kaafinews.com
Maanso Saldhiga Aqoonta Oo Ka Hadlaysa Asluubta Iyo Anshaxa Wanaagsan Ee Looga Baahan Yahay ( Wariyaha ama Suxufiga ) .
January 7, 2019 - Written by admin

Mar kale,midhaha maansadani waxay si mug leh iyo miisaaman leh u iftiiminaysaa 90 qodob oo ay lagama maarmaan

Maansada Saldhiga Aqoonta waxaa curiyay Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle.Waa maanso xambaarsan waano iyo tilmaamo suuban oo si qotodheer u iftiiminaya waajibaadka Wariyaha ama Suxufiga waxaan u arkaa in Midhaha Maansadani xambaarsan tahay ay noqon doonto Wacdi iyo Waano ku socota wariyayaasha iyo Warbaahinta .

Sidoo kale,midhaha maansadani waxay daaha ka qaadayaan asluubta iyo anshaxa wanaagsan ee uu looga baahan yahay ( Wariyaha ama Suxufiga ) .

<span< span=””>

style=”font-size: 14pt;”>Mar  kale,midhaha maansadani waxay si mug leh iyo miisaaman leh u iftiiminaysaa 90 qodob oo ay lagama maarmaan tahay in uu wariyuhu ku dhaqmo,waxaan aaminsanahay in 90-kaa qodob ay saldhig u noqon doonaan xeerka Saxaafada waxaanay ku bilaabantay sidan .

Gaariyow suugaantii

Todobaatan iyo sadexdii

Siinlay la odhan jiray

Hall-doorkii sameeyee

Weedhaheeda soo simay

Maan galin safkoodii

Sabi baan ahaayoo

Sanqadhii baxaysiyo

Waayaha lamaan socon

Saakana xus wayniyo

Sanad guuro wacanbaan

Uga dhigay silsiladaas

Subcintayda maansadu

Waano weeyi soocoo

Wariyahay ku socotaa

Saxaafada dhamaanteed

Salaanbaan u dirayaa

Ma ogtahay siciidow

Saxaafadi in ay tahay

Saldhigii aqoontoo

Qalinkuna sir leeyahay

Marka xiga siciidow

Cadaaladu siday tahay

Lama kala sareeyee

Suuradiisa aadmiga

Sadarada aqoontaa

Lagu kala suntaayoo

Lagu kala sifeeyaa

Ma ogtahay siciidoow

Runtu in ay sad-wayn tahay

Saxansaxo udgoon tahay

Warka subag u yeeshoo

Sixiniyo baruur tahay

Suuqgayna noqotoo

Sumcadeedu badantahay

Beentuna siniintoo

Siifadeedu kulushahay

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hanoonsani

Sooma jeeste weeyoo

Socodkana ma daaloo

Sahanbuu galaayuu

Warar sugan ku keenaa

Saadaasha gaarka ah

Suuraynta faalada

Sobobaynta kama tago

Ma ogtahay siciidow

Suxufigii hanoonsani

Sabaduu ku noolyahay

Saamayn ku leeyahay

Bulsho waynta sixi karo

Cadaaladiyo sinaantiyo

Samahana ka talin karo

Nabadana ku sugi karo

Ma ogtahay siciidoow

In sagaashan qodoboo

Warbaahinta u seesoo

Salka loo goglaa jiro

Saajinkii qoraalkow

Yuu kula sabaynine

Suryo weeyi adagee

Surinkaasi haba galin

Suubanaanta dhaqankana

Soohdintooda dhawroo

Sodohaha ha faalayn

Inkastoon sabool nahay

Waajibaa ku saarane

Ha ku raadin sooryoo

Sii jeedka ha ku tabin

Ha ka suulin garashada

Dulmigana ha saacidin

Ha ku galin dir-soociyo

Safashada qabiilkiyo

Sunta qaranka dumisiyo

Silbashada habawgiyo

Ka ilaali siliitada

Saxaafadu xor weeyoo

Ma taqaan safaadkee

Dulmigood salaaxdiyo

Sinji lagu amaaniyo

Suubintaa u daranoo

Si kalay ku noqotaa

Wariyuhu silooniyo

Sahwi buu ka qaadaa

Colaadaha sokeeyaha

Ha u qaadan soofoo

Ha ku saydhin wararoo

Boogaha ha sii sarin

Salaadiinta talisana

Dhaqankay sidaanoo

Xurma aada siiyee

Ka ilaali saxarkoo

Sad-bursiiyo kula dhaqan

Mar-mar bay siqaanoo

Soone kale galaanoo

Hadal aan saluugiyo

Ku arkaa sitaadkee

Sibiq wixii ku dhaafana

Sajilaada  ha ku darin

Saraakiisha qarankana

Ha u soohan xadhigoo

Ha ku jiidin seetada

Maamulkaa ku siriree

Madaxdana ha seelayn

Saacadaha qodaalkana

Ha la seexan garashada

Siidhiga afuufoo

Wacyi galinta sii-daa

Siyaasada warkeeduna

Saaxad weeyi daranoo

Saxmad iyo wareerlee

Balamihii siyaasigu

Salaankani ku soo koray

Su’aalaha ka waydii

Sabaaluhu ma fiicnee

Sacabada ha hoos dhigan

Sarbi lagu uleeyiyo

Seef laga cabsoodaba

Saxaafadaa ka dhiganee

Haka baqo siyaasigu

Sharciguna siduu yahay

Ha u qaadan salaboo

Ha sadqaynin waligaa

Sartu halkay ka qudhuntiyo

Musuqana ha saamixin

Xididada u saaroo

Ha la seegin goobaha

Dhaliiluhu sinmeenoo

Subaxdii timaadaba

Sanqashada masuulada

Sanco weeyi cusubee

Suqduudkuu maraayiyo

Saadkuu ishaaree

Ha u tudhin siyaasiga

Safiirada cadaankee

Samafalka ku magac dheer

Deeqbay sidaanoo

Dadwaynaha silcaayay

Sawirada ka qaataan

Sanduuqoogan buuxee

Suul dhabaale madhan iyo

Siminaaro lagu cuno

Soodhka soo faqaayee

Sandulaha waxqabadka ah

Sanka kaga tolaayaa

Horta suxufi waa adi

Ha sagsaagin weedhaha

Ku sargoo halhaysyada

Waa saaf afbadanee

Yuu saawir kaa noqon

Dhamaad Maanso Saldhiga Aqoonta

Abwaan  Sacad X Maamuud Gadhle Gabiley S/land

 

waryaqaan@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews