kaafinews.com
Waa Maxay Dawladdi? WQ Axmed-xiis Dharbaan
January 12, 2019 - Written by admin

Wakhtigaas Alexandre waxa uu ahaa arday, Aristotle ayaa u ahaa macalin. Casharka ugu wayn ee uu ka guntayna waxa uu ahaa:

In ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu ku qabay qabsashashada Athens iyo Sparta.  Odaygu waxa aannu kalsooni ku qabin wiilkiisii kali ahaa –  Alexander.  Wiilku waxa uu odayga ulla muuqday nin aan lahayn kartidii uu ku midayn lahaa gobolada Giriiga.

Labada Gobol ee kale – Athens iyo Sparta –  Phillib Iyo gobolkiisa Macedonia, waxa ay ka haysteen dad badaw ah; aan lahayn xadaarad isla markaana yaqaana kaliya sida wax lo burburiyo.

Philib talo waa ay ka baahday.  Shawrka naftiisa waxa maqashay Afadisii. Olympias waxa ay daalacatay xaajigu in uusan ka hadhin dareenkii dumarka; damacaana waxa ay


ka meel dhigatay dabin.

Wakhtigaas Alexandre waxa uu ahaa arday, Aristotle ayaa u ahaa macalin.  Casharka ugu wayn ee uu ka guntayna waxa uu ahaa:  Dunnida in aad qabsaatid waxa ka xiga DARIUS III – boqorkii FAARIS.  Casharkaasi waa mid ka gadisan rabitaankisii Aabihii.  Aabihii waxa uu ku tamaayey qabsashadda Giriiga.  Aristotle-na wiilkii waxa uu usoo liqimay qabsashadda caalamka.

Philib rabitaankisii ahaa inu minyaraysto, waxa kasoo hor maray qorshihii islaanta – dilkii odayga!  Alexander ayaa dhaxlay boqortooyadii Macedonia.  Abaabul ciidan kadib, Alex wuxuu wajahay Faaris.  Dagaalo kala dambeeyey oo si taxane ahaa guushu ugu raacaysay dhankiisa, waxa uu kusoo afmeeray geerida Darius oo lagu dilay Afghanistan!  Wiilkii yaraa ee Alex, wuxuu qabsaday Masar, India iyo qaybo ka mida China.  Alexandre waxa uu isu bedelay Alexander The Great!

Alex wuxuu ku dhintay Babylon cimrigiisa oo ahaa 33 jir.  Waligii ma qabsan Sparta.  Faaris mudo kooban kabacdi xadaradoodi maamul oo wadata magaca Sasanid soo ceshade.

Alexander The Great sanado kooban ayuu ku hantiyey dhul baaxad wayn, waxa se jirta Alexandre ma dhisin dawlad haykal leh.  Alexandre waddankisii kama samayn nidaam dawladeed, sidaa daradeed Alexandre ma odhan karno waxa uu sameeyey dawlad.

Faaris waxa ka burburay wagaas nidaam dawladeed, gadaal waxa ay ka dhisteen hadana nidaam dawladeed.  Su’aashu waxa ay tahay waa maxay dawladdi?

Soomaalidu inta badan dawlad-nimada waxa ay u yaqaan caddaalad iyo sinnaan.  Dawlad wanaagsan marka ay tilmaamayaan, carabka waxa ay ku dhuftaan Maamulkii Cumar Bin Khadaab (rc) iyo wiilkii uu Awowga u ahaa ee Cumar Bin Cabdulasiis (rc).  Caddaaladu waa rugni ka midda saddexda waxood ee maamulka: Sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka.

Dadyow badan ayaa iyaguna dawladnimada u yaqaan maamul daadajin iyo isla xisaabtan; taas oo laga dhadhansano karo in ay u jeedaan waaxda fulinta oo gudata hawshii loo xilsaaray.

Kuwo kale, dawlad-nimada waxa ay u fahmeen sharciga oo shaqeeyaa.  Sadexdaa dhardhaar oo laysla helo, weeye dawlad dhamaystiran.  Waxa qaba jaamiciyiinta.

Xadaaradihii hore haddii aad jaleecdid.  Waxa kusoo baxaya xadaarad ka dhalatay webi.  Mid la ammaanayo oo la leeyahay waxa ay lahayd qoraal ama lacag.  Naill Ferguson waa taarikh-yahan.  Mar uu is-dul taagay sababaha galbeedka dhaafiyey dunnida inteeda kale, waxa uu ku ururiyey lix ammuurood.   Saddex ayaa sidatan ah: Tartan ganacsi, wax-so-saar iyo dhaqanka/xeerka shaqada.

Saddexda mawduuc ee aan kala soo baxay lixda qodob macno ahaan makala foga; labo kale ayaa iyaguna si dadban usoo hoos galayaan saddexda hore. Iyagoo noqonaya Science – makiinad, tamar, tignoloji – iyo Medicine. Qodobka lixaad wuu ka durugsan yahay shanta cinwaan ee kale waa dimuqraadiyad.

Taarikh ahaan durug, dhul ahaana soo dhowoow.   Quraanku wuxu ina faray gabadh boqorad ahayd oo ku noolayd Yemen.   Gabadhaasi, waa Bilkhiis’e waxa ay maamuli jirtay dhul u dhexeeya laba wabi.   Ethiopianka haddii aad waydiisid dawlad-nimadu xagay idinka soo gashay?  Si midaysan oo kalsooni leh, waxa ay ku odhanayaan  ”Dawladda Ethiopia waxa ay kasoo farcantay Magalada Yeha; abqaalkeeda waxa lahayd Bilkhis oo Yemen nooga timid”

Taarikhyahanada dunnida iyo Archaeologists* ayaa soo bandhigay raadadka ku duugan Yeha iyo dhismayaasha ama farta ku qoran magaaladda Ma’rib ee Yemen in ay isku asal yihiin.  Wakhtiga iyo xaqiiqada sheekadaas ku dheeran mayo. ujeedka dawladnimo aan kusoo durko.

Bilqiis boqortooyadeedii Seba, waxay isku xidhi jirtay dunida galbeedka iyo ta barriga. Bilkhis Afrika waxa ay kasoo iibsan jirtay dahabka iyo foolka maroodiga; India waxa looga keeni jiray basbaaska halka China looga soo waaridi jiray wilka.  Boqoradu marki dambe waxa ay daaha ka fayday ganacsiga beeyada.   Bilkhis oo faa’ido badan ka heshay beeyada ayaa usoo wareegtay dhulka Tigrayga oo hoddan ku ahaa beeyada. Waxa ayna xarumo ganacsi ka furatay Yeha iyo Aksum.

Labada sheeko ee ugu dambeeya:  Waa Ferguson faqidaadda uu inaga siiyey sababa galbeedka dhafiyey dunnidda inteeda kale iyo sheekadda Bilqiis, waxa laga dheehanayaa, dawladnimadu in aysan ahayn maamul qaabilsan garsoor, fullin iyo kaliya sharci dajin.  Dawladnimadda ayaa ku arooraysa wax kale iibsi iyo suuq shaqaynaya oo ku xidhan caalamka intiisa kale.

Dawladnimadu in ay tahay suuq ganacsi iyo meel ay ka socdaan dhaqdhaqaq wax kala iibso ayaa aynu badhtanka kaga jirnaa.  Aan soo qaadano dhacdooyin goo-goos ah oo ku wada saabsan dano dhaqaalle.

Safarkii Columbus 1492 uu ugu shiraaqday galbeedka Atlantikada, isagoo tageero dhaqaale ka helaya boqoradii Isabella.  Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la helo dariiq dhaw oo dhib yar oo wax lagaga soo iibsan karo Asia.  Cabsidii ku habsatay Qaynu-qaac iyo reer Binu Nadiira ayaa muhaajriintii Nabi Muxammad (csw) la socotay u noqotay nasri dhaqaale oo ay kula falgalaan Madina. Dhulka Hawdka markii uu Ingiriisku ku wareejiyey Ethiopia waxa uu dhaafsaday ayaa la dhahaa cashuur dhimis ganacsi oo uu ka helay dhanka Ethiopia.

Dawladi waa maxay?  Ma aha su’aal sahlan.  Gunnaanadkii su’aasha ayaa aynu soo gaadhnay.  Kalmadaha aan kaga hadhayo qoraalka, waxa ay noqon doonaan qeexidayda ugu saraysa illaa hadda aan ka amminsanahay waa maxay dawladi?

Adam Smith iyo Karl Marx waxa ay qoraalo ka sameeyeen sayladaha iyo ganacsiga, saas oo ay tahay waxa laga dheegtaa maamulka iyo dhismaha dawladeed.

Kasoo bilaw Aksum, Ethiopia waxa ka jira suuq camiran oo wax lagu kala iibsado.  Ethiopia waxa ay ku guulaysatay dusha in ay ka illaaliso sayladaheedda.

Dawlad-nimadu walow ay u bahan tahay rabitaanka shacabka oo la dhagaysto, cadaalad, iyo maamul wanaag la mid ah kii Mamlikadii Masar hadana, wadnaha dawladi leedahay waa saylad is laba rogaysa.   Taas oo ay waardiye ka tahay xukumad hal-abuur leh.

Waxbarasho ka bilaabanta is-fahamka qofka iyo jiilka oo fahma deegaanka ay ku nool yihiin ayaa noqon karta haddii ay ku baahdo xududaha dalka, dahaadh ku gadaaman xadaarad ama dawlad.

Axmed-xiis Dharbaan

dharbaan01@gmail.com

Nantes  France

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews