kaafinews.com
Cali Coomiyoow , Gadaafiyo Si Aan Eex Lahayn , Maad Garta U Qaadid. W/Q: Axmed Nuur Guruje.
January 9, 2019 - Written by admin

Halkaa markay maraysay waxaa la badalay Wakiilkii maxamed saxnuun , waxaana badalay Ambassador Kitani , kaasoo diiday in ciidamadda

Waxa jirey maalin dhawayd in maqaal aan qoray , ciwaankiisu ahaa Missed opportunity , kaasoo aan si yar oo kooban , isla markaana sar ka xaadisa aan ugaga waramay faragelintii Qaramadda midoobay ku samaysay wadanka Soomaaliya , anigoo si guud mara hawshaa u taataabay .

Qormaddaa waxaa ka dareen celiyay Qorre Cali Coomey oo sheegay in Dawladdii C/raxmaan tuur dalbatay in wadanka la keeno ciidamo shisheeye , isla markaana beeniyay hadalkaygii ahaa dawladdihii Cigaal iyo Tuur inay diideen in wadanka la keeno ciidamo shisheeye .

Hadaba hadalkaas , waxaan uga jawaabayaa sidan .

Xukuumaddii C/raxmaan Axmed cali ,

Qaramadda midoobay waxay ka dalbay markii uu joogay wakiilkii la odhan jirey Dr Maxamed saxnuun in magaaladda berbera la keeno ciidamo dusha ka ilaaliya raashina mucaamidda ah ee lagga soo dejinayo , dawladdii C/raxmaana waxay soo jeedisay in ciidamadaas laggu keeno magaca Somaliland .

Halkaa markay maraysay waxaa la badalay Wakiilkii maxamed saxnuun , waxaana badalay Ambassador Kitani , kaasoo diiday in ciidamadda laggu keeno magaca Somaliland,dawladdii c/raxmaana way diiday in si kale loo keeno .

ugu danbayn , wada tashi ay yeesheen Qaramadda midoobay oo ay ka qayb galeen khubaro sharci yaqaani , waxay go’aansadeen in nuqulo laggu sheegayo in Somaliland magaceedda laggu keenayo lagga saxeexo Somaliland wax koobiyana aan la siinin .Qorshahaas ayuu Kitani Hargaysa la yimi , Waxaanu dalbaday in koobiyadii la saxeexo , C/raxmaan Axmed cali oo ahaa , Diblomaasi ruugcadaa ihina wuxuu u sheegay in uu la tashanayo golaha wasiiradda iyo odayasha , hassa yeeshee kitaanina wuxuu sheegay in uu haysto 2 saac oo keliya , sidaas ayaanu cadho ugaga duulay Hargaysa .

Mr Kitaani markii uu gaadhay Nairobi , wuxuu la hadlay 80 haayadood , waxaanu u sheegay in la amray in Somaliland lagga joojiyo Somaliland mucaawimadda , siddoo kale wuxuu amray in qalab miino baadha oo ay ku jireen 4 kaare oo Soomaliland miinada lagaga guri lahaa , loo weeciyo wadanka Angola , iyagoo badda kusoo jirey .

Somaliland iyo Unisom sidaas ayay ku kala tageen , hassa yeeshee , markii ay dhacday dawladdii C/raxmaan tuur ayay mar kale soo noqdeen ,iyagoo magacii horre badalay , hassa yeeshee waxay mar kale isku dhaceen dawladdii cigaal , oo amartay in ay wadanka ka baxaan .

sidaas ayaanay labaddii madaxwayne , labaddii marxuum ee madaxwayne yaasha ahaa , sutidda uga qabteen qorshihii qaramadda midoobay .

Markhaati , sheekadan oo faahfaahsan , waxaa kagga waramay buugiisa La yidhaahdo , what happened in Somalia , Mr john Drayside , oo ahaa khabiir lasoo shaqeeyay Dawladihii Somaliland iyo Qaramada midoobay , qof kasta oo arrintan xog uga baahana waxaan usoo jeedinayaa , in uu baadho buuggaa aan soo sheegay .

Arrinta Butrus Qaali , Coomey wuxuu yidhi , Cigaal wuxuu olole u galay in xilka lagga qaaddo , ka dibna sidii baa lagaga qaaday .

Dr Butrus Qaali wuxuu ahaa Xoghayihii guud ee Qaramadda midoobay , Cigaala wuxuu ahaa Madaxwaynaha wadan aan la aqoonsan kursina aan ku lahayn golaha guud ee Qaramadda midoobay markaa , sidee buu markaa olole ugu gelay in Butrus qaali xilka lagga qaado ,Bi’i waa cabdinuuroow .

Butrus Qaali siddee buu kursigga uga tagay .

Dr Butrus Qaali wuxuu xilka xoghayaha guud ee Qaramadda midoobay qabtay jenuary 1992 waxaanu waqtigiisu ku eekaa December 1996 , hassa yeeshee markuu dhamaystay teeramkiisaa koowaad oo ahaa afarsanaood , wuxuu isu soo taagay in uu marlabaad is sharaxo , hassa yeeshee waxaa codka diidmadda qayaxan ee fiitoodda loo yaqaano isku hortaagay wadanka Maraykanka , sidaas ayaanu ku tagay oo aanu mar labaad usoo noqonin , hassa yeeshee teeramkiisii koowaad ee loo doortay wuu dhamaystay .

Ugu danbayn , saaxiibkay mr Coomey oo aan arrintan wax

xidhiidha aan igala soo samaynin , labaddaa oday ee geeriyoodayna midna u xeebtay midna ku xaabiyay , waxaan leeyahay , Gabaygan abwaan soomaaliyeed horre u yidhi .

Gadaafiyo si aan eex lahayn , maad garta u qaadid ,

Geyigeena oo idil intii magacle maad goobtid ,

Nin waliba wuxuu uu kasbaddo maad gunno u siisid .

W/Q: Axmed Nuur Guruje.

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews