanu sheegay in uu wakhtigan rabo in uu ka nasto arimaha siyaasada, Geesta kale waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay  i n wakhtigan uu madaxwayne Muuse Biix ku guulaysto talada dalka.

Mar Dhaw Filo Muuqaal Xasaasi Ah