kaafinews.com
Maxkamad Amartay In Lala Wareego Hantida Arturo Vidal Iyo Dembiga Uu Ka Geystay Talyaaniga Ee Sababta U Noqday
January 9, 2019 - Written by admin

Maxkamad ku taalla waddanka Talyaaniga ayaa amar ku bixisay in la xaraasho hantida laacibka Barcelona ee Arturo Vidal ku leeyahay waddankaas, kaddib markii uu kasoo xaadiri waayey dhegaysiga dacwad sannad socotay oo uga furnay magaalada Turin.

Laacibka reer Chile ayaa waxa kiiskiisa go’aan ka gaadhay dacwad loosoo gudbiyey sannad ka hor oo dhegaysigeedii ugu dambeeyey uu ahaa December 24, laakiin Vidal ayaa diiday inuu ka qayb-galo.

Vidal oo loo haysto lacag deyn ah oo dhan 18,489 Euro oo ay ku leedahay shirkad dhinaca socdaalka ah, ayaa waxay maxkamaddu amartay in lala wareego afar guri oo uu ku leeyahay magaalada Turin, kuwaas oo la xaraashi doono.

Sida lagu sheegay digniintii ugu dambaysay ee ay maxkamaddu u dirtay ka hor dhegaysiga kiisii dhawaanta lasoo xidhay, haddii uu Vidal ku bixin waaayo lacagta lagu leeyahay ka hor dhamaadka sannadkii tegay ee 2018, waxa gebi ahaanba lala wareegayaa hantidiisa.

Lacagta deynta ee lagu lahaa Vidal ayaa waxay ahayd 12,058.75 euro laakiin waxa lagu daray kharashkii maxkamadda oo ka dhigay totalka lacagta 18,489 Ero, waxaase ay shirkadda socdaalku leedahay oo la siinayey 17,045.76 euro, halka inta kalena tahay ganaax ka yimid dhinaca maskamadda.

Warku ma sheegin in Arturo Vidal uu rafcaan ka qaadan doono go’aanka maxkamadda ee lagula wareegayo hantidiisa oo noqonaysa malaayiin Euro, hase yeeshee lacagta loo haysto ayaa waxay ka yar mushaharka uu saddex saacadood ka qaato Barcelona.

Xiddigan xamaasadda badan ayaa waxa uu mushahar u qaataa lacag ka badan 7 milyan sannadkii, waxaana is weydiin leh sababta uu u diiday inuu bixiyo lacagtan yar ee hantida badan ka galaafanaysa.

xigasho laacibnet

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews