kaafinews.com
Doodaha Lagu Xoojinaayo Qaddiyada Soomaalilaan. W/Q: Cali Cabdi Coomay
January 3, 2019 - Written by admin

Tusaale inay ahayd dawlad lahayd 33 xildhibaan oo Baarlamaan, Raysal wasaare, wasiirro iyo saddex xisbi. Ka dibna uu u soo daadagaa

Warbaahinta Soomaalida iyo tan caalamka ayaa inta badan qabata dooddo lagu lafo-gurayo midowgii dhexmaray Soomaalilaan iyo Soomaaliya, iyo suurtagalnimada bal inay mar kale isku soo noqon karaa labada dawladood. Doodaha loo qabto aqoonyahanka labada dhinaca mararka qaarkood ma dheelitirna oo marna reer Soomaaliya ayaa u badan marn kalena reer Soomaalilaan. Hadaba aqoonyahanka reer Soomaalilaan ee doodaha masiiriga ah ka qaybgalayaa waa inuu ka dheregsan yahay qoddoba ubucda u ah dooda qaddiyada Soomaalilaan. Haddii aanu waxba ka aqoon taariikhda iyo waayihii dhabta ahaa ee dhexmaray Soomaalilaan iyo Soomaaliya waxa u fiican in aanu gelin doodaha noocaasi ah. Qoddobadan hoose ayaa lagu xoojin karaa u doodista qaddiyada Soomaalilaan:

<span< span=””>

style=”font-size:16px;”>= Taariikhda Soomaalilaan: Aqoonyahan kasta oo u tafaxaydtay inuu ka qaybgalo doodaha ku saabsan qaddiyada Soomaalilaan waa inuu si fiican u yaqaan sooyaalkii hore ee ay Soomaalilaan lahayd oo uu difaaci karaa dawladnnimadii hore ee Soomaalilaan. Tusaale inay ahayd dawlad lahayd 33 xildhibaan oo Baarlamaan, Raysal wasaare, wasiirro iyo saddex xisbi. Ka dibna uu u soo daadagaa isku biiristii oo aanay reer Soomaalilaan jacayl ay walalahood u qabaan wax shuruud ah ku xidhin oo ay sidaasi ula midoobeen. Hasayeeshee walaalahood aanay u garan inay sedkooda siiyaan walaalahan jacaylka awgii dawladnnimadoodu ugu soo dhiibay Soomaaliya.

= Kala Saar midnimada Soomaaliya iyo Soomaaliweyn: Aqoonyahanno badan waxa isaga khaldan Soomaaliya iyo shantii Soomaaliyeed (Soomaaliweyn). Qof kasta oo aaminsan fikirka Soomaaliweyn wax khatar ah kuma hayo jiritaanka Soomaalilaan, hasayeeshee waxa khatar ku haya kan aaminsan midnimada Soomaaliya oo dafirsan jiritaanka Soomaalilaan. Reer Soomaalilaand way jecel yihiin in Soomaaliweyn dib loo nooleeyo oo rajadii laga qabay ay soo noqoto in kasta oo aanay indhaheedii muuqan haddana waa u diyaar. Fikirka midnimada Soomaaliya waa in aan la ogalaan jiritaanka Soomaalilaan oo si cad loo diido rabitaanka shacabka Soomaalilaan ay ku go’aansadeen inay dib ula soo noqdaan dawladnimadoodii ka maqnayd ku dhawaad 30 sannadood. Markaa waxa ugu khatar badan oo ay tahay in doodda lagu waajaho kan aaminsan fikirka midnimada Soomaaliya (Unionist).

= Iska jir Erayada “Separatists iyo Secessionist”:Qaddiyada Soomaalilaan waxa ay ku fadhidaa kalmada” LA SOO NOQOSHO”, waa laba dal oo midoobay oo markii midowgii lagu heshiin waayey ay la soo noqosho dhacday dhinaca ay doonta ha ka timaadee. Midowga Soofiyadka oo ka koobnaa 15 jamhuuriyadood ee la unkay sannadkii 1917 wuxuu burburay oo lagu kala tegay sannadkii 1989, markii lagu heshiin waayey. Waxaana ka dib dawladnnimadoodii dib u soo ceshaday dalalka, Georiga, Ukraine, Armenia, Uzbekistan, Lithuania, Estonia, Latvia iyo kuwa kale. Dhammaan dalalkaasi waxa lagu aqoonsaday xuduudihii ay lahaayeen ka hor midowgii Soofiyadka. Federaalkii Yugoslavia oo ka koobnaa 8 jamhuuriyadood ayaa isna burburay markii lagu heshiin waayey, oo ay dagaallo qadhaadhi ka curteen, waxa aanu u kala baxay, Serbia, Croatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia, Kosovo iyo kuwa kale. Sidaasi darteed dal kasta oo saluuga midowga uu dal kale la galay dib ayuu uga noqdaa, oo dawladnnimadiisii u soo ceshadaa, Soomaalilaana kuwaasi ayey la mid tahay. SIYAASIYIIN BADAN AYAA CARRABKA KU BALLAADHIYA SOOMAALILAAN SOOMAALIYA AYEY KA GO’DAY. Waa khalad isticmaalka hadalkaasi waa LA SOO NOQOSHO AMA KA BIXITAAN MIDOW.

Isticmaalka labada eray waa ku khalad in loogu yeedho qofka aamisan qaddiyada Soomaalilaan, waayo Saparatist waa gooni-u-goosato, Soomaalilaan gooni-u-goosato maah ee waa la soo noqosho dawladnnimo oo ka baxday midowgii labadii dawladood ee Soomaaliya iyo Soomaalilaan. Adeegsiga gooni-u-goosato waa dal, dal kale imika ka go’ay ama ka go’aya oo ku jira halgankii ka go’itaanka, waana shay cusub oo hadda bilaabmaya. Aqoonyahanka Soomaalilaan waa inuu dood cilmiyeysan ku difaacaa in loogu yeesho “Separatist “ kuwa midnimada Soomaaliya aaminsani waxa ay isugu yeedhaan “Unionist” ama midnimo-doon.

= Qorshaha Plan A iyo Plan B:Waxa inta badan dhacdy oo soo noqnoqatay in aqoonyahan Soomaalilaan la soo hordhigo haddiiba ay Soomaalilaan heli weyday aqoonsi muddo 27 sanno ah, maxaa qorshe kale ah ee idiin labeeya ee aad dooran kartaan? Waxa la yidhi Meyd waxa u dambeeyey kaa la sii sido. Shirkii Jabuuti ka dhacay ee machadka Heritage qabtay ayaa mar kale soo celiyey su’aashaasi. Dhawr arrimood ayaa la soo qaatay oo D.r Bulxan oo kale wuxuu soo jeediyey in nidaamka ugu macquulsani uu yahay in iskaashi laba dhinac ah la yeelan karo (Association), oo aanay marna dhacayn Fadaraal ama Co-Fadaraal. Aniga aragtidaydu waxa ay tahay in qorshaha labaad ee haddii Soomaaliya iyo Soomaalilaan ku heshiin waayaan in la kala baxo oo iyana midnimo la soo taagnaadaan Soomaalilaan la soo noqosho, waxa ugu dhaw in qaramada midoobay ay afti ka qaado shacabka Soomaalilaan, oo lagu weydiiyo dadka inay kala doortaan MIDOW ama LA SOO NOQOSHO. Waayo Distoorka Soomaaliya wuxuu dhigayaa inuu dambiile yahay qofka ogolaada inay Soomaalilaan dawlad tahay, sidaasi oo kale Distoorka Soomaalilaana oo shacabku u codeeyeen wuxuu dhigayaa inay lama taabtaan tahay rabitaanka dawladnimada Soomaalilaan oo ay shacabku dib ula soo noqdeen dawladnnimadoodii.

= Kelmada Gobollada Waqooyi:Taxanaha Taariikhda Soomaalilaan meelna kagam jirto kelmada GOBOLLADA WAQOOYI ee lagu burburinaayo jiritaankii dawladii Soomaalilaan ka hor midowgii dhexmaray Soomaaliya. Si loo weeciyo jiritaankii dawladnnimadii hore ee Soomaalilaan ee 1960 waxa ay reer Soomaaliya allifeen oo ay taariikhda ku soo dareen laba gobol oo midoobay 1/7/1960. Markaasaay ku odhanayaan midowgii dhexmaray gobolladii waqooyi iyo gobolladii koonfureed. Aqoonyahanka Soomaalilaan waa inuu dood ku difaacaa taariikhdaa gacan-ku-rimiska ah ee loo allifay aasida dawladnnimadii hore ee Soomaalilaan. Si taasi ay Aqoonyahanka Soomaalilaan uga doodaan waa inay si fiican uga dheregsan yihiin taariikhdii dawladnnimadii Soomaalilaan ee ka hor midowgii dhexmaray Soomaaliya. Sidoo kale waa in laga dheeraado adeegsiga kelmadaasi.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews