kaafinews.com
Booliskeena; Bogaadin iyo Baraarujin.
January 30, 2019 - Written by admin

Sidaa darteed waxaa bogaadin mudan, inaynu barbarkooda Istaagno mudan ciidankeena Bilayska ee hadh iyo habeen

Booliskeena Bilanee Badbaadad Bulshadeena                                          

Bacadka iyo Barafkaa Boodhkaa u taagan

Waxay inooga Baahdaanba waa bogaadinteena

Iyo inagoo Baraarujinoo Barbarkooda Istaaga.

Xikmad ayaa tidhaa “Dadka inta Alle (swt) ka baqata iyo inta askarta ka baqata waxaa badan inta askarta ka baqata” , waayo Hadii Alle dadku ka wada baqanayo askarba waa laga maarmi lahaa, cidna wax ma disheen, cidina wax ma boobteen.

Sidaa darteed waxaa bogaadin mudan, inaynu barbarkooda Istaagno mudan ciidankeena Bilayska ee hadh iyo habeen , kulayl iyo dhaxan dhexda u xidhan sugida amniga, waxay u soo jeedaan, hurdadooda u seegaan



sidaynu inagu shacabku nabad ugu seexan lahaa, nabadna ugu soo toosi lahaa, nabad ugu shaqaysan lahayn, nabadna ubadkeenu wax ugu baran lahaayeen, Nabad la’aani waa nolol la’aan, ciidanka bilayskuna waa (factor) ka ama tiirka  ugu wayn ee ay nabadu ku dhisantahay, la’aantoodna hadhka cad ilkaha la isku cunayo.

Waxaa run ah oo aan la dafiri Karin kaalinta muhiimka ah ee ciidanka bilaysku kaga jiro dalka iyo daganaanshihiisa, waxay taaganyihiin wadooyinka, waxay taaganyihiin suuqyada, waxay taaganyihiin kaantaroolada, waxay had iyo goor heegan u yihiin, halgana ugu jiraan illaalinta xasiloonida iyo xakamaynta xadgudubyada iyo danbiyada intaas dadku galayaan,.

Mar walba horta waxaa mahad  iyo amaan leh Illaaha (swt) ina siiyay nabada aynu ku naaloonayno, sidoo kale Alle sokodii waxaa amaan iyo bogaadin mudan Taliyaha Bilayska sareeye gaas C/laahi Fadal iyo ciidanka booliska oo dhan, waayo wuxuu Alle (swt) ku guuleeyay sugida amniga iyo  kala danbaynta, waxaynu markhaati ka wada nahay waxa ka dhacaya mandaqadan bariga afrika ee aynu ku noolnahay,  Alle inooma keenee halkan Hargaysa iyo dalkanba kama dhacaan qaraxyo, dilal qorshaynsan, boob, bililiqaysi iyo barakicin toona, Alle (swt) ayaa mahadaa leh, bal jaleec jaarkeena Alle ha ka faydo dhibkee waxa ka dhaca marwalba muqdisho, iyadoo caalamkii oo dhami dhaqaale iyo cududba la garab taaganyahay, waxaa la qarxiyaa shacabka, waxaa lagu dila siyaasiin,suxufiyiin, culimaa u diin, cuqaal, aqoonyahano iyo dhalinyaro, waynu u ducaynaynaa Alle ha ka dul qaado, inagana nabad ha inoo siyaadiyo.

Billahi calayk bal u fiirso bilayskeena ma siino mushahar ku filan, qooysaskooda guryo looma dhiso, kuwii kacaanku ka tagayna kiro keena ayaa la yidhi, ubadkooduna caafimaad bilaash ma haystaa, waxbarasho iyo jaamacado bilaasha ma haystaan, hadana waxay u heelanyihiin inay u shaqeeyaan shacabkooda , sidaa darteed aflagaado iyo eedayn toona inagama mudna, balse waxay inaga mudanyihiin bogaadin iyo baraarujin, waxay inooga baahanyiin taageerid, tababarid , toosin, tilmaamid iyo taakulayn, waxay u baahanyihiin in aqoontooda, akhlaaqdooda iyo habdhaqankooda la dhiso,  ee kaliyo in la dhaliilo uun maaha.

Waxaa hubaal ha in sida wadamada boqolaalka sano soo dhisnaa, dhaqaalaha buuran leh ee Yurub Iyo Maraykan ciidankoodu yahay aanay kuweenu saacado yar ku gaadhayn, sidaas oo ay tahay hadana waxaynu ku boorinaynaa bilayskeena dadaalkooda inay kordhiyaan, aqoontooda sharci iyo ta xuquuqal aadamahaba kordhiyaan, waxaynu ku waaninaynaa inay shacabkan xariirta ah saaxiib ka dhigtaan, ixtiraamaan, xuquuqdooda dhawraan, ka daayaan kibirka, cawaandada, cabudhinta, cago juglaynta iyo inay ugu awood sheegtaan awooda sharciga iyo shaadhka ay xidhanyihiin.

Ciidanka bilayska ee sharafta leh si ay bulshadoodu u jeclaato, sumcadooduna sare ugu kacdo waa inay si buuxda u ilaaliyaan xuquuqal insaanka, xoriyatul qawlka iyo xuquuqda maxaabiista, intaas waxaa dheer oo aad u muhiim ah in sida ay nabada u sugeen saldhigyadan nadaafadooda dadku ka dayrinayaan la hagaajiyo, waayo maxabuusku wuxuu xaq u leeyahay in lagu xidho meel nadiif ah oo aan caafimaadkiisa wax yeelayn, waxaa qalad wayn ah in qof la xidhay isagoo caafimaad qaba uu soo baxo isagoo xanuunsanaya ama uu nadaafad daro iyo xanuun xabsiga ugu dhinto, halkii uu ka soo bixi lahaa isagoo aqoon iyo xirfad la baray, dhaqan celin loo sameeyay, dhabada toosana lagu riday.

Ugu danbayntii waxa badan ee ay bilaysku qabteen iyo shaqada adag ee ay hada hayaan way ku amaananyihiin, waa loo ogyahay waana loo han wayn yahay, wixii kalee ka dhimana ha hagaajiyaan illeen waatan la yidhi horaa loo soconayaaye. WABILLAAHI TAWFIIQ.

 

By Abdi Ali Omar (A,A,O)

Email address: cabdicali5710@gmail.com

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews