Maddaama ay naftooda u hureen dadkooda iyo dalkooda ma mudna in loogu abaal gudo in meelahaas warbahinta loo mariyo

 

 

Tan iyo intii la soo noqoshada xornimada Somaliland si kasta oo wax u dhacaan, siyaasad cakiran iyo waayo kala duwan u soo jireen marna ciidanka waxba lagama sheegi jirin iyo madaxdooda,iska daa in wax laga sheego way jecelyihiin shacbigu ciidanka oo waxayna ku soo dhoweeyaan Sacab waxay u muujiyaan ixtiraam dheeraad ah iyo qadarin.waxan odhan karaa heerka ay Somaliland taagantahay maanta ee ay kaga duwantahay meelo badan oo Geeska Afrika ah waxa soo gaadhsiiyay ilaahay ka Sokow Ciidamada Qaranka.

Sidoo kale waligeed lama soo sheegin Ciidanka Somaliland oo tacaddi ku kacay, xaasha, waligood maynaan arag balse waxaba jirta inay ku kala guntadaan umadda dhexdeeda meel kasta iyo gobol kasta waxa markhaati loo hayaa inay reeraha biyaha gacantooda ugu dhaamiyaan meelaha ay ka jireen duruufaha gaarka ah waxay inta badan kala ilaaliyaan gaas iyo batrool ama hadaan si kale u dhigo Ri,shabeel iyo Caws saddex isu cadow ah oo la rabo inaad mid kasta dhinaciisa u badbaadiso ama qof doonaya inuu isagu naftiisa dilo oo la rabo inaad isaga badbaadiso naftaadana ka badbaadiso runtii shaqada ciidanku waa hal xidhaale waxase xusid mudan inta badan Ciidamada iyo shacbiga waxa ka dhaxaysa wada shaqayn iyo kalsooni.

Maddaama ay naftooda u hureen dadkooda iyo dalkooda ma mudna in loogu abaal gudo in meelahaas warbahinta loo mariyo canbaarayn aanay mutaysan oo la buun-buuniyay,maaddaama aanay iyagu diyaarba u ahayn inay warbaahin ka hadlaan sharciga ciidankuna aanu u fasaxin ee ay ku mashquulsanyihiin Sugidda amniga gude iyo dibadba waxa fiican in shacbigu ka tarjumaan waxay odhan lahaayeen sidaas darteed ma mudna in warbaahinta nooc kasta oo ay tahay Social media ama mass media in laga dhowro oo lagu ixtiraamo shaqada culus ee ay qaranka u hayaan.

Reer Somaliland runta waa in la isu sheegaa oo aan laga ogolaan shakhsi aan waxba ka ogayn waayaha jira inuu ciidanka ka dhigo masrixiyad iyo madadallo(Entertainment) iyagoo la ogyahay inay rag badan oo ciidan ahi dhaxamahaas dhacay dibad u hoydaan oo ama Cadow hor joogaan ama ku mashquulsanyihiin amniga gudaha iyo dibaddaba.

Taliyaha Ciidanka boliska jamhuriyadda Somaliland C/lahi fadal iiman waa shakhsi ma daale ah oo aan inta badan seexan oo xaalad kasta oo jirta Radio ama mobilkiisa furanyahay wixii soo kordhana deg deg ugu kaca kabahana aan bixinin.shaqada uu umadda u hayona lagu aaminay.

Taliyaha C.Q Nuux taani waa shakhsi aad ugu naxariis badan dadkiisa oo jecel inaan lagaga ciyarin hurdadooda isla markaana aanu cadowgu ku soo galin waddanka si fudud.

Taliyaha Laanta Socdaalka ee aanu (Classmate) nahay Dayib Cismaan Caalin waa Diplomasi shahaadada Master qaattay Xidhiidhka caalamiga ah iyo diplomacy waa shakhsi ka war haya isu socoka xuduudaha aqoonteedana leh.

Taliyaha Asluubta Maxamed Xudhuun waa nin shaqadiisa u daacad ah aqoon dheerna u leh Ciidanimada iyo xabsiyada.

Taliyaha dabdamiska,kuxigeenkiisa, iyo howgelintiisuba waxay dhexgalaan guryaha Gubanaya iyagoo qalabkooda xidhan waxayna ugu jiraan umadda kaalin muhiim ah.

Taliyaha Taraafikada Faysal xiis isna waa nin shaqadiisa ka adag oo aan ka fadhiisan.

Taliyaha Ciidamada badda Admiral Cabdi Xirsi Ducaale isaga iyo Ciidankiisuba way ka ilaaliyeen in maraakiib shisheeye si fudud u soo hawaystaan Badda Somaliland ama (Maritime)ka

Dhamaan waan salamaayaa taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Jamhuriyadda Somaliland iyo Ciidanka ay xukumaan ee kala danbaynta iyo anshaxa leh iyo xaasaskoodaba waxan leeyahay umadda reer Somaliland abaal wayn ayay idiin haysaa ee u dul qaatta shakhsiyaad hadal idinkaga yimid oo ka mid ah kuwii aad u shaqaynayseen markay iyagu khuurinayaan hurdada. shacbiga ayaana Xaal idinka Siiyay.

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063 4101213